Yaa Ah Shaqaale Dawladeed Oo Aan Ololaha Doorashada Ka Qayb Gali Karin W/Q: Maxamed Hagi | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Yaa Ah Shaqaale Dawladeed Oo Aan Ololaha Doorashada Ka Qayb Gali Karin W/Q: Maxamed Hagi
October 17, 2017 - Written by Reporter:

Shaqaale dawladeed waxa ah cid wal oo qaranka si joogto ah ugu shaqaysa (Permanent Civil Servant). Waxa ah cid wal oo si buuxda oo aan ku meel-gaadh ahayn ugu jirta mushahar bixinta qasnadda dawladda (National Payroll Service). Waxa ah cid wal oo hawl-gab mushahaaro leh (State Pension). Waxa ah cid wal oo imtixaan shaqada dawladda ku heshay (Official Recruitment).

 

10177878_993803397312713_3743123379200785570_n(3)

 

Dhammaan shaqaalaha dawladda ee sifaha aan kor ku xusay leh u ma bannaana in ay ka qayb noqdaan tartanka doorashada ee foodda Somaliland ku soo haya 13th November 2017. Sidaa darteed, waxa la gudboon hay’adda shaqaalaha in ay hubiso cidda ah shaqaale dawladeed ee leh sifooyinkan – si aaney dawladnimadu innoo ga walaaqmin.

Dhanka kale aan ka wajaabo su’aasha labaad ee odhaneysa yaan ahayn shaqaale dawladeed oo ololaha u madax-bannaan? Waxa aan ahayn shaqaale dawladeed dhammaan xubnaha la doortay ee Golayaasha Deegaanka iyo Wakiillada (Elected Officials). Waxa aan ahayn Golaha Guurtida ee xulis ku yimi kana mid ah sharci-dajinta (Selected Legistures). Waxa aan ahayn dhammaan masuuliyiinta dawladda ee awood Madaxweyne ku magacaaban (Presidential Appointment Clause), iyo cid wal oo kale oo aan lahayn sifaha shaqaale dawladeed oo joogta ah.

Taa macnaheedu waxa weeye in xubnaha dawladda ku jira ee aan wadan sifahaha shaqaale dawladeed oo joogto ah, mudanayaasha shacabku soo doorteen iyo inta xilalka kale ee ku magacaaban awood madaxtooyo in ay xor u yihiin xisbiga ay rabaan in ay u codeeyaan. Dhammaan wasiirada, iyo ku-xigeennadooda, safiirada, guddoomiyayaasha gobollada, duqaha magaalooyinka iyo degmooyinka iyo cid wal oo kale oo rabta in ay ka qayb qaataan ololaha doorashada madaxtooyo sharcigu waa uu u mubaax yeelayaa.

 

 

Qalinkii: Mohamed Hagi Mohamoud

COMMENTS
LINKS