Murashaxiinta Saddexda Xisbi Qaran Ee Kulmiye, Waddani iyo Ucid Ma Qabiillo Kala Duwan Ayey Ka Soo Kala Jeedaan? | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Murashaxiinta Saddexda Xisbi Qaran Ee Kulmiye, Waddani iyo Ucid Ma Qabiillo Kala Duwan Ayey Ka Soo Kala Jeedaan?
September 22, 2017 - Written by Reporter:

Miyaaney ahayn saddex nin oo indhaha Soomaalida 20,000,000 kor u dhaaftay u siman oo ugu muuqda saddex nin oo isku reer Isaaq la yidhaa ka soo jeeda?

hagi

Qabaa’illada kale ee Somaliland degan ee aan Isaaqa ahayn, miyaaney saddexda murashax hal qoys ugu wada muuqan marka Soomaalida kale ee ballaadhan la ga yimaaddo? Isha qabiilka haddii la gu eego ma waxa la odhan karaa reero ayaa tartamaya mise rag ilmo-adeer ah? Haddii ay sidaa tahay miyaaney qurux badnaateen in barnaamij iyo siyaasad la gu tartamo oo saddexda nin ee isku reerka ah ka Somaliland doojin kara ee wax beddeli kara – waa shaqsi e, loo cimaamado doorkan? Shacabka Somaliland hal mid in ay gartaan ayaa mihim ah; in aaney nimankani kala qabiil ahayn ee ay isku qabiil yihiin haddii qabyaalad la eegayo.

Haddii se karti, hal-adayg-nimo iyo hoggaamin dawladeed la eegayo waa ay kala duwan yihiin. Waana sida saxda ah in la gu kala doorto.

Waayo Reer idin ma xukumi doono e, halka shaqsi ee aad doorateen ayaa idin xukumi doona mustaqbalka – ee dhibta idin haysa waad taqaaniin e, u la ciirsada saddexda ka loo gu qaatay walaallayaal. Jimce Wanaagsan.

 

Qalinkii  Mohamed Hagi Mohamoud

COMMENTS
LINKS