Xuska Sannad-guuradii 33-naad Dagaalkii Burco-Duurray 1984, W/Q: Cali Cabdi Coomay | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Xuska Sannad-guuradii 33-naad Dagaalkii Burco-Duurray 1984, W/Q: Cali Cabdi Coomay
October 16, 2017 - Written by Reporter:

Khasaaraha dagaalka ka dhashay wuxuu ahaa mid aan la soo koobi karin, balse waxaynu soo bandhigi doonaa intii suurtagal ah.

 

coomay2(8)nnnnnnnnnnnn

Dagaalkii Burco-duuray 17/10/1984

Wuxuu ahaa mid ka mid ah dagaaladii ugu caansanaa ee SNM gasho. Ciidanka Max’ed siyaad ayaa weerar ahaa, wuxuu ka dhacay meelo xero ah, oo ay daganayeen ciidamada SNM oo 25 KM xadka itoobiya galbeed ka xigta gudaha itoobiyana ah. Dagaalkan oo ahaa mid qadhaadh oo ay isku haleeleen  SNM iyo ciidankii max’ed siyaad. Xerada waxa joogay 400 oo askari oo S.N.M ah, halka ciidanka max’ed siyaad ahaayeen 1000 askari, 70 tikniko iyo gaadiid ku jiraan watay. Ka dib dagaal faraha lagaga gubtay ayaa toos u bilaabmay, waxaana markii dambe ay noqotay in la is-dhexgalo oo gacanta la isul-tago.

Khasaaraha dagaalka ka dhashay wuxuu ahaa mid aan la soo koobi karin, balse waxaynu soo bandhigi doonaa intii suurtagal ah. Dhinaca ciidanka max’ed siyaad waxa ku dhacay jab-weyn waxa lagaga diley dagaalka 170 askari, halka 11 baybayna lagaga gubay. Dhinaca S.N.M waxa laga diley 27 askari. Ragg waaweyn ayaa labada dhinacba kaga dhintay dagaalka. Dhinaca S.N.M waxa ku dhintay mujaahid max’ed xaashi dhamac “lixle”.

Dagaalkii Buuraha ee 25/11/1984

Dagaalkan waxa soo qaaday ciidamada S.N.M oo weerar ku soo galay buuraha silsilada xeebaha goliska ee somaliland gudaheeda. Duulaanka dhinaca galbeed waxa hogaaminayey C/laahi askar waxaanu watay 140 askari, waxay weerareen gaaskii Awdal fadhiyey ee koowaadQ.26aad oo tiro ahaan dhammaa dhawr iyo toban kun oo askari. Dhinaca bari ciidanka S.N.M waxa hogaaminayey max’ed kaahin axmed waxaanu watay 130 askari, waxay weerareen buuraha mirriya iyo goliska. Dhinaca buuraha sheekh ciidanka S.N.M waxa hogaaminayey Ibraahin C/laahi dhegaweyne, max’ed cali iyo c/salaan gabaxadi.

Isku- geynta ciidanka S.N.M ee weerarka ahaa waxay ahaayeen 350 askari, halka ciidanak max’ed siyaad ee qaybtii 26-aad ahaayeen 30 kun oo askari. Axmed xuseen (malloosh) oo ka mid ahaa ciidankii S.N.M ee galay buuraha galbeedka ayaa ka sheekeeyey dagaalkaasi waxaanu yidhi” Raggaasi waxay u badnayeen macalimiin, ganacsato, aqoonyahano iyo dhalinyaradii ardayda ahayd ee u adkaysan weyday cadaadiskii, dilkii iyo cabudhintii taliskii max’ed siyaad ee ku soo biiray S.N.M.

markii aanu gaadhay buuraha dila waqooyi ka xiga, ayaa dhinac walba waxa naga hareereeyey ciidamada max’ed siyaad oo dhankii aanu u dhaqaaqnaba xabbad ayaa nagaga soo dhacaysay. Diyaaradaha sahanka ah iyo kuwa qumaatiga u kaca ayaa na dul heehaabayey. Casarkii dambe ayaa buuryar nalagu soo ururiyey, afarta dhinac ayaanu u kala jeesanay markii ay saqdii dhexe ahayd, ayuu taliyahayagii C/laahi askar nagu amray in koox kasta horteeda bannaysato inta aanu waagu beryin, maxaayeelay, haddii ay maalin noqoto midh nagamuu baxeen, ciidankii max’ed siyaad waxay soo daadguraynayaan gurmad xoogan. Koox kastaa waxay weerartay halkii ka horaysay oo ciidankii horfadhiyey ayey dagaal ku qaadeen. Ka dib waanu banaysanay hortayadii. Waxaanu isku helnay 36 mujaahid waana habeen madow. Waxaanu dhinaca isku helnay, axmed ibraahin (axmed weyne), mahdi isxal, cali case, cali-guray,aadan maal iyo kuwa kale.

Cali Cabdi Coomay

Suxufi, qoraa ah.

Hargaysa, Soomaalilaan

Calicoomay@hotmail.com

Tixraac: Cibaarooyinka Qarniga (2003)…. Cali Qoryooley

 

COMMENTS
LINKS