Natiijooyiinkii Sideedii Kulan Ee Caawa Yurub Laga Ciyaaray | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Natiijooyiinkii Sideedii Kulan Ee Caawa Yurub Laga Ciyaaray
September 27, 2017 - Written by Reporter:

Kooxda Chelsea ayaa daqiiqadihii ugu danbeeyay guuldaro xanuun badan baday Atletico Madrid oo ay marti u ahayd isla markaana gool kaga hormartay waxayna Blues soo gaadhay guul qalbi jab ku noqotay kooxda martida loo ahaa ee Atletico Madrid. Antoine Griezmann ayaa Atletico Madrid qaybtii hore ee kulankan u dhaliyay goolka furitaanka oo rekoodhe ahaa kadib markii uu David Luiz riixay Lucas oo uu rookoodhe ku galay waxayna qaybtii hore ee kulankan Atletico Madrid ku dhamaysatay iyada oo 1-0 hogaanka ku haysay.

 

GettyImages-854824666

Laakiin qaybtii danbe ee ciyaarta Chelsea ayaa samaysay soo kabsasho cajiib ah waxaana goolka barbaraha u keenay xidiga reer Spain ee Álvaro Morata kaas oo dib ugu laabashadiisa Madrid ku calaamadiyay goolka uu kooxdiisa ciyaarta dib ugu soo celiyay waxaana caawinta goolkan sameeyay Eden Hazard.

Iyada oo ay ciyaartu dhamaad tahay isla markaana uu garsooruhu afka ku hayo in uu dhamaystiro ayuu Michy Batshuayi goolka labaad ee Chelsea ay guushan dahabiga ah ku soo gaadhay dhaliyay  kadib markii uu caawin ka helay isla xidiga reer Spain ee Marcos Alonso wuxuuna xidiga reer Belgium ee Michy Batshuayi uu noqday geesi Antonio Conte xaalada adag ka soo saaray.

Guushan ayaa Chelsea ka caawisay in ay soo heshay saddex dhicbood oo ayna filayn markii ay dhaamadka ahaayeen afar daqiiqo oo ciyaarta lagu daray waxayna Blues guushan ku soo gaadhay 2-1 iyada oo Atletico Madrid la kulantay guuldaro ay adag tahay in la laga badin karo waana kulankii ugu horeeyay ee ay Champions Leaque ku ciyaartay garoonkeeda cusub iyo guul daro ay la kowsatay.

Dhinaca kale Barcelona ayaa guul cidhiidhi ah oo ay ku rafaaday ka soo gaadhay kooxda Sporting Lisbon oo iska caabin cajiib ah kala hortimid kooxda Valverde. Barcelona ayaa inta badan kulankan ahayd kooxda kubbada haysashada iyo boosishanka lahayd balse waxay awoodi wayday in ay dhibaato u gaysan karto Sporting Lisbon.

Qaybtii hore ee kulankan waxaa lagu kala nastay barbaro gool la’aan ah inkasta oo ay Barcelona abuurtay fursado goolal lagu dhalin karayay laakiin qaybtii danbe ee ciyaarta markii lagu soo laabtay difaaca Sporting Lisbon ee Coates ayaa sabab u noqday in ay kooxdiisu guuldaraysto kadib markii uu iska dhaliyay goolka kaliya ee ay Barcelona guushan ku soo gaadhay.

Sporting ayaa dhamaadkii kulankan abuurtay fursado badan iyada oo Ter Stegen uu fursad layaableh beeniyay  inkasta oo Lionel Messi iyo Paulinho laga beeniyay fursado ay goolal ku heli kareen. Laakiin Barcelona ayaa soo heshay saddexdii dhibcood ee ay u baxday waxayna lix dhibcood ka heshay laba kulan oo ay soo ciyaartay.

Isla Goupya Barcelona iyo Sporting waxaa guul wayn gaadhay Juventus oo ka soo kabsatay guuldaradii Barcelona ka soo gaadhay waxayna 2-0 ku garaacday kooxda Olympiacos iyada oo Gonzalo Higian iyo Mandžukić labada gool kala dhaliyeen qaybtii danbe ee kulankan.

Haddaba halkan kaga bogo dhamaan natiijooyinkii siddeedii kulan ee caawa Yurub laga ciyaaray iyo kooxaha soo guulaystay:
 

 

DKwh6sHXoAA-Xwg

COMMENTS
LINKS