Irmaanteenii Berbera Miyaa Ooda Loo Rogay ?. | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Irmaanteenii Berbera Miyaa Ooda Loo Rogay ?.
September 13, 2017 - Written by Reporter:

Berberi waa bugcad Alle swt ku manaystay dalka Jamhuuriyada somaliland oo ku taala meel deked laga sameeyo meeshii ugu haboonayd, waxa ay ku taala marin ka mid ah marinada badaha ah ee dunida isku xidha kuwooda ugu muhiimsan. Waxa tartan kula jira Dekedo iyo Dekedo u eekayaal ku yaala mandaqadan Bariga Africa ee ay BerBera ku taalo, oo ay ka sumcad iyo istaratijiyad wanagsanayd xataa dawladaha dhaqaalaha haysta iyo kuwa la aqoonsan yahayba.

 

21729446_1631115910285105_606098537_n

Dekeda Berbera waxa la wareegtay shirkada Emirates ka ah ee dekedaha ee loo yaqaano DP WORLD oo imika gacanta ku haysay mudo sanad wax ka dhiman yihiin. Haddaba markii heshiiska 240 milyan ee dollar ahaa dawlada somaliland la gashay shirkada dekedaha ee dalka Emirates ka ee DP WORLD, ayaa waxa aan ka mid ahaa dadkii taageersanaa in aynu maalgashi helay, walow uu nagu jiray saluug, jujuub iyo madmadow heshiiska lagu galay laguna jiidhsiiyay goleyaasha sharci dejinta, hadana waxa aan ku niyad samaa in aynu in uun dunida maalgashi ka helay.

Sidaa oo ay tahay ayaa haddana isla Berbera madaarkeeda lagu wareejiyey ciidamada dalka Emirates oo la yidhi way dagayaan oo military base ayuu u ahaanayaa waxaana lala galay heshiis 30 sano ku dhow, Anigu shaqsiyan waan ka soo horjeeday saldhigaa ciidanka imikana waan ka soo horjeedaa umana arko in uu dan u yahay dalkeena. Haddaba waxa aan yaab iyo amakaag usoo baxay markii dekedeenii oo la isku ogaa in la inoo wayneeyo ama deked kale laga garab dhiso, iyada oo aan labadaa midina dhicin lagu wareejiyey shirkadii DP WORLD oo aynu nidhi waxayaga maamul adiga oo aan wali waxba gashan.

Waxa soo baxaysa in sumcadii iyo Adeegii BERBERA PORT lagu yaqaanay ee ay lahayd meesha ka sii baxayaan oo durba ay bilaabantay cabasho iyo tabashooyin maamul iyo shaqaale. Waxa sida oo kale soo banbaxaya khasaareyaal iyo wiishash koontiinaradii ay sideen kaga dhaceen gaadiidkii dekeda yaalay ee ay dadku la soo dageen, khasaaruhu waa wax dhici kara oo wax intaa ka weyn ayaaba dhaca e, laakiin waxaa jira wax badan oo inaga qarsoon. Waxa iyaduna soo baxday in culays ka jiray dekada oo ay isku soo gaadheen badeecadihii iyo maraakiibtii rarnayd oo aan la kala horeyn ama aan hawl hagaagsan cidi ka qabanayn oo xataa badeecadihii wadamada jaarka u socday gaadiidkii qaadi jirey iyaga oo madhan dib isaga noqdeen. Arimahan aynu sheegayno iyo qaar kale oo jira awgood ayuu madaxweyne AHMED SIILAANYO wareegtadiisii ugu dambaysay ku badelay mareeyihii hore ee dekedaha, kuna soo magacaabay maareeye cusub. Wallow isla maalmihii la magacaabay aan warbaahinta ka dheehanayey dadweyne leh Arimaha dekedu Madaxweyne maaha qaar maareeye wax ka qaban karo. Isku soo wada duuboo, marka aad eegto kaalintii ay Dekeda Berbera qarankan kaga jirtay oo ay aheyd hooyada Nuujisa somaliland iyo sida xaalku yahay maanta ayaa waxaan idhi:- irmaantaydii Berbera miyaa ooda loo rogey.

Aragtidii muwaadin Muhamed Dhimbiil

COMMENTS
LINKS