Kooxaha Real Madrid, Manchester City Iyo Tottenham Oo Guulo Gaadhay Kulamadii Caawa Ee Champions Leaque | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Kooxaha Real Madrid, Manchester City Iyo Tottenham Oo Guulo Gaadhay Kulamadii Caawa Ee Champions Leaque
September 13, 2017 - Written by Reporter:

Siddeed kulan oo Champions Leaque ah heerkiisa Groupyada ah ayaa caawa laga ciyaaray garoomada Yurub, waxaana guulo gaadhay kooxo ay ka mid yihiin Real Madrid, Manchester City, Tottenham halka kulankii sida wayn loo sugayay ee Liverpool iyo Sevilla uu ku dhamaaday barbaro. Tottenham ayaa ugu danbayn iska reebtay guul daradii  Welmey Stadium waxayna gul daro baday kooxda Dortmund.

Ugu horayn Manchester City ayaa 4-0 kaga badisay kooxda reer Holland ee Feyenoor waxaana kulankan si laayableh iskugu muujiyay difaaca dhexe ee John Stones kaas oo gool dhaliye isku badalay.  Sergio Aguero ayaa raacsaday goolka labaad daqiiqadii 10 aad ee kulankan.

Gabriel Jesus ayaa sii watay gool dhalintiisa iyo saamaynta uu City ku leeyahay wuxuuna daqiiqadii 25 aad ciyaarta ka dhigay mid xili horeba lagu kala calaf qaaaday laakiin markii layskugu soo laabtay qaybtii danbe ee ciyaarta ayuu daqiiqadii 63 aad John Stones dhaliyay goolkiisa labaad ee kulankan si uu ciyaarta uga dhigo 4-0

Guardiola ayaa daawanayay kooxdiisa oo xili horeba dhulka dhigatay Feyenoord isla markaana guul daro baday  kooxda Feyenoord. Man City ayaa qaab ciyaareed aad u fiican ku furtay xili ciyaareedka cusub ee Champions Leaque.

Dhinaca kale Tottenham ayaa 3-1 kaga badisay kooxda Borussia Dortmund waxaana kulankan isku muujiyay Harry Kane oo xidigaha Yurub ugu fiican u sheegay in uu hadda si toos ah ula tartami karo kadib markii uu hore iskugu muujiyay Premier Leaque.

 

Tottenham ayaa daqiiqadii 4 aad hoganka ciyaarta ku qabtay gool uu dhaliyay Son laakiin Yarmolenko ayaa barbaraha u keenay Dortmund waxayna ciyaartu noqotay mid xiiso badan laakiin Hary Kane ayaa saamayntiisa la soo baxay si uu Tottenham guul wayn ugu hogaamiyo wuxuuna laba gool kala dhaliyay daqiiqadihii 15 aad iyo 60 aad.

Tottenham oo groupka adag kula jirta Dortmund iyo Real Madrid ayaa sii heshay saddex dhibcood oo muhiimad wayn u yeelan doona marka uu soo dhamaanayo heerka Grouyada Champions Leaque. Kooxaha Maribor iyo Spartk Moskkava ayaa barbaro 1-1 ah galay Napoli ayaa guuldaro 2-1 ah kala soo laabtay Shakhtar.

Haddaba halkan kaga bogo dhamaan natiijooyinka kulamadii caawa laga ciyaaray Champions Leaque oo dhamaysa tiran.

COMMENTS
LINKS