“Suxufi Maxamed Aaden Dirir Wuxuu Helay Dacwad Dhagaysi Xor ah Iyo Garsoor Cadaalad ah”. Garyaqaan Xuseen Fadal | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
“Suxufi Maxamed Aaden Dirir Wuxuu Helay Dacwad Dhagaysi Xor ah Iyo Garsoor Cadaalad ah”. Garyaqaan Xuseen Fadal
October 12, 2017 - Written by Editor:

“Maxkamadda Gobolka M/Jeex Hargaysa waxay ku xukuntay Maxamed Aaden Dirir Xadhig ciqaab ah oo dhan (1) sanno iyo (6) bilood oo xadhig ah iyo ganaax lacageed oo dhan hal milyan oo shillin Somaliland (1,000,000/-) oo ay kaga kala xukuntay Qodobadda uu ku eedaysnaa oo kala ah 452(3) iyo 328 XCG oo kala ah sumcad dilid iyo faafin warar been abuur ah.”

GARYAQAAN XUSEEN FADAL 1

Taariikhdu maalinta ay ahayd 08/10/2017 ayey ahayd markii xukunkaasi ay Maxkamaddu ku dhawaaqday, anigu shakhsi ahaan goob joog ayaan ahaa bilawgii dhagaysiga dacwaddan ilaa dhamaadkeedii, waxaanan ka mid ahaa dadwaynahii dhagaysanayey ee fadhiyey hoolka dhagaysiga dacwadaha ee Maxkamadda, dacwadaasi waxaa dhagaysanayey oo gudoominayey Gudoomiyaha Maxkamadda Gobolka Maroodi jeex Hargaysa Mudane Axmed Dalmar Ismaaciil.

wariye dirir

Markii la furay fadhigii Maxkamadda oo ahaa mid furan oo dadwaynaha u furan oo waafaqsan Qodobka 96 XHC (Court Proceedings shall be open to the public), fadhigaasi oo aan ahayn mid Qarsoodi ah, kadib Gudoomiyahii dacwaddu wuxuu hubiyey in ay goob joog yihiin dhinacyadii dacwaddu oo kala ahaa Eedaysanaha iyo Xeer Ilaaliyaha si waafaqsan Qodobka 103(1)aad Xarafka (a) XHC waxa uu u akhriyey Eedaysanaha Xaashidda Eedda ee Xafiiska Xeer Ilaalinta (Charge sheet), isagoo si cad oo la fahmi karo ugu sharaxay eed kasta iyo waxay ka kooban tahay, sidoo kale u sharaxay oo fahamsiiyey Eedaysanaha in uu ku jawaabo saddex jawaabood midkood oo kala ah sida ku cad Qodobka 104 XHC

  1. In uu soojeedin karo is-hortaagyadda ku xusan Qodobka 105 XHC oo ay ka mid yihiin ma ihi Eedaysanahan anigu, Maxkamaddu Awood uma leh dacwadda dhagaysigeeda, hore ayaa dambigan la iigu xukumay iyo kuwo kale.
  2. Waan qabaa danbiga (Plead guilty), iyo
  3. Ma qabo dambiga (Plead not guilty)

Isagoo markaana u sharax cawaaqibka ka dhalan doonta jawaab kasta, Eedaysanaha looma magacaabin Qareen difaaca waxaanu Maxkamadda u sheegay in uu isagu dacwadda wadanayo, sababta aan Qareen loogu magacaabina waxay ahayd dacwadani ma ahayn dacwadaha ay waajibka tahay in Qareen loo magacaabo Eedaysanaha sida uu dhigayo sharcigu gaar ahaan Xeerka nidaamka Garsoorka Xeer Lr. 24/2003 Qodobkiisa 17aad xubintiisa labaad oo sheegaysa in ay waajib tahay in Eedasanaha loo magacaabo Qareen difaac haddii Qodobadda uu ku eedaysan yahay Eedaysanuhu ciqaabtoodu noqon karto Dil, Xabsi daa’im ama xadhig ciqaab ah oo dhan 10 sanno, dacwadani uu ku Eedaysanahaa Max’ed Aaden Dirir ma ahayn dacwad ciqaabteedu intaas ay gaadhayso.

Aan hore uga socdo, Eedaysane Max’ed Aaden Dirir oo hadda ah Xukunsane waxaa uu kaga jawaabay markii loo akhriyey Labadda fal dambi ee lagu eedaynayo si waafaqsan Qodobka 104(1)aad xarafka (b) XHC oo ah in uu qirtay dambiyadii lagu soo eedeeyey, qiraalkiisaa oo sharci ahaan waafaqsanaa Qodobka 108 XHC

Intaa kadib Xafiiska Xeer ilaalintu waxay Maxkamadda hor keeneen si waafaqsan Qodobadda 110, 114, 163 XHC, Afar Mara goo lagu kabay qiraalkiisa, iyo Marag muujin iskugu jirta Qiraal hore looga qoray Eedaysanaha Wakhtigii baadhista oo waafaqsan Qodobka 68 XHC, iyo dukumentiyo kale oo ay ka mid yihiin Maqaaladii uu Eedaysanuhu wax kaga sheegayey sharafta iyo sumcadda Dugsiyadda Nuradiin ee uu ku waafiyey Mareegaha wararka ee kala ah SAYLAC TODAY IYO GABILEY MEDIA, sidoo kale waxay Maxkamadda u soo gudbiyeen Qoraal caddayn ah oo ka soo baxay Ururka suxufiyiinta Somaliland ee SOLJA oo nuxurkiisu ahaa in Eedaysanahan Max’ed Aaden Dirir, uu dadka ku dhibo mihnadda saxaafadda oo ku caayo, siyaasiyiinta, ganacsatadda iyo dadwaynaha oo cabashadiisu buuxdhaafisay xafiiska ururka suxufiyiinta Somaliland.

Markii loo gudbay Markii difaaca Eedaysanaha ee Xusnayd Qodobka 116 XHC, Eedaysanuhu/Xukunsanuhu wuxuu Maxkamadda u sheegay in uu isku difaacay dhaar la’aan si waafaqsan Qodobka 116(1)aad Xarafka (b), xubintii (ii) XHC, waxaanu Maxkamadda horteeda ka sheegay in ay jiraan falalkaasi lagu Eedaynayo taas oo waafaqsanayd qiraaladii uu hore u bixiyey, intaa kadib Guddoomiyahii dacwadda oo isagu majaraha u hayey dhagaysiga dacwaddan waxaa uu ku amray Xafiiska Xeer Ilaalinta in ay soo gabo gabeeyaan dacwadan si waafaqsan Qodobka 119XHC, Eedaysanuhuna waxaa laga dhagaystay doodiisii iyo Gabogabadiisii isagoo ugu dambayntiina Maxkamadda ka codsaday si waafaqsan Qodobka 119(3)aad XHC in ay Xoriyadiisa u celiso, isla markaana uu ka fadhiisan doono Mihnadda saxaafadda maadama oo uu dhawr jeer oo la horkeenay Maxkamadda iyadoo lagu eedaynayo dambiyaddan oo kale.

Intaa kadib Maxkamaddu waxay gashay qolka Tashiga waxayna muddo yar ka dib ku soo noqotay hoolkii dacwadda waxay dacwaddan ka soo saartay go’aan si waafaqsan Qodobadda 120, 121 XHC,

Haddaba waxaan doonayaa in aan dadwaynaha u iftiimiyo qaabkii dacwadaasi ay u dhacday maadama oo aan goob joog ahaa bilawgeedii ilaa dhamaadkeedii waxyaabahan soo socda:-

1) Qaabka ay Maxkamaddu u dhagaysatay dacwaddan?

2) Eedaysanuhu ma helay xaquuqdiisa dastuuriga ahayd ee ah dacwad dhagaysi xor ah oo cadaalad ku dhisan?

3) Gudoomiyaha dacwaddan dhagaysanayey Xeerku ma u ogol yahay in uu dhagaysto dacwaddan oo uu go’aan ka soo saaro?

4) Dhagaysiga dacwaddu ma ahaa mid dadwayanaha u furan mise waxa uu ahaa mid Qarsoodi ah?

 

Su’aalahaasi jawaabahoodu waxaan ku soo ururiyey sidan soo socota, xukunsanahani waxay Maxkamaddu u dhagaysatay dacwadiisa qaab sharci ah oo cadaalad ah oo waafaqsan habka qaadista dacwadaha ciqaabta ah , waxaanay heleen dhinacyada dacwaddu dhamaan xuquuqahii uu xeerku siiyey, sidoo kale dacwadani waxay ahayd mid dhagaysigeedu dad waynaha u furan yahay oo aan ahayn Qarsoosi, sidoo kale in uu gorsooruhu intuu dacwadda dhagaysto go’aan ka soo saaro waxaa u fasaxaya xeerka Gaar ahaan Qodobka 108(1)aad xarafka (a) xubintiisa (i) XHC iyo Qodobka 120 XHC .

Ugu dambayntii waxaan qoraalkaygan kooban ku soo gunaanadayaa in qofka dhaliilaya Garsoorka iyo Maxkamaduhu inta aanu wax dhaliil ah sheegin waa in uu helo xogta rasmiga ah iyo sida ay wax u dhaceen, anigoo daba socda qoraal uu Saaxiibkay Gulleed dafac ku soo qoray bartiisa FACEBOOK-GA oo uu ku sheegay in Suxufi Max’ed Aaden Dirir la waasiiyey xuquuqdiisa dastuuriga ahayd oo aanu helin dhagaysi dacwadeed xaq ah sidoo kalena loo xukumay si qarsoodi ah oo aan sharciga waafaqsayn, arrimahaasi uu saaxiibkay ku cambaareeyey Garsoorahii dhagaysanayey dacwaddan waa arrin aanay waxba ka jirin , waxaanu Eedaysanahaasi helay dacwad dhagaysi xor ah iyo Garsoor Cadaalad ah.

EEBE TUBTA TOOSAN HA INA WAAFAJIYO.

Garyaqaan Xuseen Max’uud  Fadal.

COMMENTS
LINKS