Geeska Wiyisha Oo Sida Dahabka Loo Dhoofiyo | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Geeska Wiyisha Oo Sida Dahabka Loo Dhoofiyo
September 18, 2017 - Written by Reporter:

Koox maafiyo ah oo si sharci daro ah uga ganacsata geeska wiyisha ayaa lasoo baxday xirfad cusub oo la layaab leh oo ay ku dhoofiyaan geeska, iyada oo ciidamada ammaanka iyo saraakiisha garoomada diyaaradaha aysan uga warhelin.

_97848064_geeskawiyisha

Shabakad lagula socdo dhaqdhaqaaqa ka ganacsiga sharci darada ah ee xayawaanka ayaa baadhitaan ay samaysay waxa ay ku ogaatay in kooxdan maafiyada ah ay geeska wiyisha ka sameeyaan fargalo, kuul,  dhego iyo waxyaabaha kale ee ay dumarka xidhaan sida jijimaha oo kale.

Tan waxa ay ka caawinaysaa in aanan la ogaanin marka ay garoomada ka dhoofiyaan in uu waxani uu yahay gees wiyil.

Qiyaasyii 7,100 oo wiyil ah ayaa lagu dilay qaaradda Afrika laga soo bilaabo sanadkii 2007-dii sida lagu sheegay warbixinta, waxaana geeska wiyisha loo dhoofiyaa dalalka Aasiya oo dawo ahaan looga isticmaalo.

Qiyaasaha waxa ay sheegayaan in 25,000 kaliya oo wiyil ah ay Afrika ku hadheen, kuwaas oo dabar go’ qarka u saaran haddii aanan laga hortagin.

Dadaalada loogu jiro in looga hortago ugaadhsiga iyo ka ganacsiga xayawaanka ayaa waxaa ragaadinaya kooxaha maafiyada ah oo markasta la imaanaya xirfad cusub oo ay ku ilduufaan ciidamada ammaanka.

Mid ka mid ah xirfadaha ay ku dhoofiyaan ayaa waxaa ka mid ah in xitaa ay ka dhigaan daqiiq oo ay shiidaan geeska.

Julian Rademeyer oo BBC-da la hadlay ayaa yidhi “Waa arin walwal leh, haddii qof uu garoonka ka dhoofayo oo uu xidhanyahay kuul ka samaysan gees wiyil sidee lagu istaajin karaa ama lagu aqoonsan karaa, booliiska waxa ay raadinayaan waa gees ama wax u eg”.

Waxa la sheegay in ay hoos u dhacday isticmaalkii arrimaha dawada ee geeska wiyisha, balse dalka Vietnam oo kale dadka tujaarta ah ayaa waxa ay astaan sharafeed qofka u tahay in uu guriga dhigto gees wiyil.

Hay’adda lagu magacaabo Save The Rhino ee wiyisha lagu daryeelo ayaa waxa ay sheegtay in noolahan uu cidhib tirmi doono 10-ka sano ee soo socota haddii ugaadhsiga uu ku socdo xawligan. Hay’adda waxa ay intaas ku dartay in in ka badan kun illaalida xayawaanka ah la dilay intii ay shaqada ku jireen.

COMMENTS
LINKS