Wasiir Cali Mareexaan Oo Dhulkii Ugu Badnaa Iibiyay Tan Iyo Markii Uu Madaxwayne Siilaanyo U Magacaabay Wasiirka Hawlaha Guud | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Wasiir Cali Mareexaan Oo Dhulkii Ugu Badnaa Iibiyay Tan Iyo Markii Uu Madaxwayne Siilaanyo U Magacaabay Wasiirka Hawlaha Guud
September 22, 2017 - Written by Reporter:

Haaragysa (W,N)- Tani iyo markii madaxwayne siilaanyo u magacaabay wasiirka hawlaha guud iyo guryaynta una magacaabay wasiir cali mareexaan ayaa waxaa isa soo tarayay cabashooyinka ay ka qabaan bulshada reer somaliland iyo siyaasiyiinta kasoo jeeda asxaabta mucaardka iyo kuwo ku jira xukuumada kuwaas oo dhamaantood ku eedeyay sheegayna in wasiir cali mareexaan  uu xaraashay guryihii iyo dhulkii ee ay lahayd dawladu ee danta guud.

21912955_1640080179388678_889454024_n

Waxaanu uu wasiir cali mareexaan uu noqday dilaalal u kala adeega xukuumada iyo ganacsatada dalka waxaana kamida meelaha uu wasiir cali mareexaan uu xaraashay  dhul kamid ah dhul ay lahaayeen ciidanka booliska ee burco ku taal iyo dhulal tiro badan.

Dhanka kale suldaan maxamed suldaan cabdiqaadir iyo abwaan axmed saleebaan bide ayaa sheegay in wasiir cali mareexaan ku haysto dhul ay lahaayeen ilma saleebaaan bide oo ku taal koonfurta magaalada hargaysa.

Waxaa kale oo jira in wasiir cali mareexaan uu iibiyay xabaalihii saadada ee magaalada berbera oo ay dadku aasnaayeen,waxaanu wasiir cali mareexaan uu  ku hawlanyahay inuu iibiyo dhulkii laynka booliska ee magaaalada hargaysa oo ay ku noolyihiin dad maati ah  oo uu ka iibinayo nin ganacsade ah oo magcwayn ku leh Somaliland waxaakale oo jira in uu xaraashayo wasiir cali mareexaan oo uu iibinayo dhulkii bacadlayaasha oo ku yaala bartamaha magaalada burco.

Wasiir cali mareexaan mar uu hortagay gudida hantida qaranka ee golaha wakiilada ayaa waxaa uu qirtay oo uu sheegay inay arintaasi jirto oo uu dhulkaa uu iibiyay waxaa kale oo jira in wasiir cali mareexaan uu iibiyay xaruntii badhasaabka gobolka awdal.

Bulshooyinka ku dhaqan gobolada somaaliland ayaa iyaguna cabasho ka muujiyay wasiir cali mareexaan waxaana uu wasiir cali mareexaan boob cad uu ku hayaa dhulkii danta guud oo uu intii ugu badnayd uu xaraashay.

Iyadoo xukuumada iyo xisbiga kulmiye wakhti geedii uu gabaabsi ku dhow yahay ayaa markii ay mucaaridka ahayd waxaa ay xukuumadii ka horaysay ee madaxwayne  daahir riyaale  ku eedaynaysay inay intii ugu badnayd ay iibiyeen guryihii iyo dhulkii danta guud  ee ay dawladu lahayd iyadoo ay asxaabta siyaasadu iyo shacabkuba ay si cad ugu cambaaraynayaan in xukuumada madaxwayne siilaanyo ay noqotay xukuumadii ugu iibka badnayd dhulka ay shacabka iyo dawladu ay wada lahaayeen.

Shabakada Wajaalenews Kala Lasoco Xogo Kale Oo Kashifaya Dhulkii Ugu Badnaa Ee Uu Wasiir Cali Mareexaan Xaaraashay Tan Markii Uu Madaxwayne Siilaanyo U Magacaabaay Wasiirka Hawlaha Guud.

 

 

WARIYE XAMSE JIRDE AXMED

WAJAALENEWS DESK

HARGEISA OFFICE

EMAIL;WAJALENEWS@GMAIL.COM

COMMENTS
LINKS