Dawlada Ingiriiska Oo Balan Qaaday Inay Soo Dirayso 60 Goob Jooge Oo Culus Oo Kormeera Doorashada Madaxtooyada Somaliland | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Dawlada Ingiriiska Oo Balan Qaaday Inay Soo Dirayso 60 Goob Jooge Oo Culus Oo Kormeera Doorashada Madaxtooyada Somaliland
September 13, 2017 - Written by Reporter:

Hargeysa(W,N)-Dawlada Ingiriiska ayaa ballan qaadday inay 60 ergay oo xoogan oo caalami ah usoo diri doonto doorashada madaxtooyada somaliland si ay u kormeeraan doorashadaas Nofember la qorsheeyey inay qabsoonto.

sidaas waxa ku dhawaaqay wasiiru dawlaha Ingiriiska u qaabilsan Afrika iyo dalalka Barwaaqo Sooranka Rory Stewart oo todobaadkan Baarlamaanka Ingiriiska kaga jawaabay su’aal uu waydiiyaya Xildhibaan Stephen Doughty oo nuxurkeedu ahaa doorka Ingiriiska ee hawl galada doorashada iyo kormeerka doorashadaas Madaxtooyada Somaliland.

 

9294

Wasiir Rory Stewart wuxuu isaga oo ka hadlaya mawqifka Ingiriiska uu yidhi sida tan

“Dawlada Ingiriisku 218 Milyan oo lacagta Ingiriiska ah ayay ku bixisay qorshayntii diyaarintii iyo gaadhsiintii diiwaangalinta codbixiyaha Somaliland ee loo adeegsanayay qalabka sawirka Indhaha. Dad tiradoodu ka badan tahay 870 kun oo in kala badh ka badani Dumar yihiin ayaa is diiwaangaliyay,dawlada Ingiriisku waxa kale oo ay bixinayasaa 1.4 milyan oo Gini oo dheeraad ah,lacagtaas waxa lagu maalgalinayaa taageerada guud ahaan hawlaha doorashada ee kala duwan oo ay kamid tahay wacyigalinta iyo waxbarashada madaniga ah”.sidaas ayuu yidhi.

Isaga oo wali hadalkiisa sii wata Rory Stewart ayaa waxa uu intaa ku daray

“Waxa kale oo ay dawlada Ingiriisku bixinaysaa 202 Kun iyo 17 DOllar (202,017) oo ah kharashka ku baxaya 60 ergo caalami ah oo xoogan oo kor-jooge/Goob jooge ka noqda doorashooyinka wakhtigoodii kadib dhacay ee Madaxtooyada iyo Baarlamaanka oo iminka loo qoondeeyey inay dhacaan Bisha Nofeember”.

Dawlada Ingiriisku 26-kii Jeenawari 2017 waxay cadaysay in aanu jiri doonin dhaqaale uu Ingiriisku ku bixin doono kharashaadka dheeraaddka ah ee ka dhasha dib u dhacyada doorashada ku yimid.

COMMENTS
LINKS