Baarlamanka Somalia Oo Maanta Ka Dooday Dhiibitaankii Qalbi-Dhagax | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Baarlamanka Somalia Oo Maanta Ka Dooday Dhiibitaankii Qalbi-Dhagax
September 13, 2017 - Written by Reporter:

Muqdisho,(W,N) –Xildhibaannada baarlamaanka Soomaaliya oo kulankoodii maanta dood adag ka yeeshay go’aanka xukuumada soomaaliya ee ka dhanka ahaa Cabdikariin Sheekh Muuse Qalbi Dhagax, ayaa siweyn ugu kala qeybsamay arintan iyo tallaabada ay qaaday xukuumada soomaaliya.

Taradii ugu badneyd xildhibaannadii maanta ka hor hadashay baarlamaanka waxaa ay siweyn u soo dhaweeyeen go’aanka xukuumada, iyaga oo dhinaca kalana meesha ka saaray mooshin qaar ka mid ah xildhibaannadu soo diyaariyeen oo la doonayay in loogu yeedho ra’iisal wasaare Kheyre iyo xubno ka tirsan gollihiisa wasiirada.

020A638E-8350-4DF5-BD08-507514744FA9_w1023_r1_s

Waxaa jiray xildhibaanno iyaguna aragtidooda dhiibtay kana soo horjeestay go’aankii xukuumada ee la xidhiidhay Qalbi Dhagax iyo ONLF.

Guddoomiyaha baarlamaanka soomaaliya Maxamed Sheekh Cusmaan Jawaari ayaa markii ay soo dhamaatay dooda Xildhibaanada sheegay in ay guddi u saarayaan arintan oo ka soo tala bixiyaan kadibna Xildhibaanada dib ugu soo celin doonaan natiijada talo bixinta.

Guddoomiyaha ayaa intaa ku darray in xubnaha guddiga arintan loo xil saarayo dib laga soo sheegi doono lamana oga in laga soo dhax xulayo baarlamaanka iyo in ay ka koobnaan doonaan xubno laga soo dhax xulay guddiga joogtada ah ee baarlamaanka ama labada dhinac oo leysku darray.

Todobaadyadii ugu danbeeyayba marka la eego hay’addaha kala duwan ee dowladda soomaaliya waxaa ay ahaayeen kuwo mashquul ku ah sida laga yeelayo Kiiska sarkaalka ka tirsanaa ONLF oo loo gacan galiyay dowladda Itoobiya waxaana muuqata in Kiisani yahay ugu saameynta badan marka la eego siyaasada  Soomaaliya wakhtigan aynu joogno.

COMMENTS
LINKS