Madax dhaqameedka,,Waxgaradka,Haweenka Iyo Haldoorka Beesha Akisho Oo Taageero Mug Leh U Muujiyey Xisbiga WADDANI. | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Madax dhaqameedka,,Waxgaradka,Haweenka Iyo Haldoorka Beesha Akisho Oo Taageero Mug Leh U Muujiyey Xisbiga WADDANI.
October 11, 2017 - Written by Editor:

TOGWAJAALE(W,N)Madaxdhaqameedka,odayaasha,waxgaradka,ganacsatada,haweenka iyo haldoorka Beesha Akisho ayaa munaasibad ay iskugu yimaadeen oo ka dhacday magaalo xuduudeedka Tog-wajaale waxay ku shaaciyeeen kuna soo bandhigeen taageerada laxaadka leh ee ay u hayaan xisbiga mucaaradka ah ee WADDANI.

IMG_4718

Waxaana munaasibadan oo ahayd mid si heer sare ah loo soo agaasimay ay kulmisay madax-dhaqameedka,odayaasha,ganacsatada,haweenka iyo Haldoorka beesha Akisho ,waxaana ay  dhamaantood shaaca ka qaadeen inay taageero mug leh ay u hayaan xisbiga mucaaradka ah ee WADDANI,iyaga oo sidoo kalena ka dhawaajiyay sababaha kalifay inay taageeraan xisbiga WADDANI oo u tartamaya hanashada hogaaminta talada Dalka,Waxaana sidoo kale ay eedaymo usoo jeediyeen xisbiga KULMIYE.

IMG_4713

Ugu horeyn waxa madashaasi ka hadlay Caaqil Aw Siyaad,waxaana uu cod dheer ku sheegay in beesha Akisho ay taageero u hayaan xisbiga WADDANI isla markaana ay codkooda iyo cududoodaba ay la barbar taagan yihiin xisbigaasi WADDANI waxaana hadaladiisii kamid ahaa sida tan.

IMG_4642

“WADDANI waanu raacsanahay,waanuna ku xudun xidhanaynaa waliba sidii wakhtigii hore oo kale aanu KULMIYE ugu xudun xidhanay dabadeedna kolkii Awrka la raray aanu ka hadhnay ee la yidhi halkaas ii fadhiya,gurigii waanu iskaga soo guurnay,waanu ku xidhanaynaaye sidaa haw ogaadaan xisbiga WADDANI”Sidaas ayuu yidhi caaqil Aw Siyaad.

IMG_4636

Dhinaca kale waxa iyaguna madashaasi ka hadlaodayaasha,waxgaradka,haweenka iyo haldoorka Beesha Akisho,waxaana ay cod dheer ku shaaciyeen in taageradooda,awoodooda,codkooda,maskaxdooda iyo maalkoodaba ay la barbar taagan yihiin xisbiga WADDANI,ayna geed dheer iyo mid gaabanba u korayaan sidii xisbiga WADDANI talada dalka ugu guulaysan lahaa,iyaga oo sidoo kalena ku  goodiyay in Beeshoodu xisbiga ay taageerto ay guushu raacdo waxaana hadaladoodii kamid ahaa.

IMG_4631

“Markaanu dhinac kaste ka eegnay ee la isku raacay inuu yahay xisbiga Beeshu maanta hawlaheeda haday tahay dhinaca wada shaqayneed aynu la yeelanayno,markaa xisbigani waa xisbi Qaran,waa xisbi umadaha oodhan ka dhaxeeya,maaha xisbi Beeleed,waxaad ogaydeen KULMIYE barigii hore ayaynu isku raacnay maantana WADDANI,Waxaad ogaataan xisbiga Beesheenu ay raacdaa waa xisbiyada inta badan guulaysta,Insha allah waxaan alle xisbigan uga baryaynaa inuu ku guuleey talada dalka”sidaas ayuu yidhi mid kamid ah odayaasha beesha Akisho.

“Waxa aan anigu shakhsiyadayda,naftayda waxaan maanta u dhiibayaa xisbiga WADDANI,Beesha Akishona sidaasay naftooda ugu dhiibayaan xisbiga WADDANI,waxaanay Beeshu maanta u diga rogatay xisbiga WADDANI.”Oday kamid ah Beesha Akisho.

“Ha guulaysto xisbiga WADDANI,hadaanu nahay Beesha Akisho,waxaan kusoo biirnay xisbiga WADDANI,KULMIYE waxa uu soo sido ayaa iska yar,waad ogtihiin in dhulkii Somaliland oo dhan uu

iibsaday,waad ogtihiin inuu qaybiyay,markaa xissbiga cadaaladda ah baa ku dhaqmaynaa codkayagana siinaynaa”mid kamid ah haweenka Beesha Akisho.

Dhinaca kale masuuliyiinta xisbiga WADDANI ee gobolka Gabiley iyo degmada Wajaale oo munaasibadaasi boqranayd goob joog ahaa ayaa waxay madax-dhaqameedkan,odayaashan,waxgaradkan iyo h aldoorkan Beesha Akisho kusoo dhaweeyeen xisbiga WADDANI,iyaga oo carabka ku adkeeyey inaan xisbiga WADDANI la kala lahayn,balse lagu soo kala horeeyey,waxaana ay sidoo kale eedaymo kulul usoo jeediyeen xisbiga muxaafadka ah ee KULMIYE waxaana hadaladoodii kamid ahaa sida tan.

“Akisho waa beelaha xudunta Somaliland ee sida sharafta leh qiimaha leh ugu soo  biiray xisbiga WADDANI,kana dhawaajiyay inay taageero buuxda siinayaan xisbiga ay tahay hordhac,maanta taageeraddani ayna ugu danbayso inay si kama danbays ah ugu soo biirayaan xisbiga WADDANI,odayaashooda,cuqaashooda,aqoonyahankooda,haweenkooda dhamaantood aad iyo aadbaan usoo dhawaynayaa,waxaan leeyahay soo dhawaada”sidaas ayuu yidhi gudoomiyaha xisbiga WADDANI ee degmada Tog-wajaale.

“Waxa ii sharaf ah inaan kasoo qayb galo xafladan ay Beesha Akisho kusoo biirayso xisbiga WADDANI oo ah beel aad iyo aad u mudan,ahna Beeshii Sheekh Cumar Warfaa,sheekheenii Qiimaha badnaa ee Imaamka gobolka kamid ka ahaa,waan idin soo dhawaynaynaa mar labaad iyo mar saddexaadba,horta xisbiga aad kusoo biirteen waa xisbi ay calaamadihiisu ka muuqdaan in uu ka dheer yahay Cadaalad darro,cadaaladd daradaasna waxa aynu ka aragnay waa xisbiga KULMIYE,waxa ku jirtay gabaygii Abwaan Tima-cade xiligii 60-kii,”Madaxwayneyaal iyo markaan Ministar loo doortay,Niyaddii wacnayd iyo dadkii meel u wada jeeday,nimankii kaligood waalay waa kuwii maalay kaligoode,xisbiga KULMIYE hawshii loo dhiibay iyo madaxtinimadii dalka iyo qanimadii dalku lahaa horta koox yar baa maamulatay”sidaas ayuu yidhi  gudoomiyaha xisbiga WADDANI ee gobolka Awdal.

 

COMMENTS
LINKS