Real Madrid Oo Guul Muhiim Ah Ka Soo Gaadhay Real Sociedad | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Real Madrid Oo Guul Muhiim Ah Ka Soo Gaadhay Real Sociedad
September 17, 2017 - Written by Reporter:
Real Madrid ayaa guul xili ciyaareedkeeda muhiim u ah ka soo gaadhay kooxda Real Sociedad waxayna Los Blancos guushan ku soo gaadhay 3-1 iyada oo da’yarka kulankan masuuliyada wayn garabaha loo saaray ee Borja Mayoral uu is muujiyay wuxuuna dhaliyay goolkii furitaanka kulankan halka Gareth Bale uu dhaliyay goolka saddexaad wuxuuna goolka labaad ahaa mid uu iska dhaliyay Kévin Rodrigues.
real-madrid-vs-real-sociedad

Kévin Rodrigues ayaa kulankan muddo 9 daqiiqo ka yar laba gool ka dhaliyay isaga oo goolka hore barbareeyay goolka Mayoral laakiin markale waxa uu goolkiisa labaad ee kulankan uu Real Madrid ka caawiyay in ay hogaanka dib ugu hesho goolka uu ka dhaliyay kooxdiisa Real Sociedad. Real Madrid ayaa sidoo kale kulankan taariikh ka dhigtay waxayna barbaraysay rekoodhkii 73 ka kulan ee xidhiidhka ahaa ay kooxda reer Brazil ee Santos ay goolal si joogto ah uga soo dhalisay taas oo ay gaadhay sanadkii 1963 kii.

SHIXIHII LABADA KOOXOOD EE KULANKAN:

Real Sociedad XI (4-3-3): Rulli; Odriozola, Elustondo, Diego Llorente, Rodrigues; Prieto, Illarramendi, Zurutuza; Januzaj, Willian Jose, Canales.

Kaydka:Tono,  De La Bella, Zubeldia, Pardo, Juanmi, Agirretxe, Vela.

Real Madrid XI (4-3-3): Navas; Carvajal, Varane, Ramos, Theo; Modric, Casemiro, Isco; Bale, Mayoral, Asensio.

Kaydka:Casilla, Hakimi, Nacho, Feuillassier, Marcos Llorente, Ceballos, Vazquez.

Kooxda martida loo ahaa ee Real Sociedad ayaa soo wada guulaysatay saddexdii kulan ee horyaalka La Liga ugu horeeyay waxayna doonaysay in ay raadiso guusheedii afraad oo xidhiidh ah laakiin Real Madrid oo barbaro soo gashay labadii kulan ee ugu danbeeyay ay ka go’nayd in ay dib ugu soo laabto tubta guusha.

DAQIIQADII 19 AAD Real Madrid ayaa la timid goolkeeda furitaanka ee kulankan waxayna ahayd wakhti khaas u ah da’yarka Borja Mayoral kaas oo goolkiisii ugu horeeyay ee Real Madrid ku dhaliyay kulankan. Zidane ayaa ku  soo bilawday ciyaarta wuxuuna si qurux badan ku dhaliyay goolka uu Madrid kaga caawiyay in ay Real Sociedad culayska saarto waxayna ciyaartu noqotay 1-0 ay Madrid hogaanka ciyaarta ugu qabtay.

Sergio Ramos ayaa caawinta goolka Mayoral sameeyay kadib markii uu Casemiro kubbada soo gaadhsiiyay waxayna Real Madrid heshay goolka ay doonaysay in kulankiisii 73 aad oo xidhiidh ah ay goolal si joogto ah u dhaliso wuxuuna Mayoral noqday xidiga Real Madrid ka caawiyay in ay barbarayso rekoodhkii kooxda reer Brazil ee Santos taas oo rekoodh aduun kulamada ugu badan ee goolal lagu dhaliyay dhigtay sanadkii  1963 kii.

DAQIIQADII 28 AAD kooxda martida loo ahaa ee Real Sociedad ayaa heshay goolka barbaraha ee ay ciyaarta dib ugu soo laabtay waxaana gool uu Keylor Navas qalad ku lahaa dhaliyay Kevin Rodrigues kadib markii uu Álvaro Odriozola uu gool caawin ku sameeyay kubbad halis ahayd waxayna ciyaartu noqotay barbaro 1-1 ah, waxayna arintani keentay in xamaasada ciyaartu ay sarre u sii kacdo.

 

DAQIIQADII 36 AAD Kévin Rodrigues ayaa si lama filaan ah u shabaqa kooxdiisa Real Sociedad si qalad ah ugu taabtay kubbad uu si fiican uga soo shaqeeyay da’yarka Barja Mayoral, wuxuuna siddeed daqiiqo kadib markii uu Real Madrid goolal ka dhaliyay uu haddana sabab u noqday in Los Blancos ay 2-1 hogaanka ciyaarta markale ku qabtay.

Labada kooxood ayaa dadaal badan u sameeyay sidii ay goolal kale ku heli lahaayeen iyada oo Marco Asensio uu daqiiqadii 43 aad ugu dhawaaday in uu Madrid u dhaliyo goolka saddexaad laakiin qaybtii hore ee ciyaarta ayaa lagu kala nastay 2-1 ay Madrid hogaanka ku haysay.

Markii layskugu soo laabtay qaybtii danbe ee ciyaarta Real Sociedad ayaa soo laabtay iyada oo si xoogan u raadinaysay goolka barbaraha waxayna fursado badan u abuurtay sidii ay u keensan lahayd goolka labaad ee ay ciyaarta ugu soo laaban kartay.

DAQIIQADII 61 AAD Real Madrid oo ka walwalsan in Real Sociedad ay keensato goolka labaad ee barbaraha ayuu Gareth Bale dhaliyay goolka saddexaad ee niyada ka sii xumeeyay kooxda martida loo ahaa ee Sociedad oo dib u habayn isku samaynaysay si ay ciyaarta ugu soo laabto.

Wuxuuna Gareth Bale awooday in kulankii shanaad oo uu Real Sociedad marti ku yahay uu gool dhaliyo waana kooxda kaliya ee uu goolasha ugu badan marti kaga dhaliyay waayihiisa ciyaareed waxaana caawinta goolkan sameeyay Isco iyada oo markan ciyaartu noqotay 3-1 ay Los Blancos ku heshay goolka kalsoonida dheeraadka ah siiyay.

Zidane ayaa daqiiqadii 75 aad badalkii ugu horeeyay shaxdiisa ku sameeyay wuxuuna kaydka uga yeedhay Lucas Vázquez isaga oo badalka ku saaray xidiga farxadiisii ugu waynayd ku jiray ee Borja Mayoral kaas oo goolkiisii ugu horeeyay ee kooxda kowaad kulankan ka dhaliyay.

Real Sociedad ayaa wali fursad abuuraysay laakiin Los Blancos ayaa awooday in ay fursado fiican iska joojiso gaar ahaan Carvajal oo dufaacay fursad gool cadaan ah ay ku dhashan kartay waxayna Los Blancos markan ahayd kooxda sida raaxada leh ciyaarta u maamulaysay maadaama oo ay laba gool taxadar ahaan hogaanka ugu haysay.

 

Ugu danbayn ciyaarta ayaa ku dhamaatay 3-1 ay Real Madrid saddex dhibcood oo muhiim ah kaga soo heshay Real Sociedad waxayna Los Blancos dib ugu soo laabtay tubta guusha kadib labadii barbaro ee ay Bernabeu ku soo gashay horyaalka La Liga

COMMENTS
LINKS