Xildhibaan NACNAC War Li’i Darteed, Ma Burma Ayaa Beed U La Eegaatay?. | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Xildhibaan NACNAC War Li’i Darteed, Ma Burma Ayaa Beed U La Eegaatay?.
September 10, 2017 - Written by Reporter:

Dawladda Somaliland waxa ay cambaaraysay xasuuqa foosha xun ee ka socda dalka Myanmar amma Burma ee dadka masaakiinta ah ee Rohingya la gu xasuuqayo. Dawlad ahaan waraaqda Madaxtooyada Somaliland ka soo baxday waa mid hambalyo mudan oo dareen Islaam ka turjumaysa.

Dhanka dibloomaasiyadda waa hadal bartii yaqaan ah oo dawladnimo hugmaya – waana diris eed diblomaasiyadeed iyo hiil edboon halkii ugu danbaysay. Nasiib-darro se, waxa fasaqay oo nuxurkii wanaagsanaa ka leefay hadalka Xildhibaanka Golaha Wakiillada ee ku weedhaamay in Somaliland ay 5,000 oo ciidan ah u dirayso Burma – laakiin ay u baahan tahay in diyaarado Turki ah marka hore loo soo diro! Hadalka xildhibaanku waxa uu buriyey diblomaasiyaddii xukuumadda! Ciidanka Somaliland na waxa uu ka soo qaaday ciidan shufto ah oo u diran dirirta adduunka! Waxa kale oo uu been ka sheegay dal kale oo aan sinaba duullaan ugu ahayn Burma. Waxa hubaal ah in dawladda Turkiga qudheedu ay ammakaag ka qaadday warka xildhibaanka Somaliland uu diyaaradaha daad-guraynta ah ku dalbaday! Waxa se hubaal ah in ay tani ka turjumayso aqoon la’aanta dawladnimo iyo xog yarida aynnu ummad ahaan ka haysanno dunida innaga durugsan.

 

21443098_1623701611026535_1807713276_n

Dalka Burma Somaliland iyo Afrikaan kale iska daa’ e, ma jiro dal keliya oo Islaam ah oo ku duuli kara! Waayo ma aha dal u sameysan in la gu duulo. Si aad si wanaagsan ii la fahamto aan kuu iftiimiyo sababta aan Burma cidna ugu duuli karin:- Burma waxa ay leedahay ciidan dhan 406,000, halka Turkiga ciidankiisu ka dhan yahay 382,850! Burma waxa ay leedahay dhul ballaadhan oo aan saamaxayn in cidi ku gardarooto oo dhan 676,578. Dadka qoriga u qaadan kara ee ciidan ahaan haddii loo baahdo diyaar noqon karaa waxa ay dhan yihiin 30,000,000! Burma waxa ay haysataa 249 diyaaradaha dagaalka, 155 maraakiib iyo doonyo dagaal! Qalab ciidan oo dhulka ah oo ka badan 4,000, kaydka dhaqaale ee difaac ee u yaal waa $2,400,000,000. Waxa intaa uu dheer hubka tiirada dheer ee 2,000 ee mayl safri kara! Intaa waxa u dheer; waa dal hubkiisa sameysta oo dadkiisuna ay aad u dagaal yahan yihiin. Ciidan 5,000 ah iyo mid 500,000 ahi toona ma aha mid wax yeeli kara. Markhaatiguna waa in Burma ay weligeed ahayd dal colaad u joog ah, taariikh ahaan na dadkiisu ay naf hur u leeyihiin waddankooda. Waa suuro-gal in aan xildhibaanku warkaa iyo mid u dhaw toona aannu hayn, laakiin qoraalka kan waxa aan u sameeyey in aan arkay dad badan oo xildhibaanka la niyad ah! Yeelkeed e, haddii Burma cidi ku duuli karayso waxa u dhaw Pakistan oo Nuclear power ah, halka ay Bangladhesh oo ciidan iyo dhaqaale ahaan ba ka itaal roon dalal badan oo Muslim ah ay la jaar tahay!

 

Qalinkii, Mohamed Hagi Mohamoud

COMMENTS
LINKS