Taariikhda Kooxdii Ugu Horaysay Ee Fanka Somalida Walaalaha Hargaysa | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Taariikhda Kooxdii Ugu Horaysay Ee Fanka Somalida Walaalaha Hargaysa
September 21, 2017 - Written by Reporter:

 

Hibooyinka iyo deeqaha faraha badan ee Eebaheen ku maneystay reer Somaliland waxa ka mid ah fanka iyo suugaanta.

walkaa-300x210

Reer Somaliland waxa ay mar walba ahaayeen hormoodka fanka iyo suugaanta dayowga Af-Somaliga ku hadla. Abwaanka reer Somaliland wuxu mar walba ahaa ku kobcaya oo kol walba la jaanqaada waayaha iyo giraanta nolosha ee aan joogsan. Afartameedyadii qarnigii lasoo dhaafay AHN Cabdi Deeqsi Warfaa, oo ku suntan aabaha heesta Somaliga, ayaa ahaa kii ugu hor bilaabay heesta Af-Somaliga. Wuxu ku bilaabay hees uu u sameeyey gabadh uu jeclaaday oo magaalada Borama deganeyd oo la odhan jiray Khadiija. Heestaas waxa ka dhalatay silsilada heesaha loogu magac daray balwo. Dabadeed heestaas oo noqotay buddhigii heesta Somaliga, waxa horumariyey Abwaan AHN Cabdilahi Qarshe. Abwaan Cabdilahi qarshe iyo fanaaniin badan iyo abwaaniin badan oo uu ku jiray waxay unkeen kooxdii la odhan jiray Walaalo Hargeysa.
Ilaa waagaa Somaliland waxa mar walba kasoo baxayey hab iyo hanaan farshaxanimo faneed cusub oo hore aan u jirrin. Waxa bilaabmay qaraamigii oo noocyo badan u kala baxa. Iyagoo fanaaniintii hore iyo abwaanadii hore lala dhacsanyahay oo laga xiiso goyen ayaa waxa kol walba kasoo daba dhaca kuwa cusub oo dar dar cusub iyo hanaan cusub kusoo kordhiya saaxadda fanka.

Kooxdaa walaalo Hargeysa fanka Somaliga waxa ay gaadhsiiyeen meel aanay cidina gaadhsiin. Waxa ay ahaayeen koox madax banaan oo fikirkooda iyo taladooduba gaar u tahy oon hoggaan ugu xidhneyn xisbi ama xukuumad. Xornimadaa ay hawshooda u maamulan jireen ayaa ugu dambeystii ka hor timid siyaasdii guulwadeynta aheyd ee taliskii wadankii Somali Republic la isku odhan jiray. Ugu dambeystiina taliskaasu wuxu ku guuleystay in uu baabiiyo kooxdii walaalo Hargeysa oo badhkood dibadaha u baxsadaan, qaar kooxdii xukuumiga aheyd ee Waaberi ku milmaan, qaarna ay iskagaba hadhaan fanka
Kooxda Walaaha Hargaysa waxaa kamid ahaa fanaaniinta kala ah Cabdilaahi Qarshe,Cabdi sinimoo, Cumar dhuule Cali , Maxamed Saleebaan , Maxamed Mooge,Axmed Mooge,Maxamed Axmed Kuluc iyo qaar kale

COMMENTS
LINKS