Guryaha Qabyaalada loo kireeyey Ee Taageerada loogu Raadinayo Musharaxa Kulmiye Oo kala jab Iyo Isku Dhac ka Dhex abuuray Dhalinyarta Iyo Bulshada Gobolka Gabiley. | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Guryaha Qabyaalada loo kireeyey Ee Taageerada loogu Raadinayo Musharaxa Kulmiye Oo kala jab Iyo Isku Dhac ka Dhex abuuray Dhalinyarta Iyo Bulshada Gobolka Gabiley.
September 30, 2017 - Written by Editor:

GABILEY(W,N)  Safarkii ugu dambeeyey ee Musharax xisbiga kulmiye muuse biixi ku yimaaday Gabiley ayaa waxa laga dhaxlay in reerihii uu taagerada waydiistay ay ku tartatamaan  guryo iyo gawaadhi ku deeqida xisbiga. Waxay markii musharaxu ka gudoomay furayaal gaadhi iyo guryo beel kamida beelaha gabiley  waxaa  si qaawan loola soo istaagay  baraha warbaahinta iyada madaxda xisbigu farxad kal iyo lab u muujiyaan foolxumadan lagu majaro haabaaninayo Xisbinimada.

CALAAMADA GABILEY

Arintan ayaa waxay keentay in musharaxii xisbigu tartan galiyo jilibyadii kale ee deegaanka oo ay halhays noqotay caan ka noqotay gobolka sida

Sida reer hebel baa xarago la muujiyaa. Durba jilibyada sida deg deg ah uga soo jawaabay doonista musharaxa ayaa ah midkamida isla jilibada beelaha  gabiley  oo iyaguna kireeyey sadex guri. Jaba waa kan danbeeye ee waxa Xalay gobolka ka dhacday in Guryihii lagu soo casuumo dhalinyaro oo rabashad ka dhalatay markii la isku diiday reernimada iyo xisbinimada.

Shirkan waxa goob jooog ahaa  xubno  u tafo xaytay taageerista musharaxa beeshiisa. Dhalinyartan oo xalay khilaf la dhex dhigay Dhalinyartii waxa xaalad ka dhex abuuray  oo amar ku siiyey in wixiii Wadani ahi ka dhex baxaan shirka. Isku fasaxaasi ayaa keenay rabshad dagaal ah oo dhawaacyadi la geeyey cusibitaalka/

Isku soo wada duuboo khilaafkan dhalinta beeshan  ku kala irdhoobeendhalinyaradu  ayaa hor dhac u ah kala jajabinta reer Gabiley ee uu rabo in xisbil xaakumku qoqob iyo isku dir ku maamulo. Kala sadbursiinta dhalinta ee qaar loo soo dhiibayo dhaqaalaha xukuumada oo la rabo in loo duleeyo inta kale. Waxa kale iyadna muuq baxay is barbar eriga odayga iyo inanka dhalinta ah ee uu caadaystay xisbigu xaakimku. Wali dhibtii meesha ka dhacday cidna looma xidhin sobobta oo ah ceeb ka cararka iyo curki shirka ayaa isqaban la.

 

Wajaalenews desk

Gabiley Office

Email;wajalenews@gmail.com

COMMENTS
LINKS