Wafti Uu Hogaaminayo Murashaxa Xisbiga Waddani Oo Kulan La Yeeshay Raysal Wasaaraha Ethiopia Iyo Nuxurka Qodobada Ay Ka Wadahadleen! | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Wafti Uu Hogaaminayo Murashaxa Xisbiga Waddani Oo Kulan La Yeeshay Raysal Wasaaraha Ethiopia Iyo Nuxurka Qodobada Ay Ka Wadahadleen!
October 11, 2017 - Written by Editor:

Addis Ababa, (W,N) – Warsaxaafadeed:- Musharaxa Madaxweyne ee xisbiga Mucaaridka ah ee Waddani, Dr Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi (Cirro) oo socdaal ku tagay magaalada Addis Ababa ee dalka Ethiopia ayaa maanta kulan la yeeshay Raysal Wasaaraha dalka Ethiopia Hailemariam Desalegn Iyo Wasiirka Arimaha Dibada dalkaasi Dr Workneh Gebeyehu.

ciro iyo hayla maryan 4

Weftiga Gudoomiyaha Xisbiga Waddani, ahna Murashaxa Madaxweyne ee xisbigaasi ayaa markii uu ka soo dagay Garoonka Diyaaradaha ee magaalada Addis Ababa si Baratakool sare ah lagu soo dhaweeyey weftiga.

ciro iyo hayla maryan 3

Waxaanu ugu horayn Weftiga Murashax Cabdiraxmaan Ciro uu kulan la yeesheen Wasiirka Arimaha Dibada Ethiopia Dr Workneh Gebeyehu, kulankaasi oo labada dhinac ay kaga wada-hadleen xidhiidhka saaxiibtinimo ee labada dal ee Somaliland iyo Ethiopia, iyo sidii kor loogu qaadi lahaa xidhiidhka caalamiga ah ee diblomaasiyadeed ee ka dhexeeya labada dal loona sii xoojin lahaa.

ciro iyo hayla maryan 2 waftigii cirro 2

Sidoo kale Weftiga Murashax xisbiga Waddani Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi ayaa kulan ay ku wehelinayeen Hogaamiyaha xisbiga Waddani Xirsi Cali Xaaji Xasan, Xoghayaha Arimaha Dibada ee Xisbiga Waddani Dr Maxamed Cismaan Fadal, Wasiirkii hore ee arimaha dibada Somaliland Maxamed Biixi Yoonis iyo Xoghayaha Murashaxa Baashe, waxay Xafiiskiisa kulan kula qaateen Raysal Wasaaraha dalka Ethiopia Hailemariam Desalegn.

xirsi iyo hayla maryanwaftiga ciro

 

 

Waxaana kulankaasi oo saacado qaatay qodobadii ay kaga wadahadleen labada dhinac ugu muhiimsanaa;-

  • Sii xoojinta iyo kor u qaadka xidhiidhka labada Waddan ee Somaliland iyo Itoobiya.
  • Sii xoojinta iyo fududuaynta isku socodka Ganacsiga labada dal.
  • Sidii labada dal ay u sii adkayn lahaayeen amaanka iyo nabadgalyada.

ALLAA MAHAD LEH.

Warbaahinta  Xisbiga Waddani,

 

COMMENTS
LINKS