Sixirka soo jiidashada!!! Xamse Tudhaale | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Sixirka soo jiidashada!!! Xamse Tudhaale
October 6, 2017 - Written by Reporter:

Dadyowga inta badan isticmaala luuqad jidheedkooga sida Gacmaha iyo muuqaal dareemeedyada

 

tudhale

Qof walba waxa uu jecel yahay in uu noqdo mid soo jiidasho leh. Tani waxa ay dadyowga qaar ka dhigtay kuwo u sameeya ficilo aan wacnayn sababo ah in ay noqdaan kuwo soo jiidasho leh, kuwaas oo qofkaas ka dhiga mid aan soo jiidasho lahayn; ugu danbayna ku rida qofkaas niyad jab iyo cabsi xooggan.

Halkan waxa aan  kaga hadli doonaa qoddobo ka caawin kara qof walba in uu soo jiito dadyowga ku xeeran, tan macnaheedu maaha qof walba se waa qaar ka mid ah dadka si aad iyaga ugu noqoto may ku hirtaan.

 

1: Noqo Mid dabacsan: In aad noqoto qof dabacsan dabeecad ahaan, habdhaqan ahaan iyo waliba qofnimo ahaan waxa ay kuu sahlaysaa in ay dadyow badan ku soo hirtaan shaqsiyadaada; taas oo ay kuu qaadi doonaan dareen ka helis oo jeclaystaan in ay kula kulmaan sheeko wadaagna kula noqdaan. Dabacsanoow macnaheedu maaha in aad noqoto mid hadal badan ama u muuqda qof nacas ah se waa in aad noqoto qof lagu soo dhici karo.

2: La Wadaag aqoon iyo talo wax ku ool ah: Dadyowga badankooda waxa soo jiita qofka ay bidayaan aqoonta ama khibrada nolosha, kaas oo ay rajeynayaan in ay ka faa’idaan wax noloshooda anfcaaci u leh. in aad dadka la wadaagto Aqoontaada iyo waayo aragnimadaada talo ahaana u siiso, waa mid kaa dhigi karta qof hanta quluubta dadyow badan.

3: Horumari luuqad jidheedkaaga: Dadyowga inta badan isticmaala luuqad jidheedkooga sida Gacmaha iyo muuqaal dareemeedyada ( Facial Expressions) kala duwan ee wajiga uu qofku sameeyo waxa ay ka dhigaan mid xiiso leh oo soo jiidasho leh, tani waa qayb ka mid ah xaragada hadalka iyo sheekada, waxaana ay macno badan u yeesha qofka hadalkiisa.

4: Dhagayso in ka badan inta aad hadasho: Marka aad qof la tahay sheeko wadaag waxa waajib kugu ah in aad la wadaagto dhagahaaga si aad u xiiso galiso qofka kula jooga una dareensiiso inaad danaynayso.

5: Noqo mid kaftami kara: In aad mararka qaarkood kaftanto waa muhiim adiga oo ilaalinaya anshaxa kaftanka; waa in aad ku kaftami kartaa wax aan dhaawacayn qofka aad doonayso in aad ka qosliso kagana qosli wax dhab ah, adiga oo isticmaalaya kalmado ama jidhkaaga sida indhahaaga, wajigaaga ama gacmahaaga.

La soco qaybta danbe…..

 

Xamse Tudhaale:  Tabobare Nololeed iyo Qoraa ka faallooda horumarinta habfikirka Aadamaha.

 

Mobile: 0634410163/0654410163

 

 

 

 

 

COMMENTS
LINKS