Waqooyiga Kuuriya Oo Gantaalkii Labaad Dulmarisay Hawada Japan Iyo Jawaabta Ay ka Bixisay, | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Waqooyiga Kuuriya Oo Gantaalkii Labaad Dulmarisay Hawada Japan Iyo Jawaabta Ay ka Bixisay,
September 15, 2017 - Written by Editor:

Kuuriya(W,N) Dowlada Kuuriyada Waqooyi ayaa aroornimadi hore ee Jimcaha maanta ah tijaabisay gantaal kale oo ay dul marsiisay hawada Japan, maalmo yar kadib marki ay Qaramada Midoobay saartay cunaqabateyn dhaqaale.

Xoghayaha golaha Wasiirada Japan Yoshihide Suga, ayaa sheegay in gantaalka oo laga soo tuuray degmada Sunan ee caasimadda Pyongyang uu dul maray jaziiradda Hokkaido ee waqooyiga Japan.

gantaal

Mr. Suga ayaa sheegay in aysan marnaba aqbali karin daandaansiga soo noqnoqday ee kaga imanaya Kuuriyada Waqooyi, isla markaana ay aad uga careysanyihiin arrintani.

Sida uu sheegay TV-ga Qaranka Japan ee NHK, digiin ku aadan gantaalka ay ridday Kuuriyada Waqooyi ayaa la siiyay shacabka ku nool magaalada Kamaishi, saakay saacadda Japan marki ay aheyd 7:00 AM aroornimo.

Millatariga Kuuriyada Koofureed ayaa sheegay in gantaalkani uu gaarayo 3,700 oo km taasoo micnaheedu yahay inuu duqeyn karo jasiiradda Guam ee dhacda galbeedka Baasifiga ee uu maamulo Mareykanka.

COMMENTS
LINKS