Liverpool Oo Barbaro Kala Kulantay Kooxda Burnley | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Liverpool Oo Barbaro Kala Kulantay Kooxda Burnley
September 16, 2017 - Written by Reporter:

Dhibaatada heysata kooxda Liverpool ayaa weli halkeeda ka socota ka dib markii ay barbaro 1-1 ah kala kulmeen kooxda Burnley oo marti ugu aheyd garoonka Anfield iyadoo Mohamed Salah uu u barbareeyay ciyaarta ka dib markii ay kooxda martida aheyd ku hormartay goolka.

Tababare Jurgen Klopp ayaa isku shaandheyn ku sameeyay shaxdiisa kulankaan, iyadoo Robertson, Milner iyo Daniel Sturridge ku soo bilowdeen, halka Philippe Coutinho uu ku soo bilowday kulankiisii ugu horeysay ee xilli ciyaareedka.

Kooxda martida loo ahaa ayaana ku bilaabatay ciyaarta si fiican iyagoo kubada iska heystay halka Burnely ay ku ciyaareysay qaab difaac ah, waxaana Liverpool ay kubada heysatay boqolkiiba 80, laakiin si lama filaan ah ayay kooxda Burnley hogaanka ugu qabatay ciyaarta daqiiqadii 27aad.

DAQIIQADII 27aad Iyadoo aan la fileynin ayay Burnley hogaanka qabatay. Liverpool ayaa awoodi weyday inay difaacato kubada uu soo qaatay Brady, waxaana helay kubada Arfield oo goolka hortaagnaa, waxaana uu si habsami leh u dabamariyay goolhaye Mignolet.

Laakiin hogaanka kooxda martida ahayd ee Burnley ma aanu waarin iyadoo Liverpool ay heshay goolkii barbaraha seddex daqiiqo ka dib.

DAQIIQADII 30aad  Liverpool ayaa durbadiiba jawaab ka bixisay. Can ayaa kubad fiican u dhigay Salah kaasoo kubada ku koontaroolay goolka dhexdeeda islamarkaana kubada dabamarinin goolhaye Pope. Waana goolkiisii shanaad ee uu u dhaliyay Reds.

 

Wixii ka danbeeyay goolka barbaraha kooxda Liverpool ayaa ciyaarta mar kale la wareegtay iyagoo si weyn u baadigoobayay goolkii ay kula wareegi lahaayeen hogaanka, Daniel Sturridge iyo Mohamed Salah ayaa u soo dhawaaday mar kale laakiin fursadahoodii ma noqonin kuwa natiijo keenay waxaana ciyaarta lagu kala nastay barbaro 1-1 ah.

Qeybtii labaad ee ciyaarta kooxda Liverpool ayaa si aad ah u raadineysay goolka guusha iyagoo helay fursado badan, Emre Can, Salh, Coutinho iyo Daniel Sturridge ayaa helay fursado aad u fiican oo gool loo fishay laakiin difaaca adag ee kooxda Burnley iyo nasiibka ayaa u diiday inay shabaga soo taabtaan.

Daqiiqadii 86aad ayay Liverpool mar kale heshay fursad dahabi ah markii karoos uu soo dhigay da’ yarka Alexander-Arnold uu helay weeraryahanka Solanke oo ciyaarta bedel ku soo galay laakiin kubadiisa waxa ay ku dhacday birta ka hor inta Aanay banaanka u bixin.

Waxaana ay ciyaartu ku soo dhamaatay barbaro 1-1 ah inkastoo ay Liverpool dadaashay qeybtii labaad ee ciyaarta, waxaana ay ka dhigan tahay in mushkilada heysata Liverpool ay weli socota ka dib guuldaradii Man City iyo barbarihii ay la galeen Sevilla bartamihii isbuuca ee Champions League.

Liverpool ayaa haatan ku jirta kaalinta 7aad ee kala sareynta horyaalka Premier League iyagoo sideed dhibcood leh shan kulan oo ay ciyaareen, waxaana farqiga goolasha kaga sareysa kooxda ay haatan barbaraha kala kulmeen ee Burnley oo iyadana sideed dhibcood leh

COMMENTS
LINKS