Halkanka Akhri ; Maansada Cusub Ee (Dadku Aalle Maaha ) Ereyadii: C/Kariim M.Cadde(Qaamuuska Qarniga) | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Halkanka Akhri ; Maansada Cusub Ee (Dadku Aalle Maaha ) Ereyadii: C/Kariim M.Cadde(Qaamuuska Qarniga)
September 10, 2017 - Written by Editor:

Halkanka Akhri ; Maansada  Cusub Ee (Dadku Aalle Maaha ) Ereyadii: C/Kariim M.Cadde(Qaamuuska Qarniga)

Qof kastaba aduunyada .

Ogow waxaanad eegayn.

Inuu kuula iman karo.

Ileyn lama qaniinoo,

Dadku aalle maahee.

Xurmo intuu ku siiyiyo,

Dhaqankaad ka aragtaa,

Kaa khuseeya adigee;

Ha is odhan ku qiimee,

Intuu duunyo haystiyo ,

Qofku siduu u eeg yahay.

Dabci  la iska keeniyo,

Is wanaajin ruux wada,

Ha u raxlaynin adiguye,

Is daad raacintiisani,

Horta eeg waxay tahoo;

Noqo ruux akhriyi kara,

Ujeedada nin leeyahay.

 

Nacas lagama eed baxo,

Kolay yaal agtaadee,

Ka ku eeg yidhaayee,

Sidii ceel ul kugu daya,

Mid ka weyn adowgii,

Adiguna ku yool baadh.

Waa astaan gobeede,

 

Ha iloobin waligaa,

Ruux abaal yar kuu galay.

Geed kastana aduunyada

In gubtaa ku taaloo

Nina iin ma waayee

Si,aan taada loo arag

Astur ceeb qof leeyahay.

Anbaqaadka geediga

Haduu goosto aadmigu

Inuu koro cirkaa sare

Dhulka inaad hawaartaa

Aday  kugu tahayba liitiye

Ku dadaal itaalkaa

Halkuu aaday qayrkaa.

Koley ooli mayside

Ajal haday ka daran tahay,

Ha agmarin xaqiiqdoo

Allaa risiqa bixiyee

Ha amaahin garashada

Waligaa qof aadmiya

,

COMMENTS
LINKS