Aqoonyahan Xasan Cabdi Cabdilaahi Oo Loo Magacaabay Gudoomiye Kuxigeenka Xisbiga Wadani Ee Laanta Bristol iyo Dareenka Lagu Qaabiley. | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Aqoonyahan Xasan Cabdi Cabdilaahi Oo Loo Magacaabay Gudoomiye Kuxigeenka Xisbiga Wadani Ee Laanta Bristol iyo Dareenka Lagu Qaabiley.
September 13, 2017 - Written by Editor:

Bristol(W,N)-Aqoonyahan Xasan Cabdi Cabdilaahi oo kamid ah ragga ugu Mudakarsqn ee Aqoonyahanka Qurba jiiga Reer Somaliland ee Cariga ingiriiska islamarkaana,Kamid ah shakhsiyaadka Saamaynta Culus ku leh Bristol iyo Deegaanka Waqooyiga Hargeysa ayaa loo Magacaabay Gudoomiye Kuxigeenka Laanta Bristol ee Xisbiga ugu Weyn Mucaaridka Somaliland  ee Wadani.

Taageerayaasha iyo Masuuliyiinta Xisbiga Wadani ee Qaarada Yurub ayaa siweyn usoo dhaweeyay Magacaabista Xisbiga Wadani usoo magacaabay Laanta Xisbiga ee Bristol Gudoomiye Kuxigeenka Xisbiga ee Laantaasi Aqoonyahan Xasan Cabdi Cabdilaahi oo kamid ah dhalinyarada Aqoonyahanka ah ee UK.

magacaabis bristol

Magacaabista Aqoonyahankan oo ay kulan balaadhan ka yeesheen Xubnaha Xisbiga Wadani ee Bristol  ayaa la isula Waafaqey kadib markii ay qiimayn dheer diirada ku saareen suda uu ugadan karo Hawlaha Dhaqdhaqaaqyada Xisbiga ee Laanta Bristol Xidhiidhka wadashaqeynta iyo doorkiisa Firfircooni iyo kartida uu u leeyahey qabashada Arimo badan oo kaalintiisa ku aadan taas oo Si Rasmi ah qalinka loogu duugey in uu Aqoonyahan Xasan Cabdi Cabdilaahi yahey Gudoomiye Kuxigeenka Xisbiga Wadani ee Laanta Bristol.

Aqoonyahan Xasan Cabdi Cabdilaahi Waxa uu ku Dhashey Magaalada Hargeysa gaar ahaana Xaafada Goljano sanadii 1979kii Waxaanu Waxabarashadiisii Dugsiga Hoose/Dhexe kusoo qaatey Magaalada Hargeysa Dugsiga Sheekh Bashiir isagoo Waxabarashadiisii Dugsiga Sare ilaa heer Jaamacadeedna ku qaatey Wqdanka Hindiya Waxaanu kamid yahey raga fara kutiriska ah ee ku shaqeysta aqoontooda Waxaanu hada Company Manager ka yahey UK gaar ahaana Bristol.

xasan wadani

Magacaabista Aqoonyahankan Xisbiga Wadani ee Laanta Bristol Waxa dareen soo dhaweyn iyo qaabilaad Farxad iyo Damaashaad huwan kusoo dhaweeyay Guud ahaanba Taageerayaasha Xisbiga Wadani ee Qaarada Yurub gaar ahaana Bahweynta Reer Wadani ee UK iyo Bristol iyadoo Hadalheytiisu Xiisad gaar ah ka abuurtey Bristol Maadaama uu kasoo jeedo Beesha Murashaxa Kulmiye islamarkaana Yahey Shakhsiyad Saamayn leh.

 

WAJAALENEWS DESK

EMAIL;WAJALENEWS@GMAIL.COM

COMMENTS
LINKS