Maamulka Gobolka Gabiley Oo ku Mashquulay Soo Ururinta Odoyaal Waji ku Macaasha Oo Aflagaadeeya Xildhibaanada Iska Casilay Xisbiga Kulmiye . | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Maamulka Gobolka Gabiley Oo ku Mashquulay Soo Ururinta Odoyaal Waji ku Macaasha Oo Aflagaadeeya Xildhibaanada Iska Casilay Xisbiga Kulmiye .
October 20, 2017 - Written by Editor:

TOG WAJAALE (W,N) Tan iyo mudadii ay soo dhawaatay Wakhtiga La qabanayo Doorashada Madaxtooyada   somaliland oo xiligan ay inaga xigto mudo gaaban malinta loogu talo galay in loo dareero codbixinta, ayaa waxaa  xowli usocda loolanka ay xisbiyadu ugu jiraan hanashada shacabka reer somaliland kuwaasi oo xisbi kastaa ku dadaalayo sidii uu saamiga iyo xubnahan xisbigiisa u matalaya ay uga dhex muuqan lahaayeen bulshada ku kala nool gobolada dalka , mid ilaa  degmooyinka ayaa midkastaa wuxu ku halwan yahay in  qabiil kasta uga dhex muuqan lahaayeen xubanahan uu xisbigiisu soo xusho.

Hadaba DHawaaan ayay ahayd markii 5xildhibaan oo kamdia golaha deeganka gabiley ay iska casileen xisbi xaakimka kulmiye oo taageerada uu ku  leeyahay gobolada galbeedka gaar ahaan  gabiley ay   wax wayn iska badaleen mudooyinkii  udanbeeyay kadib markii ay xildhibaanadii ugu tiro badan ee katirsan xisbiga kulmiye ay ka dareereen isla markaana ay ku biireen xisbiga mucaaridka ah ee wadani taasi oo sida ay sheegeen xildhibaanadani  ay sobobtay kadib markii ay beelaha kamida kuwa degan gabiley ay  iska dhex wayeen maamulka xisbiga iyo gudiyada kaabaynka kulmiye,

sidoo kale  xubnahan xildhibaaada ah ayaa ku doodaay in ay saluugeen hab dhaqanka maayarka magaalada abiley oo ay ku eedeeyeen mid caadaystay , kala qaybinta bulshada gobolka, eex , musuq maasuq iyo arimo  kale  in ay sobobtay in gabi ahaanba ka dareereen xisbiga kulmiye

Dhanka kale maamulka gabiley ayaa  isbadalka xubnahan xildhibaanada ah ee mucaaridka iskugu biyo shubtay,  bilaabay in ay kaga jawaabaan soo ururinta xubno odoyaal ah oo waji ku macaasha ismarkaana ay kubixiyeen kharash aad ubadan kuwaasi oo loosoo liqimay in ay aflagaadeeyaan xildhibaanada ka baxay xisbiga kulmiye gaar ahaan xildhibaanaad mahdi oo isagu samayn baladhan ku leh bulshada gobolka

Sidoo kale maayarka maaglada gabiley ayaa  noqday mid dhexda ku duubta hawlaha xisbiga kulmiye taasi oo keentay xiligan in looga dareero xisbiga kulmiye

Walow murassaxa kulmiye Muuse Biixi Cabdi uu Yahay masuul  taageerayashiisa kala socda muuq baahiyaha iyo hadba waxa laga tuso  Tiiviiga  Halka Aanu Warba u hayn  xaqiiqooyinka rasmigaha ah ee ka taagan gobolka gabiley,

Xildhibaanada dhawaan ka dareeraay xisiga xaakimka kulmiye ayaa waxaa hormuudka ahaa Xildhibaan Mahdi Maxamed Xaashi  kaasi oo  ay beesha uu kasoo jeedo oo iyadu iska dhexwayday xisbiga kulmiye Ay xiligan haldabala ay iskugu biyo shibatay xisbiga Mucaaridka ah ee Wadani,

Talaabadan uu hormuud ah u yahay xildhibaan mahdi oo kamida xildhibnaada ugu firfircoon golaha deeganka gabiley saamayn culusna ku leh Guud ahaan bulshada gobolka gabiley  ayaa  lafilayaa ib uu miisaan culus ku so kordhin doono mucaaridka iyo Guusha madaxtinimo ee Xisbiga Wadani  mustaqbalka dhow,

 

WAJAALENEWS DESK

TOG WAJAALE OFFICE

COMMENTS
LINKS