WAJAALE NEWS

Dhimashada Dab Ka Kacay Dhismeyaal Ku Yaal Waqooyiga gobolka California

Hargaysa,(W,N)-In kabadan 150 ruux ayaa la la’yahay ka dib markii uu dab burburiyay Waqooyiga gobolka California ee dalka Maraykanka, sid ay booliisku sheegeen.

Ugu yaraan 15 ruux ayaa la xaqiijiyay in ay ku dhinteen, in kabadan 1,500 oo gurina way ku burbureen dab kacay Axaddii.

Sagaal ka mid ah dadka geeriyooday waxay ku dhinteen deegaanka Sonoma

Magaalooyinka uu dabku aadka u saameeyay waxaa ka mid ah Santa Rosa oo ku taalla waqooyiga magaalada San Francisco, halkaas oo dabku uu dhulka la simay.

Booliiska deegaanka Sonoma ayaa sheegay in aan ilaa iyo hadda meelna lagu ogayn 155 ruux, inkastoo laga yaabo in arrintaasi ay sabab u tahay qaskii ka jiray daad gurayntii la sameeyay.

 

Deegaanka ay dariska yihiin ee Napa dadkii ku dhintay waxaa ka mid ahaa Charles Rippey oo 100 jir ahaa iyo xaaskiisa Sarah oo 98 jir ahayd, sida ay booliisku sheegeen.

Dababkan ayaa ka mid ah kuwii ugu khasaare badnaa ee taariikhda California, qiiqa ka dhashay ayaana gaadhay koonfurta San Francisco oo 100km ka durugsan.

Madaxa dabdamiska California, Ken Pimlott ayaa BBC-da u sheegay Salaasadii in 17 dab ay gubeen 115,000 aykar, 24 saac ee u dambeeya Wuxuu sheegay in xafiiskiisu uu ku hawlan yahay helidda dadka la la’yahay balse uu ka cabsi qabo in tirada dhimashadu ay sare u kacdo.

Khariidaddan hoose waxay muujinaysaa goobaha uu dabku ka kacayo wali ee gobolka California, 10 bishan Oktoobar

 

 

Exit mobile version