FACEBOOK KALIYA AYAA LAGA HELAA | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
FACEBOOK KALIYA AYAA LAGA HELAA
October 8, 2017 - Written by Reporter:

facebook wixii aan ku arkay…

images

 

Facebook waxaan ku arkay dad leh waxaan heystaa kumanaan saaxiib, wuu iga buuxsamay, dad ma aqbali karo IWM. alla maxaa dad tiro badan la heystaa maxaase dad yar kaliya saaxiib lagala yahay.

Alla maxaa markasta online la yahay haddana wax faa’iido ah lagama helo.

Facebook maxaad masaafo yar ka dhigtay meelo dhaadheer, haddane maxaadse dadkii kala fogeysay.

Alla maxaa lacag laguugu bixiyaa facebook, maxaase waxba kaa soo gelin.
Facebook maxaad xisbiyo kala duwan abuurtay, maxaadse dadka qaarki kelinomo gelisay

Alla maxaa waan qalinjibiyay ku badan facebook, maxaase ka aqoon yar dadkaa marka la shaqo doonto.
Alle maxaa loo jecel yahay internet deg deg ah ( fast ) maxaase maskaxda in laga shaqeeya ay yartahay.

Facebook maxaa waqti badan lagu bixiyaa maxaase waqti lagu nasto loo la yahay.

Alla maxaa maqaayaadaha marka la soo fariisto qof walbaa mobelkiisa ku mashquulaa maxaase shaah kaliya la dalbadaa.

Alla maxaa facebook iyadoo baabuur isteerinka la hayo la soo dhigaa maxaase darawal xumo la yahay.

facebook maxey caayda iyo aflagaadada ku badan tahay maxeyse ku yartahay dadka mahadceliya.

 

 

Qalinkii, Siciid Xagaa.

COMMENTS
LINKS