Fahamka Siyaasada Waynu Ku Kala Duwanahay W/Q: Mohamed Dhimbiil | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Fahamka Siyaasada Waynu Ku Kala Duwanahay W/Q: Mohamed Dhimbiil
September 20, 2017 - Written by Reporter:

Siyaasi ma ihi mana noqon doono, marka fekerka iyo fahamka mujtamaca inta ugu badani afkaar qaldan ka fahmeen siyaasada oo waxa aad moodaa in ay xiqdi is nacayb iyo qabyaalad hor leh yeelatay oo dadku kala fogaanayaan.

 

Maxamed dhimbiil

Hanka iyo hamiga siyaasiga ahi waa wax bini aadamka kuwada abuuran qofba in ha u joogtee oo uu qofku kula midoobo ama ku biiriyo halkii iyo cidii uu aaminsan yahay in ay himiladiisa rumeyn karto, sidaa awgeed baan ka mid ahaa dadka qaadaa dhiga dhacdo maalmeedada dhaca.

Fahamka aanka haystaa siyaasada waxa weeye:-

Siyaaasadu waa mabaadii qorshe iyo cilmi ku dhisan oo qof leeyahay ama qaybi leedahay taasi oo yoolkeedu yahay in la abuuro rajo iyo hiigsi umadeed oo wanaagsan, loona tafaxayto jidkii iyo qorshihii lagu gaadhi lahaa halka markaa yoolku yahay.

Siyaasada waa daacadnimo iyo kaga dhabaynta qorshayaayaashii iyo mabaadiidii aad wadatay waana in ay daacadnimo iyo run saldhigeedu yahay, marka aynu miqiyaaskaa ama cabirkaa haysano ayeynu garan karnaa ka fashilmay iyo ka aan fashilmin.

siyaasada waata isku soo dhaweysa dadka iyaga oo kala mabaadii ah ama kala diin ah ama kala dalal ah.

Mid Aqoon ahaan loo barto iyo mid hibo iyo waayo aragnimo ah ba way leeyihiin hogaamiyayaashu ama dadka siyaasada ku jiraa.

Kala duwanaanshaha faraqa weyni u dhexeeyo ee bulshada inteeda badan iyo u dhexeeya inta kooban ee fahansan siyaasada ama wax uun ka fahamsani waxa uu ina dhaxalsiiyey Arimahan.

  • in caaqilkaaga ama suldaankaaga ama odayaasha reerkaagu kaala gorgortamaan ama culays kugu saaraan fikirkaagii iyo qorshahaagii qofnimo.
  • in afkaaraha iyo mabaadiida la isku aamino ama lagu wada shaqeeyo ay inagala waynaato qabiilka iyo rabitaano reeraysani.
  • in loo fahmo siyaasada shaqo ganacsi oo ah kana ka qadee kaa kalena ka cun, ama aragtidaada iyo rabitaankaaga lagu baayaco aduunyo iwm.

Alle waxa aan ka baryeynaa in dedaalka iyo niyad samaanta dadka reer Somaliland aanu meel cidlo ah ku dhicin oo aynu gaadhno halka aynu maanta taaganahay meel ka wanagsan oo ka saraysa Insha Allah.

Waxa kale oo aan qoraalkaygan uga faaiideysanayaa dadka caailada ay yihiin murashaxiinta iyo siyaasiinta ku jirta siyaasada waxa aan ka raali galinayaa waxii hadalo ah ee ay dhibsadaan, walow aanan anigu shaqsi weerarka iyo talaxtaga iska ilaaliyo hadana ma waayeysid cid wax kaa tirsanaysa.

Kala duwanaanshaha afkaartuna waa horumar iyo guul aynu gaadhnay, waxa haboon in dadka inta wax fahamsani dadka ka saarto afkaaraha khaldan iyo qalooca inagu soo badanaya ee wata cunfiga iyo qabyaaladda.

ILAAHAY BAA MAHAD LEH, NEBI MUXAMED SCW AYAA SHARAF LEH.

 

Qalinkii Mohamed Dhimbiil

 

COMMENTS
LINKS