Argentina, Uruguay Iyo Paraguay Oo Doonaya Martigelinta Koobka Adduunka Ee 2030 | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Argentina, Uruguay Iyo Paraguay Oo Doonaya Martigelinta Koobka Adduunka Ee 2030
October 5, 2017 - Written by Reporter:

Saddex dal oo ku yaal Koonfurta Mareykanka ayaa shaaciyay dalabkooda ah inay wadajir u martigeliyaan Koobka Adduunka ee 2030.

_98147183_102b88c4-9deb-4c0b-8a48-9446f13da93d

 

Madaxweynayaasha dalalka Argentina, Uruguay iyo Paraguay ayaa madaxtooyada Argentina ka bilaabay ololaha martigelinta tartankan caanka ah.

Koobkii ugu horreeyay ee Adduunka ayaa 1930 waxaa lagu qabtay dalka Uruguay, saddexda madaxweyne ee shaaciyay dalabkoodana waxa ay carrabka ku adkaynayeen in la joogo wakhtigii uu koobkan dib ugu soo laaban lahaa Uruguay, xilligaas oo noqon doontaba sanadguurada 100-aad ee ka soo wareegatay markii tartanka Koobka Adduunka la bilaabay.

Argentina iyo Uruguay ayaa min laba jeer tartankaas ku guulaystay, Paraguay-se weligeed ma aanay qaadin.

Codsigan ay dalalkan ku doonayaan inay ku martigeliyaan Koobka Adduunka ayay u badan tahay in laba ama saddex garoon laga soo xuli doono dalalka Uruguay iyo Paraguay, halka lix ilaa sideed garoonna loo qoondeeyay Argentina.

Wax faafaahin ah lagama bixin cidda qaban doonta ciyaarta furitaanka iyo midda kama dambeysta ahba.

Ilaa iyo haatanna ma ay jirto cid kale oo shaacisay inay doonayso inay martigeliso Koobka Adduunka ee 2030.

COMMENTS
LINKS