Qorshe Siyaasadeedkii SNM: Sababta Gooshada – Caydiid Oo Hawiye Noqon Kari Waayey Iyo Jees Oo Daarood Ku Abtirsan Kari Waayey! | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Qorshe Siyaasadeedkii SNM: Sababta Gooshada – Caydiid Oo Hawiye Noqon Kari Waayey Iyo Jees Oo Daarood Ku Abtirsan Kari Waayey!
September 16, 2017 - Written by Reporter:

Haddii si cilmi bulsheedka taariikhda (Historical Sociology) weheshaneysa loo dul fadhiisto taariikh siyaasadeedka SNM ee shalay (Political Retrospect) waxa si miisaaman oo faham siyaasi ah ku fadhida kuu gu soo baxaya in SNM ay halganka ka lahayd laba ujeeddo oo waaweyn:-

Ujeeddada hore waxa ay ahayd xorrayn hal qorshe leh (Plan A alone). Halka ay ujeeddada danbe ay ka ahayd midnimo Waqooyi iyo Koonfur ah oo laba qorsho leh (Plan-A & Plan-B). Ujeeddada xorraynta ahi waxa ay ahayd in Maxamed Siyaad Barre xukunka la ga rido – waana sida loo sitay magaca Ururka dhaqdhaqaaqa Waddaniga Soomaaliyeed (Somali National Movement) ee loo ga ilaaliyey wax ku taxalluqa qaddiyadda Somaliland oo in badan oo SNM ka mid ahi hoosta ku wadatay – Inkasta oo dastuurkeeda sharci iyo afkaarteeda siyaasadeed toona goosasho aaney meel na kaga jirin.

 

10177878_993803397312713_3743123379200785570_n

Ururka SNM ma oggolayn in uu la bahoobo Urur kale oo Soomaaliya ka soo jeeda – qaddiyaddiisu ha ba ahaato Maxamed Siyaad Barre oo xukunka la ga tuuro eh. Waxa taa u markhaati ah sidii ay SNM ganafka ugu dhufatay in ay la midowdo amma ay wax isku darsadaan Ururkii SSDF oo uu wakhtigaa Cabdillaahi Yuusuf hoggaaminayey. Sababta oo ah SNM siyaasaddeedu kuma ay ekayn keliya in Maxamed Siyaad uun xukunka la ga tuuro! Waxase ku hoos jirtay xorraynta ka bacdi sida midnimo laba waddan ahi ay ku iman karto – haddii la waayana Somaliland oo qaran ah loo unkayo iyada oo USC iyo SPM la la shaqaynayo.

SNM iyada oo magaca Soomaali kaashaneysa ayey USC heshiis siyaasi ah la gashay. Heshiiskaa danta ay ka lahayd waa in Waqooyi iyo Koonfur midnimo ku dhisan la yagleelo – si Waqooyi ay saami weyn midnimada uga hesho – waana ujeeddada ah – haddii la waayo wax-qaybsi Koonfur iyo Waqooyi ah in ay sahlanaato in Somaliland ay gaar isku taagto iyada oo aqoonsi ka helaysa USC oo Hawiye ah iyo SPM oo magaca Daarood la gu dul jilaayo! Qorshaha haddii midnimo saami wadaag ah la
Waayo waa qorshe labaad (Plan-B) oo ah xorriyad la soo noqosho amma goosasho.

SNM halganka wajigiisa hore ee ahaa xorraynta waa ay ku guuleysatay oo Waqooyi amma Somaliland siyaasaddii Cabdiraxmaan Tuur ee maska madaxa ayaa la ga dilaa ayaa la gu xorreeyey oo kaashaneysay USC & SPM. Wajiga labaad ee SNM oo ahaa midnimo Federaalli ah, oo aad uga sad roon tii la gu hungoobay ee 1960 si kasta oo ay SNM u dedaashay uma ay suuro-galin. Sababta ugu weyn ee ay ugu suuro-gali wayday waxa ay ahayd in USC oo Caydiid iyo Habar-Gidir hoggaamineysay ay Hawiye noqon kari wayday! Halka ay SPM oo Ogaadeen ahi iyana ay noqon kari wayday Daarood.

Qorshihii SNM ee ahaa midnimo is le’eg oo Waqooyi iyo Koonfur ah oo Federaali ahi waxa uu u suuro-gali waayey Majeerteen oo farta Isaaqa iyo Hawiyaha si weyn u la fahamsanaa. Manifesto oo ahaa garab siyaasadeed uu Majeertaan fekerkeeda lahaa ayaa USC dabin u dhigtay – waana dabinka uu Caydiid ku dhacay ee markii danbena aarsiga ku kellifay. Majeerteen amma Manifesto waxa ay ka shaqeeyeen iyaga oo ka faa’idaysanaya taariikh hore oo Abgaal ku xidhiidhsan , oo ah – in Hawiye oo wada socdaa aannu talo Koonfureed yeelan! Arrintaa waxa fududeeyey Abgaal oo macaanka awoodda siyaasadeed dabnaha loo saaray!

Caydiid iyo Habar-Gidir oo is wata dabinkii si fiican ayey ugu dhaceen – aakhirkiina waxa loo jeeday iyaga oo marna Abgaal is dagaalaya, marna, Xawaadle iyo Murursade, mar kalena Habar-Gidir oo noqotay afar waaxood oo uu Sacad hadba mid duqaynayo. Mar uu Saleebaan fuulo, mar Cayr ah iyo mar kale oo Saruur uu baacsado iyo adeerkii oo Duduble ah. Sheekadii USC na waxa ay ku soo idlaatay Sacad oo 15 ka jifo ee uu ka kooban yahay ee kala ah Nimcaale, Mahad,Jalaf, Cabdi, Barkhadle,Cabdalle, Hillowle, Ayaanle, Culus, Sinoolle, Faralle, Qurdhaalle, Indha-yar, Bahweyn iyo Luga-yare u kala fadhiya!

Intaaney halkaa se gaadhin, bilowgii Manifesto qolooyinkii SNM waxa ay fahmeen farta socota iyo godka uu Caydiid ku dhacay, waana sababtii keentay in ay talada dib ugu celiyaan Beelihii Waqooyi wada degayey – si gooni-isu-taaggu qiimo sharci ah oo rabitaan shacab ah ugu taariikhaysmo. Si ay taasi u suuro-gashana SNM waxa ay kaga dhabbaysay ballanqaadkii ahaa xorrayn ka bacdi in siyaasadda rayidka ahi taliso – waana ta keentay in SNM ay laba sano gudaheed xukunka ku wareejiyo gacanta shacabka.

Taladaasi guul ayey ku dhammaatay dhaxalkeeduna waa Somaliland. Koonfur se weli la gu ma kala adkaan – inkasta oo Maraykan, Belgium, Ethiopia iyo Kenya la isku adeegsaday – hadda oo ugu danbaysana la isku adeegsanayo Turkey iyo Carab duulal waaweyni weheliyaan – weli xaajo waa itaal beel iyo utun raagtay oo miciyo lisad ah. Halkaa ma jecli in aan u sii dhaafo taariikhda Somaliland – ujeedddaydu se waa iftiimin korka xaadis ah oo aan ugu talo galay dadka inta wax og se rabta in dibnaha loo qooyo.

 

Qalinkii, Mohamed Hagi Mohamoud

COMMENTS
LINKS