Murashaxa Xisbiga kulmiye Iyo Ganacsade Cabdiraxmaan Boore Oo Kulan ku Dhex Maray Dubai Iyo Dalabka Uu Hordhigay Gudoomiyaha xisbiga kulmiye | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Murashaxa Xisbiga kulmiye Iyo Ganacsade Cabdiraxmaan Boore Oo Kulan ku Dhex Maray Dubai Iyo Dalabka Uu Hordhigay Gudoomiyaha xisbiga kulmiye
September 14, 2017 - Written by Editor:

Hargaysa(wajaalenews)Murashaxa madaxwayne ee xisbiga ayaa dhawaan safar qarsoodiya ugu baxay dalka isku taga imaraadka carabta isagoo sida la sheegay wararka aanu ka helaynaa sheegeen in uu ku sugan yahay magaalada Dubia Ujeedada safarka gudoomiye Muuse Biixi ku tagay Magaalada Dubia ayaa la sheegay in ay dalabkeeda lahayd shirkada DP WORLD kaasi oo wali si cad loo ogayn ujeedada ka danbaysa safarkan qorsoodiga ah balse warar dheerada oo aanu ka helayno socdaalka musharax Muuse Biixi ayaa sheegaya in uu kulan gaara la yeeshay ganacsade Cabdiraxmaan Boore oo isagu gadh wadeen ka ahaa in Somaliland ay timaado amaba la wareegto gacan ku haynta maarsada Berbera, Kulankan qarsoodiga ahaa ee dhex marat musharax Muuse Biixi iyo  ganacsade Boore ayaa ahaa mid sida xogahani tibaaxeen mid qaatay mudo saacado ah kaasi oo ku soo dhamaaday natiijo la,aan kadib markii uu murashaxa Kulmiye ka dalbaday Cabdiraxmaan Boore in uu siiyo dhaqaale isla markaana uu u sheegay in uu fulin doono waxa ay ka dalbadaan hadii uu ku guulaysto talada dalka Sicadna looma oga ujeedooyinka iyo arimaha rasmiga ah ee ay iswaydaarsadeen labada masuul Ganacasde Cabdiraxmaan Boore ayaa ah nin ay si adag iskaga soo horjeedaan dawlada aynu jaarka nahay ee jabuuti kaasi oo ay u arkaan in uu yahay cadowgooda koowaad Xidhiidhka xukuumada kulmiye lasamaysay ganacsade Cabdiaxmaan Boore oo uu xiligan kor usii qaaday musharaxa kulmiye ayaan la ogayn saamayn ay ku yeelan doonto xidhiidhka dawlada somlailand iyo dalka aynu jaarka nahay ee jabuuti

 

COMMENTS
LINKS