WAJAALE NEWS

Umadda Somaliland waxay Sas ka qabaan xukun Askari Siyaad Barre dabadii, maxaadse ka xasuusataa Askartii Afrika soo xukuntay iyo Mahadhooyinkii ay ka tageen Q:1Aaad

AHUN Abwaan M. X. Dhamac Gaariye ayaa laga hayay “Shalay daallinkaan ridey dal baabuu xukumayee; qaar daaqii xoolaha, dekeddiyo madaarkii iyo dawladnimadii sarriftaa ka daba yimi, oo sida dawaarlaha ninba dhan u dillaacsadey degmadii ciddiisoo, keligii ka dig yahay”

Sidoo kale gabay kale oo uu lahaa AHUN abwaan Ibraahim Gadhle ayaa ahaa “Maskaxdaadu yey noqon maqal lagula leeyahay; yaan toban muftaax iyo lagu furan masaabiir; Waxaad shalayto mudatiyo mahadhada xasuusnoow; halkii qorigu kaa muday mar labaad lugtaadiyo cagtu yaanay kula marin”

 

 

Waxaynu soo qaadan doonaa qayb ka mid ah madaxdii Afrika soo xukuntay, sida Captain Jean-Bédel Bokassa (Central Africa), Gen. Mingistu Haila Mariam (Ethiopia), Gen. Sani Abacha (Nigeria), sergeant Samuel Doe (Liberia), Field Marshal Idi Amin (Uganda) iyo General Siyaad Barre (Somalia); nimankaasi oo dhamaantood ahaa ma-jixinjixeyaal, arxan-laawayaal ah oo ka tirsanaa saraakiishii ciidamada ee dalalkooda, markii dambena noqday madaxweynayaal ayaa mid waliba wuxuu leeyahay taariikho mahadhooyin reebey iyo xasuuso xun oo aan ka go’I karayn shucuubta wadamadooda; iyadoo hal-ku dhigga ay dhamaantood ka sinnaayeen uu ahaa ama uu shabbaho haddii afsoomaali lagu tarjumo odhaahdii caanka ahayd ee ahayd “Anigoo wax dili kara duca qaadan mayo”.

Iyadoo aynu keligood-taliyayaashii Afrika midba mar soo qaadan doono dhacdooyinka xad-gudubyadiisii, burburrintii iyo ku tacadigii uu u geystay dalkiisa iyo dadkiisa, waxaynu maanta tusaale u soo qaadan doonaa Gen. Mingistu Haila Mariam (Ethiopia)

Wuxuu ku dhashay Gobolka Kefa 1937-kii, waxa uu ka mid ahaa afar kun oo askari oo dalka Maraykanka loogu direy koorso waxabarasho iyo tababar Military isagoo 1966-kii ka soo qalin-jabiyay Akaademiyadda Milatariga Holeta isagoo laba xidigle ah.

Col. Mingistu waxa uu af-gembi milatari ku qabsaday dalka isagoo madax u ahaa koox saraakiil ah oo ku ololaynaysey muwaadinimo iyo dal-jacayl sanadku markuu ahaa 1974-kii, isagoo isla markii uu xukunka la wareegay ku kacay aargoosi, xad-gudubyo iyo dilal qorshaysan, isagoo isla maalmihii uu xukunka la wareegayba dhegta dhiigga u daray boqorkii xukunka ugu horeeyey Haile Salase iyo wadaadkii ugu weynaa mad-habta Orthodex-ka Itoobiya oo isaga laftiisu awood badan ku dhex lahaa shacabka iyo saamaynta hogaaminta dalka. Sidoo kale 23, Nov. 1974-kii waxa uu diley 60 ka mid ah saraakiishii maamulkii isaga ka horeeyey,  isagoo ku andacoonaya inay dembiyo geysteen.

Isagoo u muuqda inuu ka faa’ideysanayay niyad-jabka iyo cadhada dadkiisa ee ku wajahan maamulkii isaga ka horeeyey waxa uu bilaabay olole uu ku kasbanayo quluubta dadweynaha isagoo si gaar ah farta ugu fiiqaya shirkadaha gaarka loo leeyahay, ajaanibka iyo xubnaha saraakiisha dawladda oo gacanta loo geliyay dhamaan manaaficaadka wixii danta guud ahaa, haddii ay tahay goobo wax-barsho, goobo ganacsi, iyo meelaha ay bulshadu ku kulanto oo si gaar ah loogu wareejiyay ashkaas gaar ah, waxa uu hal-hays ka dhigtay isaga iyo kooxdiisii Dergigu kelmadda ah “Ethiopia Tekdem(Itoobiya wax kasta ka mudan). Jariiradda Economist ee ka soo baxda dalka Ingiriiska ayaa cinwaan uga dhigtay maqaal ay ka diyaarisey ololaha dhaca iyo boobka Col. Mingistu  “That left nobody that run anything” oo macnaheedu yahay “Lama ogola cid si gaar ah wax u gaar ah isaga maamulata” isagoo intii badnayd dadkii hantidaa lahaa jeelasha ku abaadeen, qaar ku dhex dhinteen, intii kalena dalka dibedda uga yaaceen.

La soco qaybta dambe.

C/risaak Suudi Nuur

063-4425243

Hargeisa Somaliland

Suudi786@gmail.com

Exit mobile version