MURASHAX MUUSE IYO MASRAXA: Habeen-dhalad Hibooyin Badan Leh! | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
MURASHAX MUUSE IYO MASRAXA: Habeen-dhalad Hibooyin Badan Leh!
October 23, 2017 - Written by Editor:

Marka aad himiladaa, Hilin toosan nin mariyoo,

Hir markii la gaadhaba, Mid labaad hilaadshoo,

Haga maatidiisoo, La Hiigsade Dhashaabaa, Hooyo lagu xasuustaa,

Tixo ka mid ah heesta Hooyo, Gabyaa M. I. Warsame (Hadraawi).

Doorashada madaxtooyada ayaa inagu soo fool leh. Ma aha markii inoogu horsey oo hogaamiyaal lagu kala xulanaayo. Waaba qaan-gaadh wakhtiga aynu jileyney oros noocakan oo kale. Haddaba, hadeer iyo odoroska doorashada 2017, waxaa sharaxan saddex hogaamiyayaal iyo saddexdooda ku xigeen oo madaxtooyada si mataano ah (qandi) uga talin doona shanta sanno ee soo socota-in sha Allah-.

Aniga iyo arragtideyda shakhsiga ah, waxaan jecleystey in aan si kooban, kor xaadis ah, isla markaa dhex-dhexaanimo ah sida sunaha qalinku inagu waajinayo in aan wax uga qoro Murashaxa Madaxweyne ee xisbiga Kulmiye oo ka mid saddexda xisbi qaran ee tartamaaya. Waa waajib oo oo waa banaan tahey in si hufan oo aan naxli iyo buqdi laheyn wax loo tiraabo si aynu u helno min-qiyaas dheelitiran. Waa mid inaga caawineysa go’aan-qaadashada togan mar walba?

Mujaahid Muuse Biixin Cabdi waxaan ka ag dhowaa muddo ku siman sagaal iyo labaatan sanno (29 sanno), hadba in aan u jirey masaafo ahaan. Soomaalidu waxay tidhaahdaa “Jid ma la martey, jidiin ma la cuntey, oo jabad ma la dagtey”. Waa murti miisaan iyo mug leh.

Mujaahid Muuse waxaa uu Illaahey ku maneystey hibooyin door ah oo inta badan ay naadir tahey in qof wada yeesho sifo ahaan; fikir hal-abuur, dhiiranaan, go’aan-qaadasho, dulqaad, samir, odeynimo, hogaamin adag, geesinimo, xeer-beegtinimo, iyo in uu yahey aftahan hadal yaqaan ah.

Intaas sifo ma aha mid aynu xayeysiis iyo barobogaando uga dhigeyno is-sharaxaada madaxtinimo oo uu u soo cumaamatey balse waa kuwo xaqiiq ah fahamkeyga qofnimo oo aan in igu filan wakhti dheer ka dib aan ka mid ahey in badan oo uga markhaati kaci karta maanta.

Mujaahid Muuse waxaa u ahaa taliyihii Aaga galbeed ee urrur-halgameedkii SNM bishii Noofember 1988 oo uu hogaaminteeda lahaa dagaalkii qadhaadhaa ee maryaha dhiiga leh lagu kala furtey degmada Gabiley guud ahaan gaar ahaan deegaanada Tog-wajaala illaa kambalka caasimada Gabiley(Carro-tuulka ama Lo’ ka Arroor). Wakhtiga howgalkaasi socdey oo bil ahaa ka sokow waxaa si weyn la isu farasaarey kow iyo labaatan casho oo xidhiidh ahaa oo ugu yaraan laba jeer maalmaha qaar la isu rogaal celinayay. Qiyaasteyda waxaa ku shahiidey ku sinaan saddex boqol iyo konton mujaahid (350 halyey oo naf waayey).

 

Mar kale, Muhaajid Muuse Biixi Cabdi waxaa uu ahaa guddoomiyaha shirweynaha lixaad ee SNM iyo xaruntii halganka hubeysan ee ALMIS (Balley-gubadle) bilowgii 1990kii. Culeysyo badan oo siyaasiya oo hadheeyey shirka misna uu xubin fir-fircoon ka ahaa darifyada garabyada siyaasiga ee sida weyn u gor gortamayey, Mujaahid Muuse waxaa uu ku muteystey sharaf, karaamo, magac, iyo in uu soo bandhigey hadaf iyo miisaan siyaasiya oo u wehelinayay sarkaalnimada uu halganka kaga jirey wakhtigaas.

1993kii dowladii ka dhalatey shirweynahii beelaha Somaliland ee Boorame, Mujaahid Muuse waxaa uu noqdey wasiirka arrimaha gudaha JSL. Waxaa markhaati ma doon ah in uu seeska u dhigey wasaarada arrimaha guduha oo ah midka illaa hadeer ay ku taagan tahey wasaaradaas arrimaha gudaha JSL. Ninka dood ka qabaa ha baadho oo dib ha u raaco maguurtada taariikhda.

Aan soo koobe eh, cahdigakan xisbiyada badan, Mujaahid Muuse, waxaa uu si weyn oo aan nasasho laheyn uga mid ahaa jilayaasha madaalayaasha ah ee saaxada siyaasada dalkeena sida weyn uga muuqdey. Waa mid dhab oo da’ yarta haddeer inoo kacdey ay ku barteen Muj. Muuse . Cahdigakan waxaa aynu ka dheregsanahey in Mujaahid Muuse ahaa misna yahey mid ku suntan wadajir, iskaashi, isu-samir, isu-tanaasul, soo jiidasho, kasbasho iyo wax wada-lahaansho mar walba. Waa halyey aan shucaac laheyn mowqifkiisu mar walba oo badheedha.

Wakhtigakan waxaa aynu arkeyney oo maqleyney marar dhowr ahaa oo si weyn GAR loogu ridey Mujaahid Muuse misna si geesinomo leh u garwaaqsadey oo gacan qaad iyo aqbalaad weyn uu  u muujiyey. Shacabkeenu waa ku bogaadiyeen xilliyadan go’aanada geesinmada leh misna qadhaadhaa oo uu Mujaahid Muuse qaatey isaga oo ugu hiiliyey gobanimada dalkeena iyo midan sharafka shacabkeena-Alle ha ka abaal mariyo-Amiin…..

Waxaan ku soo koobayaa, sida uu ku mowqif qaatey Amb. Xuseen Cali Ducaale (Cawil), in Mujaahid Muuse Yahey nin ku haboon hogaaminta wakhtigan hadda taagan oo dalku u baahan yahey nin adag oo go’aan qaadasho leh.

Waxaan ugu baaqayaa muwaadiniintu in ay si hufan, degan, oo dhex-dhexaanimo ah u go’aan qaataan una taageeraan Mujaahid Muuse Biixi Cabdi iyo Inj. C/raxmaan C/llaahi Ismaaciil (Saylaci) oo ah ku-xigeenkiisa oo CODKOODA QAALIGA U SIIYAAN MAALINTA CODEYNTA 13KA Noofamber 2017.

Allaa mahad leh,

Mustafe Suleymaan Cilmi, Hargeysa, Somaliland

Tel: 0634137470.

Email: mustafe72@gmail.com

COMMENTS
LINKS