Dagaalka Isirka La Isku Dilaa Waa Khatar W/Q: Muhamed Dhimbiil | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Dagaalka Isirka La Isku Dilaa Waa Khatar W/Q: Muhamed Dhimbiil
September 17, 2017 - Written by Reporter:

Waxa dhawaan bilaabmay dagaal isir ku dagaalan ah oo u dhexeeya Somalida Ethiopia iyo qoomiyada oromada, dagaalkaasi oo dhamaan ka socda xuduudaha ay wadaagaan somalida iyo Oromadu. Dagaalkan ayaa sida lagu soo waramayo ay ku dhinteen dad boqol kor u dhaafay oo somali ahi, waxaana ku barakacay kumayaal somali ah, sida oo kale dagaalka oromada lafteeda waa la iska celiyey oo dhimasho badan waa lagu sheegayaa iyagana iyo barakacba.

21769804_1635393493190680_11668983_n

Mandaqadan aynu ku noolahay ee Bariga Africa waxa ka socda dagaalo badan oo ay ka mid yihiin dagaalka argagixisada, dagaal qabaail iyo kan oo noqday dagaal qoomiyadeed. Dagaalka qoomiyadaha iyo isir ku dagaalanka iyo dhulbalaadhsiga isugu jiraa Wuu ka khatar iyo dhibaato badan yahay waanu ka riiq dheer yahay dagaalada kale ee dhaca. Waa dagaal sababi kara in uu xuduudaha ka talaabo maadaama oo ay gaadhay in uu noqdo dagaal isir oo la laayey dad badan oo aan aheyn ama uba dhalan Ethiopia oo ka shaqaysanayey.

Inta aynu ka ognahay dagaalkaasi waa cadaawad hor leh oo dhex timid qoomiyadaha somalida iyo oromada, sababihii doonaa haka dambeeyaane hadii aan halkaa lagaga hortegina saameyn colaadeed ku keeni kara mandaqadan Bariga Africa. Hadaba waxa haboon oo la gudboon somalida iyo oromadaba in aan la layn dadka maganta ah ee dhexyaal labada dhinac, hadii ay oromadii dad inaga laysay oo si waxashnimo ah u dileen dad dhex joogey oo ganacsato ahaana aynaan inagu yeelin sida ay yeeleen oo aynu si nabadgalyo ah isku waydaarino si ay dhulkoogii ugu noqdaan. QALAD YAAN QALAD LAGU SIXIN Alle swt ha inaga qaboojiyo dagaalkaa.

 

Qalinkii, Muhamed Dhimbiil

COMMENTS
LINKS