Shirkadda Apple Oo Soo Saaraysa Taleefoonkii Ugu Casrisanaa Abid | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Shirkadda Apple Oo Soo Saaraysa Taleefoonkii Ugu Casrisanaa Abid
September 12, 2017 - Written by Reporter:

Muddo 10 sano ah ayaa laga soo wareegay markii ugu horeysay ee shirkadda Apple ay soo saartay taleefoonada gacanta ee casriga ah, balse 10 guuradeeda awgeed ayaa waxaa hadda lasoo saarayaa kii ugu casrisanaa Abid.

Inkasta oo isbadalo badan lagu sameeyay taxanaha taleefoonada Apple ee IPhone loo yaqaano, ayaa haddana isbadalka hadda lagu samaynayo uu yahay kii ugu weynaa inta la xusuusanyahay taariikhda ama xitaa maskaxda bini’aadamka ay sawiran karto in ay suurtogal tahay.

_97772733_i1

Xeeldheerayaasha tiknoolajiyadda ayaa sheegaya in qiimaha taleefoonka cusub oo lagu magacaabo IPhone X uu noqon doono mid aad u sareeya.

Waxa uu leeyahay naqshad cusub oo xoodan, waxa ku rakiban aalad wajiga lagu aqoonsan karo, iyo waliba tasiilaad kale oo aad u badan.

 

COMMENTS
LINKS