Ololaha Xusbiyada Oo Raaf-dilaacay….Ku Soo Biiray Ama Ka Baxay Baa Kartidoodii Noqotay. | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Ololaha Xusbiyada Oo Raaf-dilaacay….Ku Soo Biiray Ama Ka Baxay Baa Kartidoodii Noqotay.
October 18, 2017 - Written by Editor:

Hankiinu ha dhaafo reer hebel.

Qore : Ahmed Maax Hassan

Geedi socodka iyo koboca dimuquraadiyadu si aad u wanaagsan buu uga iftiimay Somaliland kolka aad garab dhigto dagalka Afrikada bari ama aan idhaahdo Afrika badideed

Kolba heer ay joogtaba waa isbadal u socda xagga wanaagsan ama taban.

Somaliland waxay hirgalisay doorashooyin heer kasta leh Dagaan, wakiilada iyo madaxtooyaba iyadoo xusbiyo badan lagu tartamayo. Doorasha kastaa waxay kordhisay waayo aragnimo iyo dhaliilo lagu xisaabtamo sixidooda. Gudida doorashooyinka Somaliland oo tusaale u noqon doonta Afrika oo gudiyada noocana ay dawladaha gacanta ugu jira.

Manta oon filaynay in habka ololaha ama tartanku ka kobco sidii hore ayaad moodaa in dibudhac ku yimid sida loo hananayo codka dad waynaha.

Adeegsiga qabyaalada oo heer juf juf ah ayaa dib u soo noolaaday. Waxa taas ka darin waa xafladaha xusbiyada oo bilaa karaamo noqday. Shir beeleedkii oo noqday baayactan waagii baryaba.

Waxa lagu tartamaa Hebal ama reer hebel oo Ku soo biiray ama ka baxay xusbi gaa, ka diga rogtay xusbigaa. Waxa is waydiin leh goormuu reer afti bixiyay ku taageero xusbi ama kaga baxo.

Afar oday dhaqameed oo ku mamay siyaasada iyo inyar oo aqoon isbiday dan gaara u xusul duuban baa marna ku biira meeshay dufan ku arkaan marna ka baxa meeshay wax ka waayaan.

Oday dhaqameed isku badalay oday siyaasi ma matali karo reer iyo jilib toona, naftiisa uunbuu u shaqa tagay. Reerkuna waa sumad uu sito(Plate number). Waxay ilawsan yihiin ama is diidsiinayaan in qof kastaa marka cod bixintu timaado halkuu doona ku taageeri.

Ma lihi Odayaal oo dhan baa sidaas ah. Waa in yar kuwa u xuub siibtay oday siyaasi ee waxa badan Odayaal sharf iyo milgihii dhaqanka huwan sidii loo igmadayna beelahooda ugu hagar lah.

Inta xafladood ee loo qabtay koox/beel ku biirtay ama ka soo baxday waxay xoolayn lahay reer miyada codka laga doonayo ma biyo xidheeno loogu samayn karaa.

Xisbiyada waxa ka dhex muuqda rag/dumar farabadan oo aqoon sare iyo xirfado leh , laakiin kumay quulaysan in qabyaalada hagoogtay ee hagaysa ay ka suuliyaan ama fasaqaan. Way ka gaabsadaan in ay u badheedhaan wax ka sheega bada ay cagaha kula jiraan in yar oo far ku tiris ah mooyee.

Politicians are the same all over, they promise to build a bridge even where there is no river –Nikita Khrushchev

Waxaan ku koobayaa dhawr tuduc oon ka soo dheegtay Gabaygii Abwaan Abdi Aden Qays ee Darmaan iyo Dalxiis. Waa su’aal uu darmaan waydiiyay dalxiil siday wax u doortaan .

Adiguna dadoow…..

Habka talada loo doono docdeed iska taagtaan.

Ma da’da la tiryaa

Ma duunya la eegtaan

Ma dagaanka aydiyo danyartaad u dhiibtaan,

Ma doodaa la raacaa, mise deeqsinimadiyo

Dulqaad baad ku bixisaan,

Ma dareenka garashada iyo dirasha dheeraad

Darajada ku saartaan,

Mise waxaad ku dagataa dibindaabyadoo

Door waliba kii hore waa mid kaaga sii daran

Darmaan & Dalxiis(A.Qays)

Wax laga danbaysiiyaa ma muuqdo xigmada Abwaanka ee dadkaygoow taldu qof dooro maaha ee waa qofkaad doorato daba taagnow oo la xisaabtan haduu wax qulubaa gadiyo ka qayli yaan qoloqolo laguu kala qoqobin.

Blind Party loyalty will be our downfall; we must follow the truth wherever it leads. (Dashanne Stoke)

Abwaan Hardraawi baa yidhi.

Galab noolba oodeedu waa gudunta loo hayee

Nin gufeeya mooyee ma jiro ruux gunaanadaye

Galbiskeedo oo qudha haduu tacabku kuu gooyo

Adigoo gadaashaday haday guure kugu dhaafto

Gomodkiyo yabooheedu way goora badataaye ………………………….

Mar hadaan garaad loo lahayn wayska gubataaye

Geedkeed ba’ waa sixir hadaan garasho hilayne ………………………

Gobanimadu ruux kuma xidhn iyo Giib ninkii dilaye

Gadh wadeenku ruux buu ka yahay geylan wadareede …………………

Nin uunbaa gudoonshee xil waa laysku gororshaaye.

Gudgude – Hadraawi

Party is the madness of many, for the gain of a few. Alexander Pope.

Yaanay taasi gabayaagaa English ah Alexander Pope yidhi 18 century inaga noqon.

Doorashadu way ina dhaafi  miduunbaa ku guulaysan ee waa in inta badani ilaashataa oonay noqon salaam iyo kala taga ama boobaay yaa wadani ilaa shanta danbe.

Somaliland Ha Jirto

Allaa Mahad leh

 

Ahmed Maax Hassan

Maritime & Logistics specialist.

email: amaaxh@gmail.com

COMMENTS
LINKS