Budhcada Internet-ka Oo Jabsatay Macluumaad Muhiim Ah Oo Ku Saabsan Difaacada Dalka Australia Oo Gaadhaysa 30Gb | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Budhcada Internet-ka Oo Jabsatay Macluumaad Muhiim Ah Oo Ku Saabsan Difaacada Dalka Australia Oo Gaadhaysa 30Gb
October 12, 2017 - Written by Editor:

Budhcada Internet-ka Oo Jabsatay Macluumaad Muhiim Ah Oo Ku Saabsan Difaacida Dalka Australia Oo Gaadhaysa 30Gb

Hackers-With-An-Agenda

Hargeysa(WJN): Budhcada  Internet-ka Oo Jabsatay Macluumaad Muhiim Ah Oo Ku Saabsan Difaacada Dalka  Australia Oo Gaadhaysa 30Gb
Macluumaad xasaasi ah oo ku saabsan hannaanka difaaca ee Australia ayaa si aan kala sooc lahayn loo xaday, ka dib markii burcadda internet-ka ay jabsadeen qalabka.
Qiyaastii akhbaar gaaraysa illaa 30GB ayaa laga xaday shirkad dowladda la shaqeyso. Waxaa la xaday macluumaadka diyaarado dagaal oo cusub iyo maraakiibka dagaalka.
Macluumaadka waxay ahaayeen kuwo xasaasi ah oo aan la kala soocin, sida dowladda sheegtay. Lama oga in dowlad un ay qeyb ka tahay dullaanka internet-ka ee lagu qaaday Australia.
Saraakiisha amniga internet-ka Australia ayaa weerarka ugu magacdaray “Alf”, oo ah qof jilaa ah oo qeyb ka ah barnaamij Saabuun oo TV ka baxayay.
Weerarka wuxuu bilowday bishii July ee sanadkii la soo dhaafay, laakiin dowladda Australia waxay ogaatay bishii November ee 2016-kii
Burcadda weerarka qaaday illaa iyo hadda lama garanayo.
“Wuxuu noqon karaa mid ka mid ah burcadda internet-ka ee kala duwan,” ayuu yiri wasiirka difaaca Australia Christopher Pyne oo la hadlay TV-ga ABC.
“Wuxuu noqon karaa dal ama burcad aan dal ku xirneyn. Wuxuu noqon karaa qof u shaqeeya shirkado kale.”
Mr Pyne wuxuu tilmaamay in xatooyada aysan halis ku ahayn amniga Australia.

Xafiiska Wararka WajaaleNews

COMMENTS
LINKS