Dhib Qabyaalada Ka Wayni Qarankan Ma Haysato W/Q: Muhamed Dhimbiil | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Dhib Qabyaalada Ka Wayni Qarankan Ma Haysato W/Q: Muhamed Dhimbiil
October 7, 2017 - Written by Reporter:

Dalkayga waxa farabaas ku haya xanuun xun oo faafa oo dilaa ah, waa xanuun qofku isaga oo nool uu u dhinto qof ahaan iyo qalbi ahaan.

 

21729231_10155454363160630_1609723100_n

Xanuunkaasi waxa u jiifa oo uu soo ritay boqolaal kun oo dad ah, halka boqolaal kun oo kalena bukaan socod u yihiin, boqolaal kun oo kalena qarsanayaan in uu hayo xanuunkaasi.

Xanuunkaasi waxa uu si isku mida ugu dhacaa caruur iyo ciroole, culimo iyo caamo, macalin iyo ardaygiisii, doctor iyo qofkii uu dawaynayey, bulshada cidna kamuu reebin ilaa inyar oo faro ku tiris ah oo Alle swt uga naxariistay mooyaane.

Xanuunkaasi waxa uu dilaa wanaaga iyo wadajirka bulshada, waxa uu la dagaalamaa daawada kaliya ee umadi xumaanta kaga badbaado oo ah cadaalada, cadaalad marka ay umadi hesho ayey horumar gaadhaa.

Waa cudur u diiday in uu qofku ka damqado xumaanta, cadaalad darada musuqmaasuqa, biyo la’aanta, caafimaad darada, waxbarasho xumida, sicir-bararka iyo tayo darida adeegyada bulsho.

Cudurkaasi waa qabyaaladda oo ina naafaysay qaran ahaan qawmiyad ahaan iyo qof ahaanba, waa waxa hortaagan in aynu horumarno oo shuruucda nidaamka aynu dhiganey shaqeeyaan.

Halkii maalintii uu Alle swt ha u naxaariistee CABDILAHI SULDAN TIMACADE ka gabyayey qabyaaladda kamaynaan dhaqaaqin, waxaana ka soo wareegay 70sano ku dhawaad oo waliba aynu soo taabanay gunteedii iyo xumaanteedii.

Waxa uu yidhi TIMACADE:-

Dul iyo hoosba waan ugu dhigey waa dix dhagaxeede

Anuunbaa damqanayee dheguhu uma daloolaane

Dadka aan la Hadlayaa baan lahayn dux iyo iimaane

Bal in ay qalfoof tahay caqliga dooni laga saaray

Waxii hore u daashadaybay degashanaysaaye

Doc haday u wada jeedsatooy dhawrto danaheeda

Ooy duul walaalo ah tahay ooy duunka ka heshiiso

Dadka kama yaraateene way is dabar jaraysaaye

Dubbe madaxa waa is kala dhacdaa daaim abidkiise

Goortay iswada dooxataybaa daad usoo Galiye

Hadaynaan xumaanta iyo dilkiyo daynin kala qaadka

Dibadaan ka joognaa sharciga daacada Ilaahe

Danbarkeedu waa jahanaba iyo Dogobkii naareede

DUGSI MALEH QABYAALADI WAXAY DUMISO MOOYAANE .

Haddaba umaduhu dhibaatooyinka way soo wada mareen aduunyadan inagula nooli, laakiin waxa ay kaga baxeen dedaal iyo daacadnimo iyo dad u kacay oo caafimaad qaba.

Hanaankeena maamul iyo dawladnimo waxa hagaasiyey dad han yar oo aan himilo fog lahayn oo ay mashquulisay aduunyada iyo dhaldhalaalkeedu kuna shaqaysta qabyaaladda oo maal galiya.

Dad badan damiirkoodu wuu diidan yahay habdhaqanka iyo saameynta qabyaaladu bulshadeena ku hayso, madax iyo mijaba, waxaana jira tabasho iyo ka biyo diidanaan nidaamka noocan ah oo isa soo taraysa.

Saluuga siyaasadda siyaasiyiinta, shaqada dawlada iyo hab maamulka dawladnimo ee ina haystaa isaguna waa kii uu ka gabyey ABWAAN CABDILAHI SULDAN TIMACADE mudo laga joogo dhawr iyo lixdan sano ka hor.
Ee uu lahaa:-

Nimankii malmalay waa kuwii maalay kaligoode

Haday maalintii na horkacaan midho ma waynayne

Ma naxaanadii baan arliga meerisna u toline

Marnaba yeydaan dhicin ragii male kusoo goostay

Miyigeena nimankii midida meelwalba isugu dhiibay

Kuwii muusanoow iyo tolaay nagula meeraystay

Nimankii mashaqada ay dhigeen reerba dhan u moostay

Suntay nagu mudeen wiilashii la is martiyi waayey

Muraadkoodu nimankuu ahaa moodhadhka iyo daarta

Mudaahanada beenta ah kuwii nagu maqaarsaaray

Mas waabaydii lama dhuunyado iyo midho dhunkaaleede

Manfac aan la cunin baa jira oo mawdka kuu sida e

Maraykan iyo waakay baxshaan madaxda nato e

Nimankii mabda a reer galbeed nagu madiideeyey

Nimankuu mugooduba ahaa maalin la casuumo.
Haddaba akhriste dadku waa aniga iyo adiga iyo inta aynu saameynta ku leenahay maka bilawnaa sidii nafaheenu uga xoroobi lahaayeen aafada qabyaaladda?

Umadani cidina uma maqna ceelna uma qodna adiga iyo aniga ayuu Alle swt inaga dhaliyey hadaynu iskaashano wax badan ayeynu qabsan karaa, dedaalka iyo wacyi galinta hadda ka bilow wax kasta oo midho dhalayba maalin uun baa la bilaabaye.

#GARAADKU_HA_SHAQEEYO_DADKAYGUNA_HA_GUULEYSTAAN. INSHA ALLAH

Allow umadayda tiiha ka saar

Muhamed Dhimbiil

 

COMMENTS
LINKS