Sixirka Soo Jiidashada!Q.2aad, Xamse Tudhaale. | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Sixirka Soo Jiidashada!Q.2aad, Xamse Tudhaale.
October 15, 2017 - Written by Reporter:

Aftahanimada: Dhammaanteen waxa aynu ka wada dharagsanahay muhiimadda ay aftahanimadu leedahay iyo doorka ay

Tudhaale(6)

 

 

Sida aynu ku soo xusnay qaybtii hore ee Maqaalka, waxa aynu kaga soo hadalnay 5 qodob oo muhiim ah.

Haddii aan halkii ka sii wado qodobada inoo sahlaya inaynu noqono kuwo soo jiidasho leh, waxa ka mid ah:

6: Aftahanimada: Dhammaanteen waxa aynu ka wada dharagsanahay muhiimadda ay aftahanimadu leedahay iyo doorka ay ka qaadato, kasbashada quluubta dadka. Haddaba haddii aad rabto in aad noqoto mid soo jiidasho leh, horumari xirfadaada aftahanimo; taas oo noqonaysa buundada kuu sahlaysa in aad si fudud u hantido quluubta dadka kugu xeeran.

 

7: Labbiskaaga qurxi: Dadka intooda badani, waa kuwo kugu xukumaya hadba muuqaalka duleed ee jidhkaaga iyo dharka aad xidhan tahayba, tanina waa sababta dadyow badan oo Aqoon iyo garashaba leh ay u yihiin kuwo aan dadka soo jiidan. In aad qurxiso qaab dhismeedkaaga jidheed iyo labbisaad ba, waxa ay sababi karta in aad ku soo jiidato dadyow badan oo indho ku garaadlayaal ah.

FG: Labbis qurux badan marka aan leeyahay, kama wado in marka laga eego dhanka dumarka ay inantu xidhato dhar cawradeeda muujinaya ama aan asturnaantiisu fiicnayn; se waa in qofku ku dedaalo inuu u muuqdo mid nadaafad ahaan iyo muuqaal ahaanba dhisan.

Inantuna iyada oo xijaabkeeda xidhan oo asturan, way ilaalin kartaa nadaafada dhareed iyo jidheedba. Miisaanka ugu horreeya uguna muhiimsan ee aynu wax ku qiyaasayno mar walba, waa Diinteena Suuban ee ISLAAMKA.

 

8: Akhlaaqdaada Hagaaji: Akhlaaqda wanaagsani waa mid sideedaba soo jiidasho leh, waana inagu waajib Muslim ahaan inaynu Akhlaaqdeena wanaajino.

Haddii uu qofku akhlaaq xumaado, waxa ka dhacda karaamadii bini’aadanimo; wuxuuna noqdaa mid cid walba oo dammiir nool leh iyo dadnimaba ay ka dido oo ay ka durugto.

9: Ixtiraam muuji: in dadyowga aad la kulanto ama kugu xeeran u muujiso ixtiraam, waxay ku khasbaysa in ay iyaguna ugu yaraan ku ixtiraamaan.

10: Naxariis muuji: Naxariistu waa Dareen ka mid ah, dareenada ugu xoogga badan ee noolaha oo dhan saamayn togan ku yeesha, qofka aad u muujiso naxariis ee aad kula dhaqanto, waxa hubaal ah in aad kasban karto.

 

11: Dhoola caddee: dhoola caddayntu dhinac waa ka dawo nafsaani ah, taas oo qofka siisa degganaan maskaxeed iyo jidheed ba. Sidoo kale qofka dhoola caddeeya waxa uu ka soo jiidasho badan yahay ;kana furfuran yahay kan aan dhoola caddayn. Dhoola caddayntu waxa ay sahasha in ay dadku ku dhiirradaan barashadaada iyo ku soo dhawaanshiyahaaga.

 

Intan aynu ku soo koobnay qodobadu way ka badan yihiin, balse waxa aan si faahfaahsan ugaga hadli doonaa Dhiganahayga aan dhawaan soo saari doono, Haddii Alle ogolaado ee U Hiili Naftaada.

 

Xamse Tudhaale: Tabobare nololeed iyo Qoraa ka faallooda horumarinta hab-fikirka Aadamaha iyo tayaynta shaqsiyadda.

qoraaxamze@gmail.com

COMMENTS
LINKS