Tayooyinka Shaqsiyeed W/Q: Xamse Tudhaale | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Tayooyinka Shaqsiyeed W/Q: Xamse Tudhaale
September 14, 2017 - Written by Reporter:

Tayooyinka shaqsiyeed waa awoodo iyo xirfado ku qarsoon qofka gudihiisa oo aan laga arki karin muuqaalkiisa sare balse la dareemi karo lana arki

Tudhaaleeeeee

Maqaalkan waxa aan ku yar dul istaagi doonaa Waxyaabaha aynaan taaban karin se aynu arki karno natiijadooda kuwaas oo ah tayooyin qofka ka caawiya in uu noqdo mid ku sifaysan wanaag, noloshiisana ka gaadho guulo wax ku ool ah.

In kasta oo aynu ka wada dharagsanahay xaqiiqada ah in aanu qofna dhammaystirnayn oo uu qof kastaaba leeyahay Iin u gaar ah ama ha u qarsoonaato ama ha ka muuqatabee; haddana waxa aynu ka baranaynaa Maqaalkan in aynu mar walba ku dedaalno tayaynta shaqsiyaddeena; taas oo dadnimadeena qiimo weyn u yeelaysa.

Tayooyinka shaqsiyeed waa awoodo iyo xirfado ku qarsoon qofka gudihiisa oo aan laga arki karin muuqaalkiisa sare balse la dareemi karo lana arki karo natiijada ka dhalata.

Marka aynu leenahay tayo, waa wax muddo badan ku haynaya oo munaafacaadkiisuna yahay mid loo aayo.

Tayada shaqsiyeed waa waxa kaliya ee dhammaan dadku isku raaceen, cid kastana aqbashay; taas oo ah wax aan muran ka dhalan, maadaama qof kastaaba dareemi karo oo aanu iska indho tiri karin.

Tayooyinka shaqsiyeed waxa ay u qaybsamaan laba nooc oo kala ah:

 

1: Mid uu qofku ka dhaxlo Deegaanka ku hareeraysan ee iskugu jira Dadka iyo Duunyadaba.

2: Mid uu qofku ku dhasho oo Alle (S.W.T) uu qofka u siiyo hibo ahaan.

 

Marka aynu ka hadlayno midda uu qofku Deegaanka Dadka iyo Duunyadaba iskugu jira ka dhaxlo, waa mid qaadata waqti inta badana ku dhacda hanaan uu qofku u kasay ama aanu u kasin. Tusaale ahaan: Qofbaa ah mid dadka ku hareeraysan oo dhami yihiin kuwo samirka ku wanaagsan oo aaminsan in Samirku yahay udub dhexaadka Nolosha, waxa hubaal ah in muddo ka dib xataa haddii aanu qofkaasi lahayn samir ay qasab noqonayso in uu barto qiimaha samirka isla markaana uu noqdo qof leh samir.

Tani waxa ay ina tusinaysaa in  qofku Tayooyinka shaqsiyeed ka dhaxli karo Deegaanka iskugu jira Dadka iyo Duunyadaba. Sidoo kale waxa aynu ka dharag sanahay muhiimada ay xirfadu u leedahay nolosha; haddii aanu qofku xirfad lahayna ay adag tahay in uu ka guul gaadho hawlihiisa shaqo iyo kuwiisa gaar ahaaneedba, tanina waxa ay muujinaysaa in xirfadu dhextaalo Deegaanka lagana dhaxlo.

Qodobka labaad oo ah Tuu Alle (S.W.T) uu qofka u siiyo hibo ee uu ku dhasho ayaa ah mid Xikmad dhanka rabbi ka timid ah, tusaale ahaan waxa aad arkaysaa qof Hogaaminta ku fiican ama ku fiican xallinta Dhibaatooyinka isaga oo aan meelna ka soo baran, ama waligii aan istaagin meel waxaas lagaga sheekaynayo. Tani waxa ay noqonaysaa Hibo Alle uu siiyo in yar oo ka mid ah Adoomihiisa; taas oo uu kala xisaabtami doono Maalinta Qiyaame, sababta oo ah waa Nimco ay muhiim tahay in looga faa’idaysto dhanka samaha/wanaaga.

Qaar ka mid ah Tayooyinka shaqsiyeed:

 

  • Furfurnaanta, la dhaqanka iyo dhexgalka dadka
  • Daacadnimada/Aaminaada
  • Xikmada
  • Kartida iyo firfircoonida
  • Samirka/Dulqaadka
  • Fahanka degdega ah
  • Hoggaaminta
  • Kalsoonida
  • Dabeecad wanaaga
  • Akhlaaqda
  • Aftahanimada
  • Geesinimada
  • Xakamaynta Cadhada iyo Farxadda
  • Go’aan qaadashada
  • Maskax furnaanta
  • Hal-abuurnimada
  • Degganaanta
  • Xirfadaha kala duwan ee laga qabto Gacanta/Maskaxdaba

 

Dhammaan Tayooyinkani waa kuwo aan la taaban karin se la arki karo natiijadooda wanaagsan, qof walbana waa uu jecel yahay in uu helo tayooyinkan oo uu ku astaysnaado/calaamadsanaado.

 

Waa Maxay Faa’idada ku jira in qofku helo Tayooyinkan ama uu lahaado?

 

Tayooyinkani waa kuwo macne iyo miisaan culus oo qiimo leh ku daraya shaqsiyada/dadnimada qofka, taas oo uu guulo kaga gaadhi karo noloshiisa sidoo kalena ku hanan karo quluubta dadka kala duwan ee uu la dhaqmayo.

Waxa aynu ognahay in Alle (S.W.T) aanu cidna keenin Dunida iyada oo xun waxaana markhaati inooga ah ku dhalashada uu qofku ku dhasho fidrada Islaanimada. Sidoo kale waxa aynaan iska indho tiri karin in Alle (S.W.T) ina siiyey fursado kala duwan oo aynu ku heli karno dhammaan waxyaabaha inaga maqan ee aynu doonayno in aynu ku kabno nolosheena.

Faa’idada ugu weyn ee ku jirta in qofku barto ama helo tayooyinkan ayaa ah in ay ku samaanayso noloshiisa Aduunyo iyo tiisa Aakhiraba.

Waxa aynu aragnaa dadyow badan oo nidaamka waxbarashada ka gaadhay meelaha u sarreeya laakiin aan lahayn qaar ka mid ah tayooyinkan, kuwaas oo kala kulma noloshooda shaqo iyo midooda shaqsiyeedba caqabado fara badan oo ku rida warwar iyo walaac badan oo ku sababa in ay fahmi waayaan xaga ay dhibtu ka haysato.

 

Waxa kale oo aad arkaysaa dad aan waligoodba soo marin nidaamkan waxbarasho se hela shaqooyin nolol fiicana kula nool dadyowga ku xeeran, kuwaas oo hela Ixtiraam iyo wanaag ay u hayso bulshada ku xeerani, sirta ka danbaysa tan ayaa ah in qofkani leeyahay Tayooyinkan aynu soo xusnay; kuwaas oo ka caawiyay in uu nolosha fahmo sidoo kalena hanto quluubta dadyow badan oo ku xeeran.

 

Tayooyinkani maaha badankoodu kuwo aynu meel ka baran karno se waa kuwo aynu ka kasban karno Deegaanka Dadka iyo Duunyada iskugu jira ee inagu hareeraysan, waxaana saamayn weyn ku leh Diinta iyo Dhaqanka ay haystaan Bulshada ku wada Deegaan isku mid ah.

Tusaale ahaan: Bulshadeena in badan oo ka mid ah haddii marka ay ku caawiyaan ama ay kuu sameeyaan wax wanaagsan aad ku tidhaahdo “Mahadsanid” in badan oo ka mid ahi waxa laga yaabaa in ay kugula yaabaan kalmadaas aad ku tidhi.Hadalada naxariista lehna waxa aynu ognahay sida ay nolosheenii Miyigu uga dheerayd ee ay u ahayd mid qalafsan oo ka caagan hadalo naxariis ku jirto;  saamayn togana ku yeesha Qalbiga qofka, taas oo ay sababtay noloshii iyo dhaqankii Geeljirinimo ee ay ku soo barbaareen jiilalkii inaga horeeyey.

Waxa kale oo aynu ognahay sida ay inoogu yaraatay daacadnimadii/Aaminaadii, taas oo sababeen waxyaabo fara badan oo noloshan casriga ahi wadato.

 

Dadyowga qaarkood dhibta ugu weyn ee haysata ayaa ah in aanay dareensanayn ama aanay garanaynba waxyaabaha ay ku liitaan iyo waxyaabaha ay ku wacan yihiin, taas oo qofka lumisa kana dhigta laba mid uun oo ah in uu noqdo qofkaasi qof iska aamina 100% in uu dhammaystiran yahay oo galisa kibir uu arki waayo khaladaadkiisa ama in uu qofku iska aamino iska qaato sawir khaldan oo ah inaanu ahayn qof leh dhinac wanaagsan, taas oo lumisa kalsoonida qofka kana dhigta mid hoosayn iyo dulli ku qaata noloshiisa oo dhan.

Waxa uga weyn ee aad uga baahan tahay in aad ogaato waxa aad ku wanaagsan tahay ayaa ah helista kalsooni iyo horumarinta isla waxaas aad ku wanaagsan tahay sidoo kale ogaanshiyaha meelaha aad ka liidato ayaa ah in aad ka hesho khibrad aad ku buuxiso ugu yaraan meelaha qaar, ama se aad ku dareento in aanu Aadmigu ahayn mid dhammaystiran sida aanay noloshu u ahayn mid dhammaystiran.

 

Ogsoonoow waxa kaliya ee Dunidan dul yaala ee dhamayska tirani in ay tahay Diinta Islaamka oo ah Dastuurka Alle (S.W.T) uu u soo dejiyay Aadamaha; si ay ugu dhaqmaan, wixii itntaas ka soo hadhayna yahay mid kala dhiman Dad iyo Duunyo kuu doonaba ha ahaadee.

 

Xamse Tudhaale: Qoraa ka faallooda horumarinta Shaqsiyadda ahna Tabobare nololeed.

Mobile: 0634410163

Email:qoraaxamze@gmail.com

 

COMMENTS
LINKS