Wasiirkii Gaashaandhiga Xukuumada Soomaaliya Oo Is Casilay | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Wasiirkii Gaashaandhiga Xukuumada Soomaaliya Oo Is Casilay
October 12, 2017 - Written by Reporter:

Muqdisho,(W,N) – Wasiirka Gaashaandhigga Xukuumada Soomaaliya C/rashiid C/llaahi Maxamed ayaa goor dhawayd iska casilay xilkii uu ka hayay xukuumadda Soomaaliya.

 

20171012636434021779993530sonnasss-640x427

Wasiirka ayaa maanta kulankii golaha wasiiradda xukuumadda Soomaaliya ka hor sheegay in uu xilka iska casilay, waxaana uu ka codsaday gollaha wasiirada in ay ka aqbalaan is casilaadiisa.

Shirka golaha wasiirada oo goor dhawayd soo dhamaaday ayaa laga sheegay in wasiirka Gaashaandhigga uu is casilay.

Is casilaada wasiirka ayaa timid wax yar uun kaddib markii uu ku dhawaaqay is casilaadiisa taliyaha ciidamada  somaaliya Jen. Jimcaale Cirfiid, iyadoo xilka taliyaha loo magacaabay Cabdiweli Jaamac Xusseen Gorod.

Lama oga ilaa iyo hadda sababtay uu isku casilay wasiirka gaashaandhigga soomaaliya.

 

COMMENTS
LINKS