Kooxda Chelsea Oo Guul Mihiima Ka Gaadhay Stoke City | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Kooxda Chelsea Oo Guul Mihiima Ka Gaadhay Stoke City
September 23, 2017 - Written by Reporter:

Kooxda Chelsea ayaa guul mihiima ka soo gaadhay Stoke City iyada oo xidigaha ree Spain ee Alvaro Morata iyo Pedro Rodriguez ay Antonio Conte ka soo caawiyeen saddex dhibcood oo muhiim ah iyada oo waliba Morata uu dhaliyay saddex gool  halka Pedro uu goolka kale raacsaday. Chelsea ayaa noqotay kooxdii waynayd ee ugu horaysay ee xili ciyaareedkan saddexda dhibcood ka soo qaadatay Stoke City.

 

21942229_1641410112589018_1535117444_n

Haddaba waxaanu halkan idiinku soo gudbinaynaa qiimayntii ciyaartoyda labada kooxood ee kulankan iyada oo lagu ogaado qiimayntan xidigaha bandhiga ugu fiican sameeyay, kuwa ciyaarta ku fashilmay iyo ciyaartoyda bandhiga meel dhexaadka ah muujiya, waxaana sidoo kale lagu ogaadaa xidiga garoonka ugu fiican.

 

XIDIGII GAROONKA: Alvaro Morata ayaa noqoday xidigii garoonka ugu fiicnaa kadib markii uu kooxdiisa Blues ka caawiyay in ayna ku dhibtoon kulankii Stoke City isaga oo waliba goolka furitaanka dhaliyay markii ay ciyaartu socotay kaliya 83 ilbidhiqsi wuxuuna muujiyay sida uu u yahay badalka tooska ah ee Diego Costa kaas oo maanta tijaabada caafimaadka u maray Atletico Madrid. Haddii uu jiray walwal laga qabay in Morata uu buuxin kari waayo booska Costa waxaa hadda muuqata in uu kaba fiican karo gaar ahaan dhinaca akhlaaqda.

QIIMAYNTA CIYAARTOYDA STOKE CITY:

Waxaa kulankan ku fashilmay kabtanka Stoke City ee Flectcher kaas oo helay kaliya qiimayn dhan 4.5 isaga oo sabab buuxda u ahaa goolkii Pedro waxaana sidoo kale kulankan aad ugu liitay Ramadan Subhi, Jese Rodriguez iyo Johnson.

Stoke City (3-4-3): Butland 6; Johnson 5, Martins Indi 6.5 , Pieters 6; Diouf 7, Fletcher 4.5, Allen 6, Ramadan 5.5; Shaqiri 6.5, Choupo-Moting 6, Jese 5.5

Badalkii: (Afellay 76, 6), (Crouch 61, 6.5)

Badal Aan La Isticmaalin:: Grant, Tymon, Souttar, Adam, Berahino

QIIMAYNTA CIYAARTOYDA CHELSEA:

Marka laga yimaado Alvaro Morata oo helay qiimaynta ugu saraysa ee kulankan isla markaana ku dhawaaday in uu buuxiyo qiimaynta 10/10 waxaa isna qiimayn saree helay Azpilicueta oo Morata laba gool ka caawiyay laakiin guud ahaan ciyartoyda Blues ayaa helay qiimayn fiican.

Chelsea (3-4-3): Courtois 6.5; Azpilicueta 8, Christensen 6.5, Rudiger 7; Moses 6.5, Kante 6.5, Bakayoko 7, Alonso 6.5  Willian 7, Morata 9, Pedro 7.5

Badalkii: (Cahill 58, 6);  (Hazard 73, 6), (Fabregas 68, 7)

Badal Aan La Isticmaalin: Caballero, Zappacosta, Musonda, Batshuayi

 

COMMENTS
LINKS