Manchester City Oo Etihad Stadium Kaga Badisay 10-Xidig Oo Liverpool Ah | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Manchester City Oo Etihad Stadium Kaga Badisay 10-Xidig Oo Liverpool Ah
September 9, 2017 - Written by Reporter:

Shan gool oo ay kala dhaliyeen Sergio Aguero, Gabriel Jesus iyo Leroy Sane ayaa kulankii Etihad Stadium kusoo idleeyay guul daro la baday Liverpool oo marti aheyd inkastoo badi ciyaarta ay ku ciyaarayeen 10-xidig.

Pep Guardiola Ciyaartooyadiisa ayaa si awood ku dheehan uga adkaaday dhigooda Liverpool, waxeyna aheyd guuldaradii ugu horeysay ee Reds soo gaadha xilli ciyaareedkaan kulamada horyaalka Premier League.

 

City3-768x310

Jawi xamaasad leh ayey ku bilaabatay ciyaarta iyadoo Liverpool ay si adag ku bilaabatay sidoo kalana Citizens ayaan ka liidan, si weyn ayeyna ciyaarta ula falgaleen.

 

Daqiiqadii 5-aad: Kevin De Bruyne ayaa beegsaday goolka Liverpool markii ay xidigaha City soo dhiseen kubad weerar rogaal celis ahaa, kubad awood leh oo hoose ayey aheyd balse Mignolet ayaa ku dhagay.

Daqiiqadii 11-aad: Alexander-Arnold ayaa halis galiyay kooxdiisa markii uu kubad Dhinac celis ah ku khal-khal galiyay goolhaye Mignolet oo ka dadbanaa goolka, balse kubada kuma beegmin goolka.

Daqiiqadii 13-aad: Fernandinho ayaa si awood leh kubad ugu tuuray goolka Reds isagoo ku sugan xerada ganaaxa balse Mignolet ayaa si cajiib ah isaga saaray kubad goolka ku beegnayd.

Daqiiqadii 15-aad: Liverpool ayaa weerar cajiib ah abuurtay, Salah ayaa ku siman Henderson kaas oo isna kubad u gudbiyay weerarka balse Firmino ayaan si habsami leh u agaasimin, waxana ku dhagay Ederson.

Daqiiqadii 25-aad: Sergio Aguero ayaa si qurux badan uu shabaqa kubada u dhex dhigay, Kevin de Bruyne ayaana si aan caadi aheyn uga soo shaqeeyay.

 Daqiiqadii 31-aad: M. Salah ayaa u dhawaaday inuu barbaro u keeno Liverpool, Sadio Mane ayaa kubad meel dheer u dhigay, balse Messi-ga Masar kubadii uu goolka ku laagay waa laga beeniyay.

CASAAN: Daqiiqadii  37-aad: Sadio Mane ayaa casaan loo taagay kadib markii uu wajiga lug kaga dhuftay goolhaye Ederson, garsoore Jon Moss ayaana go’aansaday inuu ka saaro xidiga reer Senegal ciyaarta.

Daqiiqadaha Dheeriga: Gabriel Jesus ayaa rajada Liverpool xumeeyay markii uu si habsami leh madax qurux badan shabaqa Mignolet ku shubay, Kevin de Bruyne ayaana ka caawiyay.

Qeybta hore ciyaarta ayaa lagu kala maray 2-0, oo ay ku hogaamineyso Manchester City,  iyadoo iyado Reds ay 10-xidig ku ciyaareyso.

Qeybtii dambe ayaa la isku soo laabtay iyadoo Jurgen Klopp uu go’aansaday inuu qolka labiska ku badalo Mohamed Salah, saxeexa cusub ee kooxda Chamberlain ayaana soo galay.

Daqiiqadii 53-aad: Gabriel Jesus ayaa si dhib yar kubad goolka ugu leexiyay, si fiican ayaa kubad loogu simay Sergio Aguero kaas oo isagoo awooda inuu dhaliyo siiyay da’yarka reer Brazil kaas oo shabaqa dhex dhigay.

 Daqiiqadii 73-aad: Jeol Matip ayaa sabab u noqon rabay in Liverpool gool kale laga dhaliyo, balse waxaa si fiican u badbaadiyay goolhaye Simon Mignolet.

Daqiiqadii 75-aad: Benjamin Mendy ayaa si fiican uga soo xarooday garabkiisa bidix, balse kubadii uu soo laaday goolka laguma guuleysan in goolka lagu beego.

Daqiiqadii 77-aad: Leroy Sane ayaa kubad ka hoos bixiyay goolhaye Mignolet, kubad hal iyo labo ah ayuu la ciyaaray Mendy ka hor inta uusan goolka beegsan.

 Daqiiqadii 87-aad: Sergio Aguero ayaa kubad hadiyad ah ka helay Leroy Sane, balse kubadii uu goolka ku laaday waxaa si lama filaan ah u badbaadiyay goolhaye Simon Mignolet.

Daqiiqadii 90-aad: Leroy Sane ayaa soo xidhay guul daradii Liverpool, markii uu kubad aan caadi aheyn ka dhaliyay shabaqa dhinaca midig ee shabaqa, lug bidix.

Natiijada ciyaarta waxey kusoo dhamaatay 5-0, oo ay guusha ku raacday Manchester City, waa guushii sadexaad oo ay wiilasha Pep Guardiola gaadheen, waxeyna aheyd guuldaradii ugu horeysay ee Reds soo gaadha xilli ciyaareedkaan.

Leroy Sane & Gabriel Jesus ayaa min laba dhaliyay halka Sergio Aguero uu gool dhaliyay, natiijadaan waxey Citizens ka saaciday iney si kumeel gaadh ah hogaanka u qabteen iyagoo leh 10-dhibcood.

COMMENTS
LINKS