Walaalaha Wabiga Iyo Buuraha Ka Tallaaba Si Ay School U Tagaaan | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Walaalaha Wabiga Iyo Buuraha Ka Tallaaba Si Ay School U Tagaaan
October 12, 2017 - Written by Reporter:

Radhika iyo Yashoda ayaa maalin kasta iskuulkooda u gala safar qaadanaya lix saacadood. Waxa ay ku noolyihiin tuulo ku taala dhulka buuralayda Himilayas ee dalka Hindiya halkaas oo aysan jirin waddooyin iyo gaadiid.

safar1

 

Labadani gabdhood ma jiro wax caqabad ah oo ka hor joogsan karta in ay iskuulka tagaan, waxayna maraan dhibaato badan si ay waxbarashada u dhamaystaan.

Subixii marka ay hurdada ka kacaan oo ay wajiga maydhaan waxa ay isku maaweeliyaan kaftan iyo qosol , balse hawsha hortaala ma ahan mid ciyaar ah.

 

safar2

Safarkooda iskuulka waxa uu ka bilaabanayaa lug, iyaga oo sii dhexmaraya kaymaha dhirtu magooshay, kadibna ka talaabaya wabiyada biyuhu haraacinayaan, iyo waliba buuraha dhaadheer ee ay adagtahay in la tafo.

 

 

safar3

 

Gabdhahan oo kala ah 14 jir iyo 16 jir ayaa waxa ay kamid yihiin lix caruur ah oo safar dheer maalin kasta u taga iskuulka maalin kasta.

 

 

safar4

 

 

 

Aabayaashood ayaa subax kasta gacanta u haadiya, iyaga oo dhoolacadeynaya, balse aanan hubin waxa ay dariiqa kula kulmi doonaan.

Safarka waxa uu qaadanayaa illaa 3 saacadood sii socodka , iyo 3 saacadood oo soo noqodka ah, waana waddada kaliya ee loogu kala gooshi karo tuulada ay caruurtan degenyihiin oo lagu magacaabo Syaba ee gobolka Uttarakhand iyo magaalooyinka uu iskuulka ku yaalo ee Maneri iyo Malla.

 

safar7

 

Qeybta ugu daran ee safarka waa marka ay gudbayaan wabiga Bhagirathi , halkaas oo ay kala tallaabaan wiish ka samaysan xadhko iyo biro la dhexgalo.

Waa shaqo u baahan xoog iyo tamar badan, sababtoo ah waa in ay iyaga jiidaan xadhigga si wiishka uu u socdo, mararka uu roobka jiro xadhigga waa ka culusyahay mararka kale, waxaana soo gaadha dhaawac.

Dadka tuulada waxa ay kaaga sheekeynayaan dhibaatada ay ka maraan wiishkan, qaarkood ayaa ku waayay farahooda, qaarkood ayaa ka dhacay.

Gabdhahan waxa kale ee walwalka ku haya ayaa ah dharka iskuulka oo midabkiisu cadyahay, iyo wiishka oo leh saliid  madoow oo ay tahay in ay markasta ka illaaliyaan in ay dharku ka wasakhoobaan.

Duurka baaxadda leh ee ay sii dhexmaraan ayaa isagana u keeni kara halis kale oo kaga imanaysa duurjoogta sida shabeelka.

Illaa 200 oo tuulo oo kale sida Syaba ayaa ku yaala gobolkan oo 400 km u jira magaalada caasimadda ah ee Delhi.

Inta badan tuulooyinkan ma laha wax waddo ah oo gasha, qaarkood oo yar ayaa leh waddo loo maro .

Yashoda waxa ay ku haminaysaa in ay noqoto booliis, halka Radhika ay doonayso in ay noqoto macalimad.

Labadan gabdhood waxa ay aad u jecelyihiin tuuladooda iyo deegaanka dabiiciga ah ee ay ku noolyihiin.

Marka ay iskuulka usii socdaan waxa ay biyaha ka cabbaan durdurada. Sidoo kale marka ay fasaxa leeyihiin waxa ay deegaankan qurxoon ku ciyaaraan heesaha aflaamta Bollywood-ka iyaga oo jilaya atariishooyinka caanka ah oo kale.

Gurigooda ma laha  TV, balse guriga adeerkood ayuu mid u yaalaa, mararka qaarna dadka oo dhan ayaa Tv-ga  hor fadhiista si ay u daawdaan.

Caruurta tuuladan ku nool waxa ay iskuulka kaga hadhaan sanadka 9aad, haddii ay tahay in ay waxbarashada sii wataan waa in ay halkan ka tagaan oo ay aadaan magaalooyinka waaweyn.

 

 

safar5 safar6 safar9 safar10 safar11 safar12 safar13 safar14

 

COMMENTS
LINKS