Dareenkayga Iyo Buugga Saxarla W/Q: Nimco Baashe | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Dareenkayga Iyo Buugga Saxarla W/Q: Nimco Baashe
September 12, 2017 - Written by Reporter:

Waxaan halkan idin kula wadaagayaa 4 Qodob oo aniga ila noqday inay ugu muhiimsan yihiin, laga yabaa inaad adiguna kuwo ka muhiimsan ka soo saarto haddaad

                                             Nimco(4)
Buuggan saxarla,  waa buug akhrintiisa aan wakhti siiyay laba cisho iyo habeen, muddadaas aan waday wax kale isha kuma jeedin,  kamana mashquulin, sababtuna waxa weeye,  buugga ayaa iga kasbaday inaan ka jeedsan, xiisaha ay leedahay sheekada uu gudbinaayo.  Qoraaga Buugga Magaciisu waa Faarax Maxamuud,Akhrintiisa buugan maaha mid aan qoraal kusoo koobi karo,  kelmado aan ku cabirana garan mayo.

Sheekada uu Buuggu gudbinayaa waa male-awaal, ama sameys, sida uu qoraaga buuggu inoo sheegay, balse waxaad garan kartaa inay tahay sheeko xaqiiqo ah oo maalin walba ama bil walba ama sanadkasta ka dhex dhacda bulshadeena somaalida.

Waxaan halkan idin kula wadaagayaa 4 Qodob oo aniga ila noqday inay ugu muhiimsan yihiin, laga yabaa inaad adiguna kuwo ka muhiimsan ka soo saarto haddaad akhrido.

  1. Dhibka Hooyo La’aanta:

Gabadha yar ee jaldiga buugga ku sawiran waa Saxarla,  waana gabadha sheekada inteeda badan ku socoto, saxarla miyi ayay ku dhalatay, waa gabadh  iyadoo yar hooyadeed dhimatay! Aabbeheedna gabadh kale ayuu guursaday oo iyada u noqonaysa Aayo. Saxarla markii ay kortay xoolaha ayaa dhankeeda loo diray,  madaama oo ay yihiin dad reer miyi ah.   waxay la kulantay gumaysi iyo cidhiidhi ay ku haysay Ayadeed, waxayna tabaysay koolkoolintii iyo barbaarintii Hooyonimo.

Saxarla waxay sidaas ahaataba,  waxay dhibsanaysaa dhibaatada ay ku hayso gabadha Abbeheed,  waxayna go’aan ku gaadhaysaa inay baxsato oo ay u huleesho dhankaa iyo magaalada,  habeen iyo maalin ayay soo soconaysaa dhul ay ah oo cidlo ah, waxay xili habeenimo la kulmaysaa dugaag uu ka mid yahay Libaax, balse waa naf illahay ilaashanayee way ka badbaadaysaa waxayna soo galaysaa magaalaada.

  1. Naxariista iyo kaalmeynta:

Kalmada naxariista iyo in la is kaalmeeyaa maaha shay cid gaar ah u astaysan balse waa dareen dadka illahay iskaga abuuran, waxaa laga yabaa qof aanad naxariis ka filayn inuu kuu naxariisto oo uu ku caawiyo adoo dhiban. Saxarla markii ay soo gashay magaalada may garanayn meel ay tagto iyo cid ay ku hagaagto,  waana markii u horeysay ee ay magaalo intan leeg soo gasho, iyadoo xili habeenimo ah suuqa badhtamaha Magaalada Muqdisho dhex socota oo kolba dhan u cararaysa madaama oo ayna garanayn meel ay u socoto iyo meel ay ku hagaagto toona,  waxay kusoo baxaysaa saddex dhallinyaro ah oo iyada da’ahaan ka roon, waana carruur darbi jiif ah oo suuqa iska wareega, saddexdaa waxaa ku jirta gabadh,  kadib way u yeedhayaan waxayna moodayaan mid yaroo imika suuqa lagu soo daayay,  waxayna doonayaan inay tababar siiyaan ku saabsan nolosha darbi jiifka iyo sida ay u noolyihiin.  Marka ay u timaado waxaa markiiba damcaaya mid kamida wiilashii inuu fara’xumeeyo oo uu isku dayo inuu kufsado, balse waxaa ka qabanaysa inanta oo ku odhanaysa gabadha yar waa carruur waxayna ka timid miyi ee nabad geliya, sidaasna waxay kaga badbaadaysaa jabkii uu la rabay wiil kamida darbi jiifka.

  1. Markuu illahay ku illaalinaayo:

Saxarla iyadoo suuqa hadba meel istaagaysa ayaa waxaa kaxaysay gabadh kamida Dumarkii suuqa ka adeeganaayay,  waxay waydiisay inay shaqo rabto iyo in kale,  saxarlana waxay ku jaabtay inay rabto,  madaama oo ay gabadh yar tahay shaqo na ayna garanayn,  looma dirin shaqo badan ee waxaa loo dir diri jiray hawlaha yar yar ee ay kamid yihiin shah ay kariso,  tukaanka oo ay wax ka doonto,  illeen gabadhan waxaa guriga u jooga hablo badan oo ay jidhkooga ka ganacsato,  gurigana waxaa ku xidhan rag badan oo iskuugu jira kuwo ladan oo dowlada ka tirsan iyo kuwo dabaqad dhexe iskaga jira, ragga ayay lacag ka qaadataa si ay maalinba inan yaroo cusub ugu keento.  Saxarla waa gabadh yar oo aan weli qaan gaadhin waxaana lala sugaayay inta ay waynaanayso, muddo markii ay joogtay ee ay yar kortay shaqadii gurigana ay wada baratay,  waxaa talo siisay mid kamida gabdhihii hore meesha u si joogay,  waxayna u sheegtay haddii ay halkan sii joogto inay noqonayso qof bilaa mustaqbal ah nolosheedana ay baaba ayso cidna ayna  guursanaynin marka ay waynaato,  sidaas darted waxay u sheegtay inay ka badbaado inta ay goori  goor tahay oo ay baxsato. Dhawr cisho markii ay taladii ka fikirtay saxarla markii dambe way ku qanacday waxayna damacday inay raadiso Habar-yarteed oo hooyadeed la dhalatay oo ay maqashay inay magaalada ku nooshahay gurigana sidaas ay kaga baxsato,  way adkayd  inay guriga si dhibyar kaga baxsato oo ninka waashmaanka ka ah guriga ayaa lagu balamiyay hablaha yar yar in ayna banaanka u bixin,  balse  gabadhii tallada siisay ayaa u sheegtay inay tukaanka Sigaar uga soo iibinayso waxayna saxarla gosha u sii galisay  xogaa lacag ah oo ay tidhi wax ku iibso wax walba way dhici karaane. Saxarla markii ay ka baxsatay gurigii waxay si toos ah u dhex carartay magaaladii oo ayna garanayn dhanka uu ka xigo guriga habaryarteed ee ay u socoto,  waxaana mar kale u dhacay gabalkii iyadoo weli suuqii ku dhex jirta,  isla habeenimadii ayaa waxaa qabtay laba nin oo sirkhaamiin ah, mid kamida ayaa qabtay oo yidhi “nayaa xageed ka timid maxaadse meesha ka qabanaysaa”,  cabsi darted umay jawaabin waxayna isku dayeen inay baadhaan,  markii ay baadheen ayaa waxay jeebkeega ka heleen lacagtii gabadhu soo siisay oo ayna waxba ka isticmaalin, sidaasna way kaga qaateen,  mid kamida ayaa isku dayay inuu xoogo,  balse kii kale ayaa ka qabtay oo yidhi waar waa ilmo yare e iska sii daa.

  1. Samirka iyo  Saxarla:

Saxarla waxay soo martay, Dhib,Rafaad, Culeys, Waxay soo rafaado oo ay soo jabto aakhirka waxay ku dambeynaysaa meel fiican, waxayna galaysaa nolol heerkeegu sareeyo,  balse marka aad sheekada akhrinayso isma odhanaysid, tan way ka baxaysaa maxaa yeelay dhib marka ay fooda ka yara qaado ee aad is tidhaa imika ayay nasanaysaaba rafaad kale ayaa u bilaabmaaya,  rafaadba rafaad kale ayuu u sii dhiibayaa,  marka ay silic dhameysato ee ay nolosha nooc walba soo marto aakhirka waxay helaysaa nabsi maale, cid kasta oo dhib u gaysatayna waxay maraysaa ciqaab xaga illahay laga marinaayo,  waxayna ugu dambeynta helaysaa ehelkeegii iyo walaaladeed oo qaarna iyagoo yar yar ay ugu dambeysay qaarna ay ka dambeeyeen balse waxay is helayaan iyagoo dad waawayn ah, halkaasna waxaad ka baranaysaa dhib kasta oo ku qabsada inuu kaa dhamaanaayo  oo aad u samirto, waxaynu soo qaadanaynaa hees ay ereyadeeda ay ka mid ahayeen.

“dhibka laguma waaroo

Dhaxal looma yeeshee

Waa laga dhammaadaa”.

 

caashaqa555@hotmail.com

dheeman6655@gmail.com

Nimco Baashe

Hargeisa

COMMENTS
LINKS