Madaxwayne Siilaanyo Iyo Hogaamiyaha Khaatumo Oo Heshiish ku kala Sexeexday Magaalada Caynaba Iyo Qodobada Ou ka Kooban Yahay, | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Madaxwayne Siilaanyo Iyo Hogaamiyaha Khaatumo Oo Heshiish ku kala Sexeexday Magaalada Caynaba Iyo Qodobada Ou ka Kooban Yahay,
October 20, 2017 - Written by Editor:

CAYNABA (W,N):- Madaxweynaha Somaliland Axmed Maxamed Maxamuud Siilanyo iyo madaxweynaha

maamulka Khaatumo ayaa waxaa ay goor dhaweyd heshiis rasmi ah ku kala saxeexdeen magaalada Caynaba ee xarunta gobalka Saraar .

Heshiiskan ayaa waxaa uu noqonayaa mid ay ku midoobayaan dawlada Somaliland iyo maamulka Khaatumo waxaana uu ka kooban yahay qodobadan      Hoos Qoran :-

  1. In la helo cadalaad , sinaan iyo nabad kuwada noolaansho

2.In la wada ilaaliyo jiritaanka iyo madax banaanida Somaliland .

  1. In Khilaaf kasta oo jira lagu dhameeyo wada hadal iyo jid nabadeed
  2. in la ilaaliyo midnimada iyo nabad ku wada noolaanshaha
  3. In Distoorka Somaliland dib loo furo si loo helo awood qeybsi ku saleysan cadaalad iyo sinaan , guddi joogto ahna arintaas loo saaro

6;In Dawlada Somaliland iyo Haaya’adaha sama falkuba ay ka hawl galaan sidii Mashariic wax ku ool ah looga hir galin lahaa deeganada Sool iyo Sanaag .

7; In ciidamada Hubeysan ee Khaatumo la qarameeyo oo wadanku yeesho ciidan qaran oo suga xuduudihiisa’

HALKAM KA DAAWO MUUQAALKAN WARKAN;

https://youtu.be/Z_NAVe6kKQw

COMMENTS
LINKS