Haweeney Garsoore Ka Noqotay Ciyaar Horyaalka Dalka Jarmalka Ee Bundesliga | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Haweeney Garsoore Ka Noqotay Ciyaar Horyaalka Dalka Jarmalka Ee Bundesliga
September 10, 2017 - Written by Reporter:

Haweenay ka mid ah booliska Jarmalka ayaa noqotay qofkii dumar ah ee ugu horaysay ee garsoore ka noqota ciyaar ay ciyaarayeen  rag oo ka tirsan horyaal ka mid ah kuwa ugu weyn kubadda cagta Yurub.

Bibiana Steinhaus, oo 38 jir ah ayaa siidhiga u haysay kulan ay yeesheen kooxaha Hertha Berlin iyo Werder Bremen oo ka tirsan horyaalka Jarmalka ee Bundesliga.

Waa haweeneydii ugu horaysay ee garsoore ka noqota ciyaar ay rag ciyaarayeen oo ka tirsan horyaallada dalalka caanka ku ah kubadda cagta ee Yurub, sida Jarmalka, Ingiriiska, Faranisiiska, Talyaaniga iyo Spain.

 

_97749767_bundes

Bibiana Steinhaus ayaa khibrad ballaadhan u leh garsoorenimada kubadda cagta, waxaana ay qabatay fiinaalkii horyaallada gabdhaha ee sanadkan, iyo weliba kulamo ka tirsan horyaalka labaad ee kooxaha ragga ee Jarmalka.

Waxa ay sheegtay in aanay waxba kaga duwaneyn garsoorayaasha ragga ah.

Ciyaarta ay garsooraha ka noqotaya ayaa ku dhamaatay barbaro 1-1 ah, wax khilaaf ahna kama dhicin.

COMMENTS
LINKS