Saadaalo Muujinaya Qorshaha Lixaad Ee Beesha Bariga Burco u Rumaynaya In Madaxwayne Siiraanyo Kursiga ku Sii fadhiyo Ilaa Sannadka 2019!! | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Saadaalo Muujinaya Qorshaha Lixaad Ee Beesha Bariga Burco u Rumaynaya In Madaxwayne Siiraanyo Kursiga ku Sii fadhiyo Ilaa Sannadka 2019!!
October 1, 2017 - Written by Editor:

“Muran Iyo Khilaaf Cakiran Oo Ka Dhasha Natiijada Doorashada Madaxtooyada, Xalku Waxuu Noqon Doonaa In La Laalo Natiijada Doorashada Madaxtooyada,Waana Qorshaha Lixaad Ee Beesha Bariga Burco U Rumaynaya In Madaxwayne Siiraanyo Kursiga Ku Sii Fadhiyo Ilaa Dhamaadka Sannadka 2019!.

Halka Hoose Ka Akhri,Shann Muddo Kordhinood Oo

Sabob La”aan Loogu Kordhiyay Golayaasha Qaranka Muddo Xileedka Madaxwayne Siiraanyo.

HARGAYSA(W,N) Warwarka Bulshada S/land ka qabo Doorashada Madaxtooyada ee ku beegan 13/11/2017,waa mid U badan,hirdanka Sadexda Beelood ee ku kaliyaystay Tartanka loogu jiro Hanashada Kursiga Madaxwaynuhu waa mid muuqda,waxaanay Saadaasha Aqoonyahanka iyo Waayo aragu tilmaamaysaa in aanay wali Beesha Bariga Burco Kall iyo Laab u hanaynin in ay ku wareejiyaan Madaxwaynaha la doorto,halka Beesha Murashaxa Xisbiga Kulmiye aaminsan tahay in ay Kalkoodii tahay,halka Beesha Galbeedka Burco iyo Koonfurta Hargaysa aaminsan tahay in ay Kalkoodii tahay.

Waqtiguna wuu is-gurayaa,Geediga Saaxada Siyaasaduna waa mid habeen iyo dharaarba sida mawjadaha Badda oo kale u socda.

Mar kale,waxaa muddo xileedka Madaxwayne Siiraanyo taariikhda ku xusan,in Madaxwayne Siiraanyo  Dagaal adag la galay Xisbiyada Siyaasada kuna guulaystay in uu burburiyo Xisbigii Udub ee talada Dalka ku wareejay,halka aanu Dagaalkiisa ka badbaadin ilaa Xisbigii Kulmiye ee ay ku Abtirsanaysay,waxaase iswaydiin mudan,Ma jiraa Qorshe Lixaad oo u Rumaynaya Beesha Bariga Burco in Madaxwayne Siiraanyo Kursiga ku sii Fadhiyo ilaa Sannadka 2019 ? hadiise aan is dull taago Jawaabta Su”aashaasi, (waa Haa) iyadoo Aqoonyahanka iyo Waayo Araga Arimaha Siyaasada ka faaloodaa Saadaalinayaan in uu jiro Qorshe Lixaad oo Beesha Bariga Burco u Rumaynaya in Madaxwayne Siiraanyo Kursiga ku sii Fadhiyo ilaa Dhamaadka Sannadka 2019,mar hadii,Beesha Bariga Burco,Hab-farshaxana oo dheeli tiran hore ugu soo guulaysateen in ay Afar muddo kordhinood oo Qorshaysan oo dhabada u Xaadhay in Madaxwayne Siiraanyo Kursiga ku sii Fadhiyo ilaa dhamaadka Sannadka 2017 ay hore ugu soo Guulaysteen .

BARI BURCO

Alle Inaguma Keenee Muran Iyo Khilaaf Cakiran Oo Ka Dhasha Ama Laba Xisbi Oo Qaadaca Natiijada Doorashada Madaxtooyada,Xalku Waxuu Noqon Doonaa In La Laalo Natiijada Doorashada Madaxtooyada,Waana Qorshaha Lixaad Ee Beesha Bariga Burco U Rumaynaya In Madaxwayne Siiraanyo Kursiga Ku Sii Fadhiyo Ilaa Dhamaadka Sannadka 2019.

MAXAMED KAAHIN

 

Sidoo kale,waxay Beesha Bariga Burco ku guulaysateen in ay noqdaan Hogaanka Sare ee Sadexda Xisbi Qaran,Talada ugu dambaysana yeeshaan, tusaale ahaan Gudoomiye ku xigeenka Koowaad ee Xisbiga Kulmiye waa Muj Maxamed Kaahin,halka Wasiirkii hore ee Madaxtooyada Xirsi Cali X Xasan ka yahay Hogaamiyaha Xisbiga Wadani,halka Gudoomiyaha ku meel- gaadhka ee lagu doortay Shirkii Golaha dhexe ee Xisbiga Ucid uu yahay Masuul ka soo jeeda Beesha Bariga Burco.

m,xashi

Mar kale, Sadexda Masuul oo hormood u ah Siyaasiyiinta Beesha Bariga Burco,waxaa hubaala in ay Xeelado Muuqda iyo Hirdan qarsoodiya ugu jiraan in ay ku guulaystaan in Madaxwayne Siiraanyo Kursiga ku sii fadhiyo ilaa dhamaadka Sannadka 2019,iyagoo abuuraya Muranka Natiijada Doorashada Madaxtooyada, iyagoo Midnimo iyo isku-duubni kaga jawaabi doona,Hirdan kasta oo kaga yimaada Labada Beelood ee Awal iyo Garjaxis ee kula tartamaya hanashada Kursiga Madaxwaynaha .

Sidoo kale,waxay Xukuumada Madaxwayne Siiraanyo ku guulaysatay in ay yeelato Laba Xisbi Muxaafid oo maanta Siyaasadeeda difaacaya,taasoo u saamaxaysa in Rabitaankeedu hirgalo .

xirsi

HALKAN KA AKHRI: XEELADAHA UGU LAMAANAA MADAXWAYNE SIIRAANYO  AFAR MUDDO KORDHINOOD OO SABOB LA”AAN LOOGU KORDHIYAY GOLAYAASHA QARANKA, SABOBNA U NOQDAY IN AY GABI AHAANBA JOOGSATO GEEDI SOCODKA DIMUQURAADIYADA S/LAND

1: Waxay taariikhdu ka marag kacaysaa in Madaxwayne Siiraanyo,markuu Sideed iyo Sodon Maalmood talada dalka hayay.Maalin taariikhda ku beegan  5/9/2010,waxuu Madaxwayne Siiraanyo Golaha Guurtida ka Codsaday in Golaha Wakiilada muddada loo kordhiyo,halka Maalin taariikhda ku beegan 7/9/2010,Golaha Guurtidu iyagoo fulinaya Codsigii Madaxwayne Siiraanyo uga yimid Laba Maalmood ka hor,ay Golaha Wakiilada muddo 2 Sanno iyo Sideed Bilooda u kordhiyeen,halka Golaha Guurtidu isku kordhiyay muddo Sadex Sanno ah iyo Sideed Bilood ah,halka Golayaasha Deegaanka loo kordhiyay muddo Sannad iyo Lix Bilooda.

2: Mar kale,Waxay taariikhdu ka marag kacaysaa in Maalin taariikhda ku beegan 10/4/2013,Golaha Guurtidu iyagoo fulinaya Codsiga Madaxwayne Siiraanyo, waxay muddada u kordhiyeen muddo Laba Sanno ah Golaha Wakiilada,iyadoo Golaha Guurtidu iswaafajiyay Muddo xileedka Golaha Wakiilada iyo Madaxwayne Siiraanyo .

3: Sidoo kale,Waxay taariikhdu ka marag kacaysaa in Maalin taariikhda ku beegan  27/5/2015,Golaha Guurtidu iyagoo fulinaya Codsiga Madaxwayne Siiraanyo uga yimid, waxay Muddada u kordhiyeen muddo Sannad iyo Todoba Bilooda Golaha Wakiilada iyo Madaxwayne Siiraanyo .

4: Mar kale,Waxay taariikhdu ka marag kacaysaa in Maalin taariikhda ku beegan 10/9/2016,waxuu Madaxwayne Siiraanyo kala qaaday Labadii Doorasho ee uu hore iskugu Lamaaneeyay,Waxaana Talaabadaa uu qaaday Madaxwayne Siiraanyo ka soo gaadhay Dalka S/land,in gabi ahaanba joojiyaan Beesha Caalamku,Taageeradii Dhaqaale ee ay u fidin jireen Geedi Socodka Dimuquraadiyada S/land, iyadoo Xukuumada Madaxwayne Siiraanyo Dhabarka u ridatay Kharash dhann 8000,000,$ (Sideed Millyan oo Doolar) oo Taageero Dhaqaale loogu fidin lahaa .

5: Sidoo kale,Waxay taariikhdu ka marag kacaysaa in Maalin taariikhda ku beegan 6/3/2017, waxay Golaha Guurtidu muddada u kordhiyeen Madaxwayne Siiraanyo muddo Todoba Bilooda, halka Golaha Guurtidu muddada u kordhiyeen Golaha Wakiilada muddo Laba Sanno ah,halka Golaha Guurtidu isku kordhiyeen muddo Sadex Sanno ah Gudoonka iyo Murashaxiinta Xisbiyada Siyaasada ka raali noqdeen .

Ugu dambayn,waxayse Su”aali ka taagan tahay Go”aanka ugu dambeeya ee Beesha Bariga Burco ka qaadan doonto Doorashada Madaxtooyada in ay kall iyo Laab u hanaysay Kursiga Madaxwaynaha,oo ay si saxa Xillka ugu wareejin doonto Madaxwaynaha la doorto iyo sidii looga bartay in ay si Xeeladaysan uga dhabayn doonto Qorshaha Lixaad ee u Rumaynaya Beesha Bariga Burco in Madaxwayne Siiraanyo Kursiga ku sii fadhiyo ilaa dhamaadka Sannadka 2019, waa Barri iyo Bill danbe hadii Alle idmo .

WAJAALENEWS DESK

WAJAALE STAFF

EMAIL;WAJALENEWS@GMAIL.COM

ARISTE ARAGTIDAADU WAA MUHIIM

 

COMMENTS
LINKS