Antonio Conte Ayaa Amaanay Qaab Ciyaareed Fiican Ee Ay Soo Bandhigtay Kooxdiisa Chelse+Sawirro | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Antonio Conte Ayaa Amaanay Qaab Ciyaareed Fiican Ee Ay Soo Bandhigtay Kooxdiisa Chelse+Sawirro
September 13, 2017 - Written by Reporter:

Macalinka kooxda kubada cagta ee Chelsea Antonio Conte ayaa ammaanay kooxdiisa ka dib markii ay 6-0 uga badiyeen Qarabag FK kulankii Champions League ee xalay.

Kooxda heysata horyaalka Premier League ayaa garoonkeeda ku soo dhaweysay kooxda reer Azerbaijan ka dib markii ay dib ugu soo laabteen tartanka kooxaha qaarada yurub ee Champions League sanad kadib.

“Waxa ay aheyd natiijo fiican, waxaan ku bilaabanay Champions League sida saxda ah, waxaan arkay wax weyn oo diirada saaran, diirada saarey iyo xoojinta bilowga ciyaarta, waxa ay aheyd wax ka fiican ciyaartoyda” ayuu Conte u sheegay Sky Sport.

Chelsea ayaa haatan badisay afartii kulan ee ugu danbeysay tartamada oo dhan si ay uga soo kabsadaan guuldaradii ka soo gaadhay maalintii furitaanka xilli ciyaareedkan.

 

 

 

COMMENTS
LINKS