Wasiirka Diinta Oo Shaaca ka Qaaday In Madaxda Hay’adaha Amaanku U hakiyeen Arrimo Amni qeybinta Mucaawino Hay’ada Khadiija Dalka Keentay. | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Wasiirka Diinta Oo Shaaca ka Qaaday In Madaxda Hay’adaha Amaanku U hakiyeen Arrimo Amni qeybinta Mucaawino Hay’ada Khadiija Dalka Keentay.
October 11, 2017 - Written by Editor:

Wasiirka Maaliyada oo la xaqiijiyey inaanay Shaqo Ku Lahayn Eedaha la xidhiidhanaya hakinta Mucaawinada.

Hargeysa(W,N) -Wasiirka Diinta & Awqaafta Sheekh Khaliil Cabdillahi Axmed ayaa shaaca ka qaaday in xaalado nabadgelyo awgeed loo hakiyey qeybinta Mucaawino kala duwan oo Hay’adda Khadiija dalka Keentay.

rfc(2)

Sheekh Khaliil ayaa sheegay in dacwad ka timi Gobolka Sanaag oo la xidhiidhay in Hay’adda Khadiija qaab siyaasadeed uga faa’iidaysanayso mucaawinooyinka ay bixiyaan ku jirto, ka dib markii la ogaaday inay waraaqahii dadku markii ay is-diiwaangeliyeen caddaymaha loo siiyey ka sawirtay (photocopy)goodie qaadatay, waxaanu yidhi,

“Runtii ma jirto sifo kaloo loo xanibay mucaawinooyinka Hay’ada Khadiija ka shaqeyso, balse arrimo dhinaca Amaanka ayaa keenay, xilligan aynu ku jirno wakhtiga xasaasiga, ka dib markii dacwad ah in arrimo siyaasadeed looga faa’iidaysanayo lagu soo eedeeyey.

Wasiirka Diinta Sheekh Khaliil ayaa shaaca ka qaaday in Marwo Hoodo Cali Fidhin sheegtay in sababta ay u sawiratay waraaqahii caddaymaha ahayd inay ugu xaqiijiso hay’adda Bisha Case e Imaaraadka inay xaqiiq yihiin dadka ay mucaawinada u doonayso,

“Waxay noo sheegtay marwo Hoodo in sababta ay waraaqaha caddaymaha dadka u sawiratay ahayd si ay ugu xaqiijiso, caddeymana uga dhigto Hay’ada Bisha Cas ee Imaaraadka inay jiraan dadka ay mucaawinada u doonayso, xafiiskooda keliyana ay geysay.

Waxuu bulshada iyo dhinacyada eedaha soo jeediyey u soo jeediyey inaan la siyaasadayn arrinkan, marka lagu wada qancana la qeybin doono, waxaanu yidhi,

“Wakhtigan dalku xaaladaha doorashada gelayo, ma haboona in arrimo aan xaqiiq ahayn lagu hadlo ama masuuliyiin lagu eedeeyo. Xukuumada waajib baa ka saaran in waxii xaalad abuuraya wakhtigan la xakameeyo. Waa la qeybin doona mucaawinada marka la baadho arrimaha shakiga keenay, madaxda hay’adaha amaanka ayaa bixiyey amarka hakinta qeybinta mucaawinada oo gaadhaysa 28 kontiinar, ka hor intaan natiijadeedu soo bixin.

Dhinaca kale, Gudoomiyaha hay’ada Khadiija Marwo Hoodo Cali Fidhin ayaa sheegtay inaanay xog-ogaal u ahayn eedo galabta (shalay) Maamulka, Ardayda iyo Waalidiinta dugsiga Sh Zayed International u jeediyeen Wasiirka Maaliyada Marwo Zamzam Cabdi Adan iyo masuuliyiin kale oo xukuumada ka tirsan.

Marwo Hoodo oo weriye Maxamuud Walaaleye la xidhiidhay si uu faahfaahin dheeraad ah uga weydiiyo sababaha keenay eedo Maamulka, Ardayda iyo Waalidiinta  Dugsi Agoomaha lagu xanaaneeyo oo ku yaal magaalada Burco galabta u jeediyeen masuuliyiin xukuumada ka tirsan ku hortaagan yihiin mucaawinooyin raashin ah oo lagu hakiyey dekeda Berbera ayaa muujisay xog-ogaal la’aanteeda warka la weydiinayo, kagana jawaabtay ‘war eedo ah….halkuu ku jiraa”, isla markaana aan fulin balanqaadkeedii inay jawaab ka bixiso, ka dib markii ay telefoonkii xidhatay, balankii ka hor.

Sidoo kale, masuul ka tirsan wasaarada Qorsheynta Qaranka ayaa xaqiijiyey inaanay Marwo Samsam Cabdi Adan, Wasiirka Maaliyada, shaqo ku lahayn xanibaada mucaawinooyinka u socday xarumaha ay maamusho Hay’ada Khadiija, laakiin amarkeeda bixiyeen guddi xukuumadu u saartay xal u helideeda, isla markaana wada xaajoodkii lagu xalinayo arrinka uu socday.

Xogahan ayaa la raaciyey inay jirtay dacwad Gudoomiyaha Gobolka Sanaag Maxamed Cabdi Falaay iyo dhinacyo kale ka soo gudbiyeen hay’ada Khadiija, oo la xidhiidhay inay hawlo siyaasadeed, taasoo keentay in amarka xannibaada bixiyey loo saaro.

 

WAJAALENEWS DESK

COMMENTS
LINKS