Qisada Heesta Ma hayoo Mana Sugaayoo Iimana Maqnee”, Ee Xasan Aadan Samatar Qaado : Qalinkii Cumar Seerbiya | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Qisada Heesta Ma hayoo Mana Sugaayoo Iimana Maqnee”, Ee Xasan Aadan Samatar Qaado : Qalinkii Cumar Seerbiya
September 15, 2017 - Written by Editor:

Abwaan Maxamed Cali Kaariye oo bahda fanku ula baxday magaca dhakhtarkii Jacaylka ayaa jacayl darran oo marxalado kala duwan soo maray u qaaday Fanaanadda Shankaroon Axmed Yuusuf Sagal.

Kaariye inuu jeclaa Shankaroon shaki kuma jirin oo waxay ahayd sheeko kooxaha fanka iyo dadkii ka agdhawaaba ay aad uga dharagsanaayeen suugaantiisana ka dhex muuqatay iyaduse inaysan jeclayn ayey u badnayd siday sheegayaan dadkii la saaxiibka ahaa.

Dedaal badan ka dib Abwaan Maxamed Cali kaariye iyo Shankaroon ayaa sannadkii 1972-kii ku ballamay inay isguursadaan isaga oo arrintaasi ay u noqonaysay naruuro iyo guul weyn oo noloshiisa saamayn ku yeelan doonta ayaa war kale oo aan ka farxin isaga uu dhacay.

Maalin ayaa loo sheegay in subaxnimadii maalinkaasi ay Shankaroon u dhooftay dalka Sucuudiga halkaasi oo lagu guursanaayo .

Galabnimadii ayaa arrintan loo wada fadhiistay , waxaana wada tashi galay dad dhibta jacayl ee Abwaan ka haysata aad uga war hayey oo uu ka mid ahaa , Xasan Diiriye Faarax, Xasan Aadan Samatar , Xuseen Aw-faarax Dubad, iyo mulaxamiste Xasan Sabriye Xasan Gareed goobtuna waxay ahayd  guriga Maxamed Cali Kaariye .

Arrintii ayaa la fallanqeeyey oo qofba wuxuu sheegay tallaabo uu u malaynayey inay haboontahay in la qaado.

Cabbaar ka dib ayuu Maxamed Cali Kaariye xamaamka/musqusha guriga galay isaga oo markaasi u sheegay asxaabtiisa kale inuu soo qubaysanayo /maydhanayo.

Markii uu soo baxay isaga oo ku labisan macawis iyo garan midabkiisu cadyahay madaxiisa oo timo kor u taagan lahaana qoyaan ka muuqdo ayuu soo istaagay meel albaab ah oo ku aadan halkii la fadhiyey .

Xuseen Aw-faarax ayuu ahaa qofkii u horreeyey ee arkay Maxamed inuu soo laabtay ,intii uu maqnaa waxa madasha ku soo biirtay Maryan Mursal Ciise , Xuseen ayaa Xasan Gareed oo agfadhiyey hadal dhegta ugu sheegay waxaanu ku yidhi” ninkii Maxamed shucuurtiisa waxbaa ku soo kordhay oo ninku xaalkiisii wuuba ka sii daray”.

Maxamed oo aan hadlin ayaa soo fadhiistay meeshii, cabbaar ka dib iyada oo sheeko kale ay bilaabeen bahdii fanka ee fadhiday ayuu kor u hadlay waxaanu si gaar ah uga codsaday labada Xasan ee Gareed iyo Samatar in erayo ku soo dhacaymaskaxdiisa intii gudaha guriga ka soo laabtay ka dib uu ka codsanaayo inay hees ka dhigaan oo Xasan Gareed laxameeyo Xasan Aadan-a qaado ,waxaanu halkii ka akhriyey erayada heesta ” kuwa loogu magac daray muuqa aan la kala garan caku muhashadoodiyo heesaha macaaniyo muusiga iyo codkaa i dilay” oo uu markaasi ula jeedo in Maryan Mursal oo aanu markii hore goobta ku ogayn oo ula eekaatay Shankaroon Axmed Sagal oo iyada sheekadeeda goobta lagu hayey markii uu ka tagay waxaanu ku sii daray erayadan”ma hayoo mana sugaayoo iimana maqnee ” oo iyana uu uga jeedo inuusan rajo ka qabin inuu Shankaroon dib u helo.

 

heestii halkii ayaa lagu laxameeyey Samatar-na uu ku qaaday waxaana lagu tumay Kaban/cuud Xasan Diiriye lahaa oo goobta yaallay.

Xuseen Aw-faarax oo Abwaan kaariye xaaladiisa aad ula socday ayaa isna goobtii ka sheegay inuu hayo Erayo ka tarjumaya wajigan cusub ee fadhigu yeeshay , waxaanu goobtii ka tiriyey erayada heesta ” Leebkii Jacaylkoo lalayaa i haleeloo ” Xasan Gareed ayaa goobtii iyana ku laxameeyey Maryan Mursal ayaana halkii ku qaaday .

Wixii markaasi ka dambeeyey fadhiga labadan heesood ayaa lagu soo cel-ceshanaayey qaadistooda iyo dhagaysigoodaba

Qisada heestan Xasan Aadan qaado dadku waxay ku sheegeen in ay ku saabsanayd tartan faneed ay labada Ilma Mooge ee Axmed iyo Maxamed iyo Xasan Aadan wada galeen oo Xasan Aadan laga guulaystay balse maaha sidaasi ee qisadu waa siday kor ku xusan.

 

CUMAR SEERBIYA

COMMENTS
LINKS