Idaacadda BBC Somali Oo Bilawday Dagaal Toos ah oo Isku Dhufasho Somaliland Iyo Oromada ah: | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Idaacadda BBC Somali Oo Bilawday Dagaal Toos ah oo Isku Dhufasho Somaliland Iyo Oromada ah:
September 16, 2017 - Written by Editor:

Dhacdadii deegaanka Qaadka ee Hawaday ee Kililka Oromada ee Ethiopia ee Oromadu u gaysteen dilka iyo khasaaraha culus dadkii Soomaalida  ahaa ee deganaa halkaas ee weliba dhimashada u  badnaa reer Somaliland, waa mid maalmahanba laga war qabo oo la ogyahay. Saxaafadda gobolka iyo addduunkuba waxbay ka qoreen shaqaaqadaas iyo khasaaraha ka dhashay, waxana socota baadhisteeda oo dawladaha Somaliland iyo Ethiopia ka wada xidhiidheen.

Dalka Jamhuuriyadda Somaliland waxa ku noolaa oo ka shaqaysanayay dad aad u tiro badan oo qoomiyadda Oromada ka soo jeeda, waxana xusid mudan sida dawladnimada, dadnimada iyo bini’aadanimada leh ee dawladda iyo dadka reer Somaliland u ilaaliyeen amnigooda iyo inaanay wax dhibaato ahi gaadhin ee laga caawiyo inay dhulkooda ku noqdaan iyadoo sidoo kale qaar badan oo ka mid ahi shaqooyinkoodii, guryihii iyo goobihii ay ka shaqaynayeen si caadi ah u joogaan oo aanay bixin, cidina dhibaato u gaysan, dawladduna ay ku baaqday in la magangeliyo oo aan wax dhibaato ah loo gaysan.

Gelinkii dambe maalintii labaad ee dhacdaas, sida ay masuuliyiinta dawladda Jamhuuriyadda Somaliland https://www.youtube.com/watch?v=ZqlU6nSMadg ee ka hadlay ka warbixiyeen waxa jiray laba qof oo Oromo tahriibayaal ah oo  ku dhintay rasaas uu ku riday Askari joogay Kaantaroolka Caabudla, Askarigaas oo la sheegay in ehelkiisu ku jireen dadkii lagu laayay Hawaday balse markiiba ay dawladdu ka hadashay oo tallaabo ka qaadday dhacdadii, lana bilaabay baadhis la xidhiidha sidii ay caddeeyeen masuuliyiintii Wasaaradaha Arrimaha Debadda iyo Arrimaha Gudaha ee ka hadlay isla maalintaas.

Hadaba Idaacadda BBC-da oo aanay  ahayn markii koowaad ee ay warar qadaf ah iyo warar khaldan ka baahiyaan Somaliland, ayaa uga faaiidaysatay dhacdadan inay baahiso war abuur ah iyo munaafaqad caddaan ah oo sideeda u dhigan inay dusha u saaraan Somaliland sababaha iyo dhaliyay colaadda Oromada iyo Soomaalida oo  dadka reer Somaliland u arkaan dhibaato saamaynteeda taban leh oo dad daris ah oo iskaashi ganacsi iyo isu socod leh dhex martay, isla markaana u baahan in dhammaan daneeyayaasheedu ka wada hawlgalaan daminteeda.

Warkan been abuurka ah ee Idaacadda BBC-da laanteeda Afka Soomaaligu baahisay  oo cinwaan looga dhigay “Maxay salka ku haysaa colaadda Oromada iyo Soomaalida” lana soo geliyay mareegta www.bbcsomali.com gelinkii dambe Sabtida 16-ka Sept ayaa maqaalkaas lagu sheegay in colaaddani ka bilaabantay ama ay sabab u ahayd laba qof oo Oromo ah oo lagu dilay Hargeysa, dalka Somaliland.

Arrintani waa mid gaf iyo meelka ka dhac ku ah dadka iyo dalka Jamhuuriyadda Somaliland iyo danbi ay  Idaacadda BBC-da Laanteeda Afka Soomaaligu ka galeen Somaliland iyo iyo nabadgelyada ka jirta iyo gobolkaba, waana mid dawladda Somaliland xilka saaranyahay in laga go’aan qaato, lagulana xisaabtamo maamulka Idaacaddaas iyo guud ahaan BBC-da.

Xasan Axmed Yuusuf

 Hargeisa, Somaliland

Sabti, 16th Sept, 2017

hassanafgaab@gmail.com

COMMENTS
LINKS